Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo lala yeeshay Waraysi dhinacyo badan taabanaya


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Ma xamuud (Siilaanyo), ayaa naqdiyay socdaalka Madaxweyne Rayaale uu ku joogo  Farans iiska, isla markaana wuxuu digniin u jeediyay Shirkado uu sheegay in la doonayo in heshiis lagula soo galo in hanti qaran laga iibiyo.

Guddoomiyaha KULMIYE oo xalay fiidkii Waraysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya siiyay Wargeyska Ogaal, waxa kale oo uu ka hadlay arrimo la xidhiidha khilaaf la sheegay in isaga iyo ku-xigeenkiisa Muuse Biixi uu ka dhaxeeyo. Waxyaabaha kale ee uu kaga  had lay Waraysigan Axmed-Siilaanyo waxa ka mid ah, arrimaha Doorashooyinka, geeddi-soco dka Dimuqraadiyadda iyo xaaladda Mandaqadda Geeska Afrika.

Waraysigaas oo dhamaystiranina wuxuu u dhacay sidan;

S: Guddoomiye ugu waxaad nooga warantaa guud ahaan xaaladda dalka siday kuula muuqato?

J: Xaaladda dalku caam ahaan way fiican tahay, markaynu eegno mandaqadda aynu ku nool nahay iyo dhacdooyinka ka socda guud ahaan iyo dhibaatooyin badan oo dunida kale ka jira, aadbaynu u nabad qabnaa waynu wanaagsan nahay. Roobkiina waa kaa inoo  d a'ay waa illaahay mahadii iyadoo ay inaga jabtay abaartii iyo dhibaatooyinkii. Hawsha imika inoo taal ee dadku dhegta u wada taagayaa waxa weeyaan arrinta  doorashooyin ka, doorashooyinkaas oo aynu ognahay dimuqraadiyadda iyo geedi-socodka  dimuqraadiy adu inuu yahay waxa aasaasiga ah ee ummadu ku tashatay ee inaga dhigay Somaliland, ee inaga dhigay wadanka aynu nahay ee aynu heshiiska hore ugu galnay ee axdi ummada u yaala ah ee aynu distoorka ku samaysanay, haddii uu inaga xumaado geedi-socodkaa dimuqraadiyadu ama aynu jidkiisii ka baydhno oo aynu ku dayano wadamo kale oo badan oo ku yaala Afrika ama dunida meelo badan oo ka jira oo u baydhay ama qaaday wadadii kali-talisnimada ama koox gaar ahi ay xukunka dalka iyo awoodihiisa iyo dhaqaalihiisa iyo noloshiisa ay iska qabsadeen, waxay ku dambeeyaan dalkaasi waa burbur.

Illaahay  waxaynu ka baryeynaa inaanu taa inoo keenin, hadhaw waynu ognahay imika inta muddo geedi-socodk iyo dimuqraadiyadu wuxuu inaga galay, mugdi buu galay  mudd ooyin badan buu dib u dhacay waqtigiisii ka dhacay hawshaa iyo xilkaasina cidbuu  saar naa cidduu saarnaana waa maamulka maanta jira. Madaxweynaha dalka, Daahir Rayaale Kaahin ayuu saarnaa xilkaa iyo waajibkaasi, muu gudan, in badan baanu arrintaa ka hadalnay shacbiguna wuu ka war qabaa. waxynu ku siganay in la inagu tiriyo wadamada la baxay kuwa fashilmay ama dunida qaar badani inoo qaadan gaadheen. Waxaynu gaadhnay markaynu inagu guddaheena isku filnaan waynay ee la arkay inay sii  fogaanay so oo dawlado ka baxsanaysa dmuqraadiyadii ama doonaysa inay ka dudo jidkii ummadu ku talogashay in caalam kale inasoo farogaliyo, markaa xataa hawlaheenii daakhilga ahaa ee odayaal lahaa ee culimo'awdiin lahaa, ee waxgarad laha,a ay ku filnaan waayeen ay noqotay inay waxaasoo dhan faragalin dibada inooga timaada iyo talo inaynu helno. Si kastaba ha ahaatee, waynu siganay, illaahay wuu inaga nabadgashay, waxaynu ku tashanay heshiisbaynu galnay, waynu saxeexnay, waynu isla qaadanay inaan dib dambe loo faragalin hawlahaa ee geedi-socodka iyo dimuqraadiyada sidiisii lagu soo dabbaalo, la inagalana shaqeeyo wixii farsamo ahaan doorashooyinka ee inagu aynaan aqoon u lahayn oo ah; ku noqoshada arrintii diiwaangelinta iyo Server-ka waatii ay noqotay in hay'ado ajinabi ahi u yimaadaan iyo shirkado oo khibrad iyo aqoon dheer u leh, waa kuwii ka shaqeeyey, Komishankii hore waa tii la bedelay, Komishan waatii la sameeyey, kalsooni baynu wada siinay oo axsaabtoo dhami siisay oo ummadu siisay oo dadka wax inala qabanaya ee geedi-socodka dimuqraadiyada inaga caawinaya hadday maalgelin tahay iyo hadday taageero kale tahayba, iyaguna ay wax inagula qabteen inagula shaqeeyeen. Maanta arrintii gegabo ayey joogtaa, waxa jiray waqtigii heshiiskaa la gaadhay maadaama aan muddo loo qaban heshiiska waxa ka mid ahaa; in goorta doorashada la qabanayaa noqoto arrin farsamo ee aan la siyaasadayn oo loo daayo qolada Server-ka ee farsamadu goorta ay ku taliyaan la qabto, waxay socotaba waataa imika soo dhawaatay, hawshiina Komishanku ilaa imika runtii sida ummadu isku raacsantahay ama duniduba wada aragto aan wax ceebaal ah ama wax dhaliila ah oo ka yimi iyaga iyo hawshoodii aanu jirin, saacad iyo maalin la inoo qabtay ma jirto doorashadii. Laakiin waa la inoo sheegay waqtiga ay ku dhadhawdahay, wixii kale waa hawl farsamo oo u taala Komishanka. Haddaba, waxa aad u muuqata oo aad ka war qabtaan inay sidii caadada ahayd ay dawlad a iyo xisbiga UDUB ka galgalanayaan inay doorashadii timaado.

S: Waxa yimi Kaadhadhkii Codaynta, Wasiirka Maaliyadduna wuxuu sheegay in Lacagtii Doorashada kala badh ay siiyeen Komishanka, arrintaa inta ogaalkiin ah maadaama aad tihiin dhinacyadii Doorashadu sida tooska ah u khusaysay, maxaad ka odhanaysaa?

J: Arrintaa sida aan imikaba u sharxayey dawlada iyo maamulkeeda iyo Wasiirka  maalyad uba waxay isku dayeen inay ka duwaan jidkay lahayd, wuxuu Wasiirka Maaliyadu soo hordhigay Baarlamaanka ra'yi odhanaya; doorashooyinka soo socda iyo kuwa ka  dambe eyaba way dhacayaane in miisaaniyad loo sameeyo. Arrintii waa la isku qabsaday waxa la yidhi arrintaasi ma dhacayso, doorashada imika miiska saaran ee miisaaniyada loo  samay nayaa doorashadaa adigu shaqo kuma lihid, dawladdu ma dhigayso waqtigii doorashada ee taa waxa shaqo ku leh, horaa heshiis uga dhacay, horaa sharci uga yaalaa. Waxay ahayd in doorashooyinkaasi waqti hore dhacaan, tii madaxtooyada ee hore u dhacday ayuun baa imika dhacaysa, taa imika waa la saxay maaliyadii waa loo gudbiyey waxaana socotay sidii ay u wadeen komishanka doorashooyinku. Waxan u malaynayaa wax muran ah oo ka taagani inaanu jirin. Si kataba ha ahaatee, marka hadalka la soo koobo, waynu ognahay ilaa imika sida ka muuqata hadalada ka soo yeedhayey dawlada, waynu  ogna hay Madaxweynihii inuu wareegayo dibedda, wuxuu la wareego horaa la isu waydiiyey, waa wax la xidhiidha in badan hadday noqoto inuu qandaraasyo la soo galo dad, inuu sharcigii u yaalay dalka sidii uu awalba u jabin jiray u jabiyo, waxay ahayd waxani inay baalamaanka soo galaan. Dhinacna waxa muhiim ah in taas aad iyo aad hoosta looga xariiqo, shirkadaha waqtigaa doonaya inay la galaan heshiisyo noocaas oo kale ah iyagoo in doorasho qarka loo saaran yahay oo aan jidkeeda loo soo marayn, waxaanu u sheegaynaa in arrintaasi tahay arrin qalad ah, una baahan tahay in ummada looga digo waqtiga doorashada qarka loo saaran yahay inaan heshiis oo waliba qaabkii sharciga ahaa loo marin inaan lagu dheerayn. Calaa kuli-xaal, maanta waxaynu qarka u  saarana hay waa doorashadii, illaahay waxaynu ka baryeynaa doorashadaa inay u dhacdo inagoo nabadgalyo ah, inagoo isku raacsan, inagoo ciladi inagaga iman dadkeena iyo dalkeenuba isu muujino marka dhibaato inagu timaado inaynu nahay ummad ka bixi karta oo hanan karta aayaheeda. Taasi kalsooni bay ku beeraysaa dadkii, kalsooni bay ku beeraysaa saaxiibadeen, kalsooni bay ku beeraysaa dunidii kale oo la arko baahiyihii kale ee aynu caalamka uga baahnayn haddii ay ictiraaf tahay, hadday taageero kale tahay, nooc kasta inay dhiirigaliso wax la qabsashadeena ama ay inala macaamili lahayd ay sii xoojinayso.

