Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Salaadiinta Subeer Awal ugu baaqay kulan Doceed Qarsoon


 


Hargeysa(TNN)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu ugu baaq ay Salaadiinta Subeer Awal kulan Doceed Siyaasadeed oo ay ku gorfaynayaan Xaaladaha Siyaa sadeed ee Dalka ka taagan iyo Beel ahaan mawqifka ay ka qaadanayaan.

Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxa la sheegay Guddoomiyuhu inuu Casuumad u fidiyay maalinta khamiista ah dhamaan Salaadiinta Beesha, kulankaasi oo aan Ajandihiisa la cadayn waxa la filayaa inuu ugu qaban doono magaaladda Hargeysa.

Ilaa hada ma cada inay Salaadiintu aqbaleen iyo inkale hase yeeshee waxa jiray kulamo kan ka h oreeyay oo ay maalmahanba si gaar gaar ah ugu kulmayeen Madax-dhaqameedka Habar Awal g uryaha ay ku kulmaan ee loo yaqaano Majlisyada, lamana garano Ujedooyinka ay kulamadaasi da aran yihiin, inkastoo wararka laga helayaa ay iftiiminayaan in ay dood ka lahaayeen Tabashooyin ka ay dadweynuhu ka tirsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Baaqan uu Guddoomiyaha Kulmiye kula dhex dhacay ayay dad badani faaqidayeen ilaa shalay ma rkii uu Suuqa soo galay, waxaanay Saadaasha kulankaasi dadku u sibir saarayaan inay la xidhiid ho sidii loo hor istaagi lahaa Furista Ururada Siyaasadeed ee ay Guddidii Talo-bixintu ku talisay in la furo, taasoo uu Guddoomiyaha Kulmiye ku soo dhaweeyay shuruud ah in Sharciga la waafajiyo.

tan iyo intii ay guddidu soo saartay go’aanka furista Ururada Siyaasada waxa jiray dhaq  dhaqaa qyo uu Muuse Biixi ku doonayay sidii uu taageero ugu heli lahaa baajinta Taladaasi hase yeeshee ilaa hada ma muuqato Awood xoogan oo fikirkiisaasi xoojinaysaa inkastoo Madaxweyne Siilaanyo ilaa hada ka baaqsaday inuu dhinac uun isku dhaafiyo arrintan.

Mana cada Madaxweyne Siilaanyo jihada uu ula kici doono soo Af-jarida dooda la xidhiidha Ururo waa in la furaa iyo lama Furayo, taasoo muddo badan soo jiitamaysay imikana isaga hortaala ink astoo sida muuqata ay bisayl gaadhay kooxda taageersan in la furaa.

Si kastaba ha ahaatee inta aanay furmin wadiiqooyin kale oo leexin kara doonista dadweynaha e e ah furista Ururadu inay lama huraan tahay waxa laga filayaa Madaxweyne Siilaanyo inuu laba mid uun soo galo ama inuu ku dhawaaqo go’aanka talada la siiyay ama inuu maro wadada kale ee ay doonayaan kooxda ka soo horjeeda oo ah in uu mariyo Baarlamaanka

Source:Waaheen