Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,ahna murrashaxa jagada Madaxw eynaha,ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku gu ulaysanayo doorasho oyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka

 


Hargeysa (TNN ) :- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Ma daxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigii su mar kale ku guulays anayo doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017.

Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad hoggaanka xisbiga KULMIYE u sameeye y qaybo ka mid ah qurba-joogga iyo madaxda laamaha xisbiga ee dibadda, gaar ahaan dalal ka tirsan qaaradda Yurub caawa.

Casuumadda oo ahayd afur iyo casho ka dhacday huteelka Ambassador ee caasimadda Somalil and ee Har geysa oo qayb ka ah dardargelinta u diyaargarowga xisbiga ee doorashooyinka soo socda, waxa ka qaybg alay xubnaha hoggaanka xisbiga oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Maayarka Caasimadda Md. Ca bdiraxmaan Soltelco, wasiirro ka tirsan xuku umadda, xildhibaanno, masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, qurba-joog fara badan oo ka mid ah taagee rayaasha xisbiga ee waddamada dibadda ku nool oo ay ku jiraan madaxda laamaha xisbiga ee dalal ku yaal Yurub oo ay ka mid yihiin Swe den, Finland, Wales iyo kuwo kale.


Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga M d. Xasan Siciid Yuusuf, Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Soltelco, Agaasimaha guud ee Wasaarad da Warfaafinta Mr. Maxamed Aaden Cilmi (Ilkacase) iyo siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo dh awaan xisbiga ku biiray, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen kulankaasi uga mahadceliyey qurba-joog ga ajiibidda casuumadda xisbiga KULMIYE u sameeyey, waxa kaloo ay uga xog-warrameen hawlaha xisbiga iyo xukuumaddiisa, waxqabadka ay dalka ka hirgelisay, u diyaargarowga doorashada iyo arrimo kale.


Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khu dbad koob an ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey qurba-joogta xisbiga, waxaannu u sh eegay in xisbal-xaak imku marayo halkii u wanaagsanayd waqtigan, isla markaana uu rajo wayn ka qabo inuu mar kale ku guula ysanayo doorashooyinka soo socda.


“KULMIYE maanta meel wanaagsan buu joogaa, tartanka soo socdana shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa sid ay u eegtahay iyo indhahay leedahay, KULMIYE waa intiisii oo wuu weliba ka sii xoo gaystay, KULMIYE waa xisbigaa 14 jirka ah ee ay isugu yimaadeen haldoorkii Somaliland oo dha mi. Xilka inna saarani waxa weeye KULMIYE lix sanno oo uu xilka hayey magaca loola baxay waa dawladdii waxqabadka oo uu dalka iyo dadka wax badan taray, innaguna iminka waddadaa la inoo jeexay ee waddada horumarka ayeynu sii wadi, wixii aynu toosinay ee wanaagan ee inoo baxay waynu sii wadi doonaa, wixii qalad ah ama aanay fursaddu inna siina iminka ayeynu daraasadeedii samaynaynaa oo aynu dhammaynaynaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.