Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somalila nd oo Maanta Arabsiyo ku Casuumay Madax ka socotay Hay’ada AET

 



 

Hargeysa (Timcade News)-Guddooomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Qaranka  Somali land Mudane, Daa’uud Axmed Faarax ayaa Maanta Casuumad Qado sharaf ah u sameeyay Masuuliyiin ka socotay Hay’ada waxbarashada ee AET(African  Educ ational Trust) Huteelka Dalxiis ee Magaalada Arabsiyo.

Intii ay ku gudo jireen Cunnida Qadada ayay Masuuliyiintani waxa ay iskaga Xog waraysteen sidii loo Xoojin lahaa Wada shaqaynta ka dhaxaysay Labada Xafiis.

Casuumadan ayaa timid waqti ay Masuuliyiinta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ay Weheliyaan Madax ka socotay Hay’ada AET ay soo dhammaysteen  Korme er qaatay Muddo Maalin ah oo ay ku tageen Magaalada Wajaale lana xidhiiidhay sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen Xaalada Waxbarasho ee Magaalada Wajaale.

Sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, waxa ay Kormeerkaasi kula Kulmeen Guddoomiyaha  De gmada Wajaale Maxamuud Maxamed Ibraahim iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Wajaale Jaamac Buurame, halkaasi oo ay labada dhinac kaga wada hdleen sida ay u socoto Hawlaha Waxbarasho ee Degmadaasi, Baahiyaha waxbaasho ee ka jira Degmada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Masuuliyiinta ka socotay Hay’ada AET waxa hogaaminayay Madaxa Hay’adaasi Xasan Axmed Ibraahim ( Xasan Ambasi).



Hay’ada Waxbarashada ee African Educational Trust iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa inta badan leh Xidhiidh wada shaqayneed oo ah dhinaca Waxbbarashada.

 



Nimcaan Dheeg Ibraahin
Timacade News Reporter
Gabiley Somaliland