S: Guddoomiye, goob-joog baad ka ahayd hadal uu Afhayeenka UDUB ka sheegay  Munaa sibad aad ku sugnayd oo uu ku sheegay inay xaaraan tahay natiijada Liiska  Diiwaangeli ntu, balse ay aqbaleen. Arrintaa maxaad ka odhanaysaa?

J: Waxaas oo dhan waxa weeye galgalasho, waad arkaysay wixii qaylo ka dhacayey  dad kii meesha fadhiyey, ummadii oo dhami mar qudha ku kacday ilaa uu markii dambe isaga laftiisu qiray oo yidhi, waxaanu ku tashanay inaanu doorashada sidaa ku galno. Waayo, waanu ognahay in doodi ka socotay dawlada guddaheeda oo qaar yidhaahdeen, meesha waa la inaga helayaa waqtigan oo doorasho waxba kuma haysanee inaynu saaqidnay waynu ognahay, inaynu xilkeenii ka soo bixi waynayna waynu ognahay, in taageeradii shacbigu inaga jeedsatayna waynu ognahay, waar taageero wax ku heli maynee  baha sha (Doorashada) aan diidno oo aan sideenii yeynaan ogolaan in doorasho dhacdo. Laakiin ummadu inay ku wada kacayso ileen dadka meel walba qaar macquul ahi way  joo gaan, qaar yidhi waar inaga socon mayso waxaasina caalamkuna inaga aqbali maayo, shacbiguna inaga aqbali maayo, illaahayna inaga aqbali maayo taase, aan ummadeena dhinac ka raacnana way jireen. Markaa waxa igu maqaalo in Cali Guray (Afhayeenka  UDUB) uu ka mid ahaa kuwii sida aadka ah ugu talinayey in doorashadu sideeda u dhacdo, xalayna (Habeen hore) wax kastaba ha dhacdee wuxuu yidhi, waxaanu ku goosanay  ina anu doorashada galno. Markaa anuu intaasuun baan ka soo qaadanayaa, galgalashadoodan kale waxba kasoo qaadi maayo.

S: Guddoomiye, haddiiba talada dalka lagaa helo ma hannaynaysaa oo diyaar ma u tahay taas, sidii horeba u dhacday?

J: Horta, midi macquul maaha, siyaasad uu qaran dhigtay oo sharci ah oo ah nidaamka dimuqraadiga ee doorashada ah, inuu qof murashax ahi yidhaahdo doorashaan galayaa, dimuqraadi baan ahay haddii la iga helana yeeli maayo macquul maaha. Waxa weeyaan, haddii aanad yeelayn haddii lagaa helo maxaad u galaysaa sharcigii saw jabin maysid, miyayse ummadu kaa yeelaysaa? Anigu waxaan horena aan u idhi barigaa aad sheegayso 80-tan cod oo siday ku timi illaahay ogaa oo iyada qudheeda aan caddaalad ahayn ayaa la igaga helay, haddana anaa goostay in badan oo taageerayaashayda ahayd oo  shac biga ka mid ahayd oo diidanayd way jireen. Laakiin haddana wuxuu noqonayaa xeer dhigmaya. Halgan dheer bay ummadani soo gashay, qaab cusub baynu qaadanay, anigoo kale oo muddo badan halgankii hogaaminayey maanta marnaba diyaar uma ihi, una noqon maayo, kuna taageeri maayo ana igamana imanayso in qaab aan dimuqraadi ahayn oo aan doorasho ahayn oo lagu kala baxo, soo jeedinna maayo. Dimuqraadiyadaasi waxay dhashana, mid waan ku dedaalayaa, mawqif cad baan ka taaganahay; waa in  dimuqraa diyaddu jidkeedii iyo dariiqii ay lahayd ay qaadataa oo si caddaalad ah u dhacdaa oo si nidaam ah u dhacdaa, taasi xil ina wada saaran kuligeen uu yahay oo ay tahay waajib. Hay'adaha qaranka oo qudha maaha ee waa in shacbigu taageero oo hubiyo xisbiguu doono inaan waxaa wayni qiimo qaran buu inoogu fadhidaaye aanu inaga lumin. Waan u hogaansamayaa, waan yeelayaa, waan aqbalayaa marka dariiqaa toosan la qaado, haddaan imika idhaahdo sidaan doono oo ay u dhacdo mooyaane ma yeelayo, waxba lama korodhsan waa ayaan-darro, haa af-buuxaan ku caddaynayaa marka horaan ku dagaalmayaa, waan ku hawl galayaa, dunida, shacbiga, ummada ka dhaadhicinayaa in doorashadaasi si xaq ah oo xalaala oo xor ah u dhacdo, doorashadaa xorta iyo xalaasha u dhacdaana wixii kasoo baxa waan u hogaanasamayaa.

S: Taariikhdu waxay ina bartay in Hoggaamiye kasta oo Afrikaan ah inta la talisa ama ku xeerani ay talo seejiso ama talada u toosiso, haddiiba aad talada dalka qabato adigu ma ku kalsoon tahay in aanay la-taliyayaashaadu ku marinayn Jidkii ay mareen Hoggaamiyayaal badan oo Afrikaan ahi?

J: Qaabkaas xumaanta ah ama keli-talisnimada Illaahay ka baryi mayno, horena xukun wuu ii soo maray, maamul wuu ii soo maray, dawlado badan baan ku soo jiray ama halgankii ugu dheeraa ugu dhibaatada badnaa ee dawlad kasta ka dhibaatada badnaa ayaan muddadii ugu dheerayd aan hogaamiye ka ahaa, la iguma baran xaq-darro ama dimuqraadiyad-la'aan. Insha allah imikana la igu baran maayo, anigu waxaan  aaminsana hay xisbiga aan ka madaxda ahay iyo dadkiisa iyo taageerayaashiisa iyo masuuliyiintiisu inay yihiin dadkii dalka ugu aqoonta badnaa gudda iyo dibadba jooga,y aqoon badan leh xilkas ah halgamaa leh qiyamka aanu ku wada shaqayno ama aanu isku guubaabino waad aragteen, barnaamijkayaga ilaa imika waa kaa ummada oo dhami ay wada qiimayn karayso, ilaa imika dareenka nagu soo noqonayaana uu yahay mid aad iyo aad u fiican waliba aanu diyaar u nahay inaanu sii dhilno oo aanu sii qurxino oo talloyinka shacbiga nagaga imanaya in aanu tixgalino. Waxaasoo dhami waxay muujinaysaa rabitaanka ummada inaanu raacno ayaanu illaahay ka bareyeynaa kuna shaqaynaynaa. Wakhtigaa anigu aan maanta joogo, anigoo intaasoo waay-aragnimo ah leh da'daa jooga maanta aad wax ka dhaqatid, aad wax ka cuntid, aad wax boobtid iyo aad wax xukuntid midna meesha uguma socdo, waxan socdaa inaan dalkayga iyo magacayga taariikh uga tago.

S: Had iyo jeer xisbiyada mucaaradka ahi, waxaad naqdidaan Mushaharka masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Rayaale, haddiiba aad talada qabato, Mushaharkaagu muxuu kaga duwananaan doonaa kuwaad cambaaraysaan?

J: Horta eraygan mushaharku wax lagu dheereeyo maaha, anigu waqtigan nin mushahar doona ma ihi, mushaharku wuxuu noqonayaa mid la jaan qaadaya dadka iyo dalka  itaalk iisa. Mushahar xaddidan oo aan ahayn mid aan wax ka dhigto ama wax ka dhaqdo, mush ahar looguma talo galin in wax laga dhisto, in wax laga dhaqdo, in wax laga samaysto midna, waxa loogu talogalay itaalkuu leeyahay, waqtiga uu dalku joogo, waxqabadka ummada loo qabanayo ayaa muhiim ah. Markaa anagu waxaanu ballan qaadaynaa, horena barnaamijkayaga ku jirta in waxaasi noqdo wax macquul ah oo la jaan qaadaya ummadu inta ay karto.

S: Warar baa jira dadka ku dhex jira oo ah inuu jiro khilaaf xisbiga ah, gaar ahaan adiga iyo ku-xigeenkaaga Muuse Biixi, arrintaa ka waran?

J: Wax alla wax ka jiraa ma jiraan, anaa kuu caddaynaa aniga iyo saaxiibkay Muuse aad baanu isugu kalsoonahay, Muuse waa guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga, guddoomiye ku-xigeeno kalena way jiraan masuuliyiin kalena way jiraan. Waxaan  leey ahay, horena aan u idhi xisbiga KULMIYE wuxuu ku caan baxay, aadna ogtihiin inuu yahay xisbi dimuqraadi, goliisa dhexe oo dhan la qabto, qaar kaga baxeen, qaar soo galeen, maalin walba dad ka baxa oo hayn kari waayaa way jiraan dimuqraadityadiisa, qaar kale oo ka badan oo soo galaana way jiraan. Waanu doodnaa, waanu muranaa, aaraa kala duwan baanu keenaa, waanu isku qabanaa, waanu isku qaylinaa, kumana kala tagno, waligayana ku kala tagi mayno. Waanu ku wadnaa kuligeen wax u adeegaya weeye, taa aanu sheegaynee dalka in meel la mariyo oo taladiisa la wada lahaado. Waxa jira dad badan baa yidhaahda dad culus baa meesha isugu tagay oo tartamay, waa illaahay mahaddii, waxaanu leenahay waliba qaar kale oo badana nagu soo biira, waa kuwaa maalin walba noo imanaya. Waxaanu doonaynaa labeentii ummadu iyo waxgaradkii ummadu inay yimaadaan halkani waa meel dooddi ka furan tahay, waa golayaashiisii leh, waa aragtidaada aad ka dhiiban karto. Laakiin meel aan ilaa waqtigaa gole dhexe lahayn oo guddi fullineed lahayn oo wax alla wuxuu leeyahay aanu jirin, xisbiga UDUB maxaa u dhisan sidii shir-weynaha y u qabsadeen ee la yidhi Madaxweynaha ayaa soo dhisi doona golaha ayaan wali la dhisin wax u dhisani ma jiro.

S: Guddoomiye, sidaad sheegtay siyaasiyiin kala duwan baa ku jirta Xisbigiina oo Miisaan leh dad leh, qaarkood waxaad kula heshiiseen in Jago Ra'iisal-Wasaare la sameeyo haddaad talada qabataan, qaarkood in Urur-Siyaasadeedyadii la furo, arrintaasi ma keeni kartaa kala-daadashada Xisbigiina haddaad talada qabataan oo ma horseedi doontaa in ay idinka baxaan siyaasiyiintani?

J: Anagu waxaanu ka hadlaynaa waa mabaa'di, shaqsi aanu heshiis la galnay ma jiro, qof aanu u danaynaynaa ma jiro, anigana ku dhehoo qof loo danaynayaa ma jiro. Markay arrimo yimaadaan ama ciddi ha nagu biirayso ama hanoo imanaysee ama dooddayada haka dhalatee, waxa laga hadlaa afkaar, waxa dalka lagu dhiqi doono gaar baa looga hadlaa, siyaasadda iyo marxaladaha dalku marayo wax meel taagan maaha, ummadu waa inay kortaa, dadku wuu koraa, afkaartu way kortaa, wadanku waa koraa, siyaasadiisu way kortaa. Markaa haddii waqti waqtiayada ka mid ah aynu nidhaahno halkaa aynu ku ekaano oo aynu joogno, dad badan baa u arka, anagu dareen shacbigaanu cabirnaa, markaanu qiyaasnay ummad badan baanay ula muuqan in la yidhaahdo saddexdaa xisbi oo keliya ee KULMIYE, UCID iyo UDUB ayaa waligood jiraya way ku adag tahay ummada iyo afkaar badan, fikirka dimuqraadiyada way ku adag tahay oo xataa haddii saddex xisbi oo keliyi jirayaan inay isbedel iman karo oo koritaan iman karo oo distoorku dhigayo, disto orku wax meeluun taagan maaha, waa wax dadku samaystay, marka ay sii koraan  umm adu danteeda siday u aragto ayey bedeli karaan, iyadoo u maraysa jidkii ay u markay dhiganaysay u martay u marto. Markaa waa rabitaanka shacbiga inaanu doonayno inay suurto gasho in axsaabta la furo si dimuqraadiyadu u balaadhato waqtiga munaasibk ah iyo sharciga loo marayo.

S: Guddoomiye, tiirarka dimuqraadiyada waxa ka mid aha warbaahinta, waxa jira xubno Xisbigaaga ka mid ah oo hore looga dayriyay hab-dhaqanka ay wakhtiyo hore ula dhaqmi jireen Saxaafdda, maxaa idiinka meel yaala madax-bannaanida Siyaasadda haddaad talada qabataan?

J: Xisbi baanu nahay, markaan xisbiga leeyahay ummad farabadan baa ku jirta,  ummad ana isagaa ka wakiil ah. Qof beri wax yidhi ama ku dhaqmay ama fikirkiisa gaar ah in la soo gudbiyaa xaq maaha oo la yidhaah waxa idin ku jira qof aan ogolayn (Saxaafadda), rayi'giisuu qabaa, xataa anigoo madax u ah xisbiga kaan qabaa daruuri maaha oo xisbiga oo dhami ma qabo. Waayo, ummadii kale oo dhan baa jirta. Anagu waxaanu qabnaa dimuqraadiyad, xoriyatul qawl xor ah baanu qabnaa, saxaafada saaxiib baanu la nahay, saxaafada xisbi nooga dhawi ma jiro, xidhiidh wanaagsan baa naga dhexeeya. Xoriyatul-qawlku wuxuu ka mid yahay xoriyaadka aasaasiga ah ee shaqsiga, ummada iyo qarankuba u baahan yahay. Markaa waanu dhiirigalinaynaa, waanu taageeraynaa, waanu la tashanaynaa, wixii ummadu ku hagaagayso ee wax wada qabsi ah waanu la samaynaynaa.

S: Guddoomiye, waxa la sheegaa in xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Carabtu uu gaabis yahay, muxuu yahay qorshihiinu?

J: Barnaamijka way ku jirtaa sidaanu caalamka dibada uga dhaqmayno ama  siyaasaday ada dibadu aadbay ugu jirtaa xoogna u leedahay, dabcan aasaaskeedu waxa weeye inaanu ka raadino xidhiidh, wax la qabsasho inay inala shaqeeyaan ka raadino, ictiraaf ka raadino, horumarka nagala shaqeeyaan iyo dhaqaalaha horumarkiisa, inaynu inaguna waxyaabo badan oo dunidu inooga baahan tahay wixii ay isugu keen soo taagi lahayd ama maslaxadeenu ku jirtay aynu kala shaqayno, u muuqanoo ka mid ah dunida oo doonaysa inay qaybtii xilka ka saaran wax nasii wax na tar iyo wax nala qabta oo qudha maaha, xilal baa ku fuulaya adiga, inaad xilalkii adigana ku fuulayey ka soo bixi karto, waxaa ka mid ah budhcad badeedda magac-xumada inoo soo jiiday la-dagaallankeeda ayaa ka mid, waxa ka mid ah argagixisada iyo la-dagaallankeeda, inayu waxyaabaha dunida qaribaya ee aynu aragno siday maanta ay u cawartay ee ay u dhibtay walaalaheen Soomaaliya, inaanay manadaqada iyo dalkeenaba guud ahaan dhicin. Inagaa u baahan xidhiidhka caynkaas ah, markaa inagana wixii waajib ah ee inaga saarnaa dhinacyadaa inaynu dhinaceena ka ballan qaadno oo aynu dunida kala shaqayno waa waxaynu dunida kusoo jiidanaynay.

S: Guddoomiye, arrimaha Soomaaliya hore ayay saamayn ugu yeesheen Somaliland, markaa qorshaha ma idiinku jirtaa in arrimaha Soomaaliya iyo dejinteeda ka qayb-qaadataan?

J: Horta, Soomaaliya waa dal aynu walaalo nahay waa dad dhamaan aynu isku diin, isku dhaqan iyo isku Af mid walba nahay, Webiyaal iyo buuro inoo dhexeeyaa ma jiraan. Waxa ka dhacay Soomaaliya way ina saamayn karaan..Markaynu maanta ictiraaf helno iyo inta kale ee ka horeysaba, taasi inaga joojin mayso marnaba inaynu wax la qabsi iyo jaar wanaag sida aynu wadamada kale ee aynu jaarka nahay uga raadinayno Jabuuti Itoobiya inaynu jaar wanaag, wada shaqayn, isu furnaan, wada ganacsi, la-dagaalanka  budhbad eeda iyo ka-hortega argagixisada. Hawlahaas oo dhan in laga wada shaqeeyo wax iska keen hortaagayaa ma jiraan, inaynu iyagana u ducayno in illaahay dhibaatada waxaynu la qaban karnana aynu la qabano, inaguna aynu nidhaahno ha iska kaaya hortaagina wixii aanu caalamka ka heli karno ee ictiraaf..Sida looga qayb qaadanayo, ka qayb qaadashadu kolayba meesha (Soomaaliya) waa la kala awood badan yahay oo awoodda caalamku isugu tagay ee uu xallin kari waayey, inagu wixii aynu gacan ka gaysan karno ee aynu ka qaban karno ee waxba ina yeelayn teena.

S: Guddoomiye waxa jirta in Xukuumaddu Miisaaniyadda ku soo dartay bedelaadda Lacagta Burco, balse aanay bedelin, arrintaasi sideed u aragtaa?

J: Waa Beenta Qaranka, waxay ka mid tahay Beenaha Qaranka, ballan qaadyada ee muddada badan la ballan qaadeyey ee waliba miisaaniyad loo qoondaynayey ee halkii wax lagaga bedeli lahaa ee shacbiga wax loogu qaban lahaa lacagtaa, si kale loo cunayey oo loo isticmaalayey, waana arrimaha ay maanta muuqato inay xukuumadu si xun oo fool xumo ah iyaga iyo mashaariic kale oo farabadan ay ugu fashishay. Sanad walba lacagbaa loo qoondeeyaa, si kale ayuunay u isticmaashaa. Waxa la mid ah lacagtii Laascaanood, wax alla wax horumar ah oo loogu qabtay Laascaanood ma jirto, sida hantidii kale ee qarankaba loo isticmaalay ee aan wax la taaban karo lagu qaban ee waxaa maalin walba loo hadhaayo ee doorashada dib loo dhigayo ee ilaa saacadii u dambaysay loo dhoofayo, saacadaa u dambaysay waxa loo dhoofayaa in shirkado la doonayo Baddii iyo  isgaadh siintii iyo cirkiiba la sii iibiyo ayaa la doonayaa. Taas waxaanu uga digaynaa, shirkadaha dibedda maanta waxa lagu jiraa waqti doorasho, waqtiga doorashooyinkana cid soo bixi doonta lama oga, waqtiga doorashooyinka waxa muhiim ah in aan qandaraasyo aan la iska hubin inaan lagu dheerayn baa wanaagsan, anagoo marba aan diidayn wixii horumar dalka u keenaya. Laakiin haddana waxaad arkayso inaanay dhibaato waxaan ahayn la imanayn, qaabkii sharcigu dhigayey aan la soo marin waxay noqonaysaa inay khasaare inagu keento.

S: In muddo ah waxa qabyo ahaa Biriijka 2aad ee Hargeysa, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Mashaariicdaa badan ee aan dhamaan ee ilaa Jabuuti la tagay ee lacagta lagaga soo urursaday shacbigeeda ee shacbiga lacagta lagaga urursaday ee dawladu meel u dhigtay ee mudda dheer socday ee cid walba lacagta lagaga ururinayey ee maalin walba ka sii daraya, waa waxyaabaha mucjisaadka ah ee aan la gaadhin ee maalinba maalinta ka dambaysa ka sii fogaanaya, waxa weeye mashaariicda wax lagu cuno. Laakiin aan waxba lagu tarin ee aanb waxba lagu qaban, markaa aad iyo aad baanu uga xunahay inay tahay mashaariicda been abuurka ah ee dadka lagu maaweeliyo ee aan wax horumar ah laga samayn. Insha alla waxaan filayaa isaguna inuu ka mid yahay mashaariicda dhamaystirkiisa iyo fullintiisu ay na sugayso.
 


Xigasho: Wargeyska Ogaal