Guddoomiyaha UCID Oo
Sheegay Haddii Saleebaan Gaal La Ri do In Madaxweyne Rayaale-Na
Maamuus Ka Xayuubin Lagu Samayn Doono Iskuna Xidhan Yihiin Labadoodu
“Anaga Saleebaan Nagama Tirsana Ee Waa Nin UDUB Ah Sh. Axmed Sh.
Nuux-Na Bilaash Baa Loo Soo Celiyey, Inuu Iska Tago Ayey Ahayd”
“UDUB Iyo KULMIYE-Na Waxaanu Leenahay Ummadani Muran Uma Baahna,
Madaxweynahana Nacayb Uma Haynee Toos Baanu Leenahay”
Faysal Cali Waraabe
Hargeysa,February 11, 2010 (TNN) –
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay
hadii gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan gaal)
kursiga laga tuuro in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahina maamuus ka
xayuubin lagu samayn doono (Impe achment) tilmaamayna in
labadoodu ay isku xidhan yihiin oo aanay kala hadhi doonin.
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in iscasilaadii dhawaan ay
galaha guurtidu ka dii deen gudoomiye ku xigeenka koowaad sh.
Axmed Sh. Nuux Fure ay ahayd mid khaldan oo uu tilmaamay inay
haboonayd in laga aqbalo oo uu iska tago isagoo dhinaca kalena
xisbiyada UDUB iyo KULMIYE ugu baaqay inay dalka ka joojiyaan in
muran siyaasadeed ay wakhtigan xaadirka ah dalka ku soo celiyaan.
Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ku
sheegay mar aanu xalay kha dka telefoonka uu wargeyska Haatuf
xogwaraysi khaasa aanu kula yeelanay isagoo jooga caa simada
dalka Finland ee Helsinki isagoo mudo dhawr bilood ahna socdaal ugu
maqnaa dalalka Y urub waraysigaasi oo uu sidoo kale kaga
hadlay arimo ku saabsan doorashooyin iyo marxalada uu wakhtigan
xaadirka ah dalku marayo iyo shirgudoonka guurtida ee ku
guuldaraystay xalinta khilaafkoodii sharci, ayaa waxa uu dhacay
waraysigaa iyo jawaabihii uu ka bixiyey sidan:
S: Koomishanka doorashooyinku waxay
sheegeen in natiijada diwaangalinta codbixiyayaasha lagu soo saari
karo mudo sadex bilood ah, mudaynta doorashaduna ay ku xidhan tahay
kala shaandhaynta iyo marka liis sax ah oo codbixayaasha la soo
saaro ay mudayn doonaan arimahaas sideed u aragtaa ?
J: Hadii hawsha doorashada loo dhaqaaqo
hawl wadeenada gobalada iyo dagmooyinka iyo agabka la keenayo waxaan
qabaa in 90 cisho aanay ka badnaanayn doorashadu.
S: Shirgudoonkii guurtidu khilaafkoodi
sharci way ku guuldaraysteen xalintiisii arintaasi sideed u aragtaa
?
J: Madaxtooyada ayaa wada oo ka
danbaysa khilaafkaasi, Sh. Axmed Sh. Nuux iyo ku xigeenkiisu ku
simayaal bay ahayeen awood umay lahayn kala badalaada sharciguna
waxa uu sheegayaa inuu kala badali karo gudoomiyihu wax shirgudoon
la yidhaa sharcigu ma sheegayo, gudoomiyaa jira sh. Axmed Sh. Nuux
wuu rabaa inay heshiiyaan waase laga danbeeyaa isaga iyo qolooyinka
la figrada ahba.
S: Maxaad ku cadaynaysaa in
madaxtooyadu ka danbayso khilaafka shirgudoonka guurtidu xalisan
kari laayihiin?
J: Waxaan ku cadaynayaa markii uu yidhi
Saleebaan waar labadii gudiba aan iska dayno oo mid aynu u dhanahay
oo joogtada wada jir u samayno labada ku xigeen baa diiday arinkaasi.
S: Xildhibaanadu waxay ku doodayaan
hadii ay heshiin waayaan shirgudoonku in sadexdooduba is casilaan
arinkaasi siduu kuula muuqdaa?
J:
Qofkii doonayaa ha tago Sh. Axmed maalintii uu is casilay waxay
ahayd in layska daayo marka la eego awoodiisa lala wadaagayo inuu
sheekhu iska nastay ahayd bilaashbaana loo soo celiyey,go’aan
qaadashadaa inagu yar ninbaa is casilay markaasay yidhaahdeen waxaan
u footaynay inaanu is casilin.
S: Axsaabtiina mucaaridka laftooda ayey
xukuumadu idinku eedaysaa in gudoomiye Saleebaan aad ka danbaysaan
taasi ma jirtaa ?
J: Anaga Saleebaan nagama tirsana UDUB
wuu ka tisan yahay wakhtigan looma baahna in qas siyasadeed in dalka
la galiyo hadaynu ka soo baxnay, dadka murankaasi wadaana waa wax ma
tarayaasha dadka gaajada ku abuuray.
S: Saleebaan mudooyinkan danbe
fikirkiisii UDUB waxa lagu tilmaama inuu is badalay oo aanu ka
tirsanayn oo shirwaynihii xisbiga UDUB-ba ergadii ka qayb galayaasha
laguma darin maxaa keenay inaad tidhaa waa UDUB ?
J: Anaga UDUB-buu Saleebaan noo
xisaabsan yahay, golaha badanoodu waa UDUB, Sh. Axmed Sh, Nuux waa
UDUB maalintii ay dhexdhexaadinayeen ee doorashadii shirgudoonka
golaha wakiilada ee laysku hayey waa kii sh. Axmed Sh. Nuux yidhi 21
baanu ahaynoo kii 22 tanaadna waxa uu noqday UDUB, hogaanka iyo
goluhuba waa UDUB
S: Waxa lagu tilmaama in loolanka
siyaasada dalka ay si wayn iskugu hayaan UDUB iyo KULMIYE arintaas
maxaad ka leedahay ?
J: anagu UDUB iyo KULMIYE-ba waxanu
leenahay ummadani muran uma baahna, waxaa loo baahan yahay in ummada
loo shaqeeyo oo tartan doorasho xalaala lagu tartamo, guurtiduna waa
xaaraan inay muranto iyo inay cid gaara u shaqayso.
S: Mudadii madaxweyne Rayaale qalinka
ku wada duugteen heshiiskii 6-da qodob ee doorashada laga gaadhay
waxaad isku adeegsataan weedho kulkulul arimahaasi miyaanay saamayn
ku yeelan Karin qabsoomida doorashooyinka iyo shacabkaba ?
J: Ilaa inta uu madaxweynuhu dalka si
guracan u wado waxaanu leenahay toos oo dalka u shaqee ee wax kale
iskuma hayno, wax necbaansho ah oo naga dhexeeyaana ma jiro waxaanu
leenahay dadbaad u dhaaratay inaad madaxweyne daacada u noqonayso
daacadnimadii kaama muuqato ayaanu leenahay.
S: Hadii xildhibaanada guurtidu ay
damcaan inay badalaan shirgudoonka ay iyagu doorteen miyaanay xaq u
lahayn inay badalaan xubnahooda shirgudoonku hadii ay khilaafkooda
xalin waayeen ?
J: Qofkii iscasila ee shaqayn waaya hayska tago waxa la doonayaa in
Saleebaan la badalo, mana dhacayso taasi Saleebaan iyo
madaxweynuhuna way isku xidhan yihiin hadii Saleebaan la badalo waa
in madaxweynahana maamuus ka xayuubin (Impeachment) lagu qaadaa oo
ay is raacaan labadooduba.
Source:Haatuf
|