Guddoomiyaha Wakiiladda oo Xukuumadda ugu baaqay soo qabashada
dhagar qabeyaal dishay sadexda qof

Ceerigaabo (TNN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna
guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka WADANI Md.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa ugu baaqay xukuumadda
iyo hay’adaha amniga inay gacanta ku soo dhigaan
gacan-ku-dhiigleyaashii xalay saddexda qof ku dilay deegaanka
Saameel ee degmada Baki ee gobolka Awdal, isla markaana waxa uu
shacabka gobolada Awdal iyo Gabiley ku dardaarmay inay nab adgelyada
ilaaliyaan.
Guddoomiyuhu waxa sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu maanta
gelenkii danbe ku qabtay m agaalada Ceerigaabo oo wefti ka tirsan
ururka WADANI oo uu hogaaminayaa ay ilaa shalay u joogeen hawlo
shaqo.
Guddoomiyuhu waxa uu hadalkiisa ku bilaalay oo uu yidhi “Waxa aanu
tacsi u diraynaa qoysa skii ay ka geeriyoodeen saddexdii muwaadin ee
shacbiga ahaa ee xalayto lagu miray Saame el oo ka tirsan degmada
Baki. Waxaanu tacsidaa u diraynaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii
ay ka geeriyoodeen saddexdaa muwaadin. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa
inuu jannadii far dowsa ka waraabiyo, dhammaanteen-na inuu samir iyo
iimaan innaga siiyo.”
Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaanu cambbaaraynaynaa falkaa
foosha xun ee lagu dilay saddexdaa muwaadin. Waxa aanu xukuumadda
iyo hay’adaha amniga u soo jeedinayna a in gacan-ku-dhiiglayaashaas
la soo qabto oo sharciga la horkeeno.”
“Waxa kale oo aanu baaq nabadeed u diraynaa shacniga deegannadaas ku
nool dhammaant ood gaar ahaan deegaankii Baki ee ay ka dhacday
dhibaatadadaasi. Shacbiga ku nool gabol ada Gabiley iyo Awdal waxa
aanu leenahay imtixaankii labaad weeye, kii hore waynu ku guu laysan-nay….insha’alaahu
kanna waynu ku guulaysan doonaa. Shacbiga waxa aanu ugu baa qaynaa
nabadgelyada guud iyo amniga inaynu wada ilaalino. Waxa aanu ku
celinaynaa hay’a daha ambigu inay sida ugu dhaqsaha badan tallaabo
uga qaadaan oo ay gacan-ku-dhiigleyaashaana soo qabtaan.”
Source:Somaliland.Org
|