Guddoomiyaha Ururka UMADDA Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay Go’aanka Guddida Diiwaangalinta Ururada Oo Uu Ku Amaanay Inay Si Xilkasnimo Leh Hawsha U Wadaan

 



Dr Gaboose, waxa uu guddida diwaangelinta ku hambalyeeyay natiijadii ay soo saareen uu ku tilmaamay


Hargeisa (TNN)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose, ay aa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii guddida diiwaangalinta ururada iyo ansixinta axsaabta siya asadu maanta soo saaree.

Dr Gaboose, waxa uu guddida diwaangelinta ku hambalyeeyay natiijadii ay soo saareen uu ku tilma amay mid si cadaalad ah u dhacday isla markaana ka turjumaysay masaaliixda dalka, isaga oo shee gay in ururka uu Guddoomiyaha ka yahay ee UMADDU dedaal dheeraad ah u galay sidii uu uga mid noqon lahaa ururada ku soo baxa qiimaynta.

Guddoomiye Gaboose oo ka dib markii ay soo baxday natiijada ururada soo baxay iyo ku hadhay w arbaahinta la hadlay ayaa aad u amaanay guddida diwaangalinta “Waxa aan hambalyo u diraynaa guddida diwaangelinta oo muujiyay xilkasnimo ballaadhan, anagu haddaanu nahay ururka Ummada nahay hore ayaanu u sheegnay dadnimadooda iyo kalsoonida aanu ka qabno sida ay wax u wada an, waxaana aanu aaminsan nahay in waajibaadkii Qaran ee loo igmaday ay uga soo baxeen si milg o leh, markaa waxaan leeyahay hambalyo, waxa kale oo aanu hambalyo u diraynaa dhammaan Q aranka Somaliland haddii ay tahay xukuumadda, shacabka”ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyay “Waxaanu u soo jeedinayaa in jidka dimuqraadiyada loogu socda si miisaan leh”

Dr Gaboose, waxa uu sheegay inay rajo fiican ka qabaan inay ku soo baxaan doorashada golayaas ha deegaanka isla-markaana ka mid noqdaan asxaabta siyaasada Somaliland ee dhalan doona, isa ga oo sheegay in ururka Umaddu ka kooban yahay dad u bislaaday siyaasada, lehna waayo-aragni mo badan “Maanta waayo-aragnimo ayaanu leenahay, dadka meesha (ururka) ku jira ee masuul iyiinta ahina waa kuwo bisil oo isku aragti ah oo isku kalsoon, waana waayo arag”ayuu yidhi.

 



Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland