Guddoomiyaha Ururka ODHA Oo Deeq Lacageed Guddoon si say Gudida Dhismaha Biriishka Degmada Maxamed Mooge

 



Birishkan ayaa Muddo 2-Billod ah Socday, waxana Imika Dhamaday Wajigii Kowaad ee Biri shka oo ....


Hargeysa (TNN)- Guddomiyaha Ururka Wadaniga ah ee ODHA Marwo Faadumo Siciid ayaa Deeq Lacag Guddonsisay Gudida dhismaha Biriishka Degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Birishkan ayaa Muddo 2-Billod ah Socday, waxana Imika Dhamaday Wajigii Kowaad ee Birishka oo ay ku baxaday 23,000 oo Dollar, iyada oo Wajiga labad ee uu galayn la sheegay in ay ku baxayso lacag lagu qiiysay 23,000 oo Dollar, iyada oo Gudida Biriishku Sheegtay in Guud ahaa Lacagta ku baxaysa Dhamaystirka Biriishku Noqonayso 46,000 Kun oo Doollar.

Guddoomiyaha Ururka ODHA Marwo Faadumo Siciid ayaa Birishkaasi ugu deeqay (1,000 Kun Doolar) waxayna lacagta Guddoonsisay gudida birishka Maxmed Mooge.

Liiban Xasan oo ah Xog-haya Guddida Birishka oo halkaasi ka hadlaya ayaa ka warbixiyey Hawlaha Birishka waxanu yidhi “Runtii waxaynu maanta Dultaaganahay Dhismaha Biriishka laga hirgalinayo xaafada Maxamed Mooge, waxanu marayaa wajigii labad, iyada oo laga soo gudbay qabtii hore, waxanu birishku socday muddo 2billod ah, Lacagta ku baxaysa Biriishka wax lagu Qiyaasay lacag gaadhaysa 46,000 Dollar Lix iyo Afartan Kun oo Dollar, marka 23,000 oo Dollar wax lagu dhisay Wajigii hore oo dhawaan dhamaday, lakiin wax bulshada Somaliland ku hadhay 23,000 Kun ee Dollar ee kale ee lagu dhamaynayo, runtii Guddidu waxay soo ururisay Lacagta lagu dhisay Birishka waxanu na Bulshada Somaliland ka codsanaynaa in ay iyaguna ka qaybgalan Dhismaha Biriishka, waxanuna u mahad celinaynaa Marwo Faddumo Siciid oo iyaduna maanta nootimid oo lacag ugu deeqday Biriishka.”Ayuu yidhi Xogahaya Birishka.

Dhanka kale wax isaguna halkaasi ka hadlay guddomiyaha Guddida Birishka Maxmed Mooge Waxanu yidhi “Biriishkan la dhisayo waa Biriishkii ugu horeyey ee xafada maxamed mooge laga hirgaliyo, waxanu Dooxa birishkani uu qaaday ilaa 6lix Qof, wax kale oo jirta in uu caruur badan oo iyaguna laga badbadiyey oo ahaa ciyaalo iskuul uu qaday, Dhib weyn ayuu dooxani ku hayey Bulshada Xafadani.”Ayuu yidhi Gudomiyuhu.

Wax kale oo Isaguna halkaasi ka hadlay Chief Caqil Xusen Xirsi Waraabe Cadde iyo Guddomiyaha Degmada Maxamed Mooge, Maxamed Cabdilaahi waxayna Bulshada Somaliland ugu baaqeen in ay ka qaybqaatan Tabarucaadka Dhismaha Biriishka, waxanu Tilmaamay in Birishkan ay ka faa’iideysayaan Bulsho Badan oo ku dhaqan Xafadaasi maxamed Mooge.

Marwo. Faadumo Siciid oo Gabogabadii hadal ka jeedisay ayaa Xustay in Dhamman Bulshada Somaliland Xukumada Qurbajooga iyo Ganacsada ay ka qayb qaatan Dhismaha Birishkaasi. “Aad iyo aad ayaan u Hambalyeynayaa Guddida Dhismaha Biriishka Maxmed Mooge isku xilsaaray in dadkooda iyo caruurtooda Dooxaasi qadayey in ay biriish iskaga sameeyan, runtii Birishku ma ah wax fudud oo si dhayal ah loo sameyn karro, dawlad dhan ayaan sameyn Karin, lakiin Guddida Birishka isku xilqaantay in ay sameyan waxan leeyahay waxad qabaten shaqo qaran, Birishku wax uu ka mid yahay Sheeyada Sadoqo jariyad ah sida Masaajid yada, ceelasha la qodo, Biriishada, Dhirta la beero waa waxyaabaha Maalinta Akhiro Ajarada ugu waaweyn aynu ku qadanayno weeyi, marka waa in laga wadda qabqaata sidii loo dhameyn lahaa Birishkaasi, Waxan Guddida Ku Wareejinayaa Deeq Lacag ah oo ah 1,000 Dollar oo aan kaga qaybgalayo Tabarucaadka Dhismaha Biriishka, Noqon mayso tii ugu danbeysay insha Allaha wixii kale waanu idinku Deeqi, Bulshadana waxan leeyahay ka qaybqata dhismaha Biriishka”

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland