Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo tacsi u diray dheladii uu ka baxay marxuum Axmed Xasan Cali Gaas,oo
London ku geeriyooday
Hargeysa
(TNN) :-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland
ee KULMI YE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi
Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba
taageerayaasha xisbiga waxa uu tac si tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,
qaraabada, ehelada iyo shacabka geerida ku timid M arxuum Axmed Xasan
Cali Gaas oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriis ka
maanta oo taariikhdu tahay 23/05/2016.
Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga
tacsiyaydaynayaan La-ta liyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafadda
Khadar Xasan Cali Gaas oo uu walaalkii ahaa Marxuumku.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa
Fardowsa ka wa raabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna
samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE |