Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo si weyn loogu soo dhaweeyay Oodweyne
 

 


Oodweyne (TNN)- Dadweynaha Gobolka Oodweyne, ayaa roog cas u dhigay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Bixii Cabdi iyo wefti ballaadhan oo ku weheliyay safar uu xisbigaasi ugu jiro diyaar-garowga doorashooyinka deegaanka iyo qiimaynta waxqabadkii xisbiga KULMIYE balan qaaday doorashooyinkii madaxtooyadda sanad iyo badh ka hor, sida uu ku soo waramay weriye Maxamed Siciid oo weftigaasi la socdaa.

Weftiga KULMIYE oo saaka arroortii ka ambabaxay magaalada Burco oo uu horkacayay Bad hasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, waxa dulleedka magaalada Oodweyne kaga hor yimi Badhasaabka Oodweyne, waxaanna weftigu gaadheen Xarunta Gobolka Togd heer oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo lulayay calanka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Cabdi Biixi lagu soo dhaweeyay roogii casaa ee reer Oodweyne u dhigeen Madaxweyne Silaanyo xilligii lagu gudojiray ololaha doorashada mada xtooyadda, sidoo kale waxa weftigu ka haqab-beeleen caanno geel.

Gudoomiyaha xisbigu waxa uu sheegay inay wax badan ay ka hirgalleen ballanqaadkii xisbi ga KULMIYE sammeeyey, gaar ahaan Muuse waxa uu si gaara u tilmaamay in Oodweyne yahay gobolkii ugu horreeyey ee dawladdu miisaaniyadda ugu dartay affar boqol oo milyan oo ay ugu dartay dhismaha wadada laamiga ah ee isku xidhaysa Oodweyne iyo Burco., isag oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Daad-madheedh haddii wadadiisa illaa lixdankii la hadalhayay, haddii dawladdii Cabdirashiid, Aadan Cadde iyo tii kacaanka iyo intii Somaliland jirtay wadadaas hadal hayeen, annagu waxaannu sheegi karnaa sanad gudihii xukuumadda KULMIYE waa ta keliya ee miisaaniyadda si dhab ah ugu dartay affar boqol oo kun oo wad ada hawsheedu bilow ku noqoto, haddii sanad walba affar boqol loogu daro waxaan hubaal a inay sanado kooban gudaheed ku dhaaanayso.”


Haseyeeshee Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in mabd’a-oodu yahay qabyo-tir ka waxa dhiman, waxaannu yidhi, “Wixii la qabtay way qabsoomeene mabda’ayagu maaha inaanu faano oo nidhaahno waxasaannu qabanay, laakiin aanu ka shaqayno maxaa innoo dhiman?


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in gobolka Oodweyne oo taariikh weyn ku leh dalka Somaliland iyo qanniimada xoolaha nool uu wakhtigan isbedel weyn oo ay sab ab u tahay dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo magaalooyinka u hayaamay iyo jid la’aan ka g o’d oomisay gobollada kale sababtay aafo u horseeday inuu noqdo gobol dhaqaale ahaan ka danbeeya gobollada, kuwaasoo ay kala simanyihiin gobollada Sanaag iyo Saylac.

oo dhawaan xilka loo mmagacaabay oo madashaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si gaara u farxad gelisay xildhibaannada iyo masuulliyiinta KULMIYE oo ay saaxiibtinimmo gaar ahi ka dhaxaysay.


Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Oodweyne Yuusuf Ibraahin Geedi waxa uu ugu bushaaree yay Muuse Biixi inuu mari doono jidkii Madaxweyne Silanyo oo reer Oodweyne dhabarka ka dhirbaaxeen, una dhigeen roogii casaa ee Madaxweyne Silaanyo hore u fuulay, “Waa halkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland rooga cas loogu dhigay intii aanu madaxweyn aha noqon oo ah roogaas ku horyaala, Muuse Biixoow waxaannu ku leenahay adigana dha barkaanu kaa garaacaynaa roogiina waannu kuu dhignay.”ayuu yidhi.

Kooxaha hidaha iyo dhaqanka ayaa madasha ku soo bandhigay buraanbur iyo gabayo ay ku ammaaneen xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda uu dhalay.

Source: Somaliland.Org