Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,Mujaahid Muse Biixi Cabdi iyo we fti uu hoggaaminayo,ayaa kulan la yeeshay madaxda Go laha Deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska

 

Sheffield (TNN):-Guddoomiyaha xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ah na murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kulan la yeeshay madaxda Golaha Deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka Dr. Saleebaan Axmed Ci ise (Xaglo-toosiye), Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan (Cali Shoombe) iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Mustafe Shiine, madax da Somaliland u qaabilsan Ingiriiska, masuuliyiinta laamaha xisbiga KULMIYE ee UK iyo xubno qurba-joogga reer Somaliland ka mid ah, ayaa maanta booqday aqalka Golaha Deega anka magaalada She ffield oo ah halkii ugu horraysay ee looga codeeyo aqoonsi Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho bee sha caalamka.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo weftigiisu waxay halkaasi kula kulmeen Maayar-ku-xigeenka Golaha Dee gaanka Sheffield iyo xildhibaano ka tirsan golahaas, kuwaas oo uu dhexmaray wadahadal ay kaga hadleen danaha labada dalka ee Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaan degaanka Sheffield iyo xoojin ta arrimaha wada noolanshaha iyo wadashaqaynta kala dhaxaysa jaaliyadda reer Somaliland ee ha lkaas ku dhaqan.

Md. Muuse Biixi waxa uu uga mahadceliyey Golaha Deegaanka Sheffield tallaabadii uu hormoodka ka noqday ee aqoonsiga madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo horseeday in golayaal dega an oo kale qaataan tallaabo kale oo noocaas ah, waxaannu ka codsaday in qaddiyaddan la gaadhsii yo Baarlamanka dalka Ingiriiska.