Guddomiyaha Shirkada DP World Oo Warbixin Ka Soo Saaray He shiiskii
Dekedda Berbera Iyo Kulankii Uu La Qaatay Madaxweyne Siilaanyo

Dubai (TNN) :- Guddoomiyaha shirkada DP World Mr. Sultan Bin Sulaymen
ayaa shaaca ka qa aday in maalgelinta dekeda Berbera oo jiidan doonto
khadad maraakiib dheraad ah ee Bariga Afrika, taasoo casriyeyntu
abuuri doonto hanaan koritaan dhaqaalaha Somaliland iyo gobol ka-ba.
Qoraal shirkada DP World soo saartay shalay oo faahfaahin lagaga
bixiyey muhiimada socda al Guddoomiye Mr. Suleymen iyo madax sare oo
shirkada ka socda ku tageen Somaliland aya a lagu bilaabay:
“Booqashada Gudoomiyaha DP World waxay la xidhiidhay saxeexida
heshiis lagu horumarina yo dekedda Berbera, oo caawin doona
dhaqaalaha geeska Afrika.Mr. Sultan Bin Sulaymen ay aa kulan la yeeshay madaxweynaha
Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilligii uu booqashada
ku tegay dalka, ka dib heshiis isfaham ku wada saxeexdeen magaalada
Dub ai, horaantii bishan maalgelin dhinacyo badan oo dekedda Berbera.
Mr. Sulaymen iyo saraakiil sar-sareoo ka socday shirkadda DP World
ayaa lagu casuumay qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla markaana
kula kulmeen xubno wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka mid ahaayeen
Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr Sacad Cali Shire; Wasiirka
Madaxto oyada Maxamuud Xaashi Cabdi; Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi
Adan; Wasiirka Qorshe ynta Cali Xuseen, Wasiirka Ganacsiga Xuseen
Aadan Cigge. Weftiga ayaa sidoo kale booqday dekeda Berbera, oo soo
dhoweyn balaadhan kala kulmeen Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng.
Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).
Qoraalka isfahamka ayaa dhigaya abuuritaanka shirkad wadajir
maalgelin & maarayn ugu sa maynaysa dekeda Berbera, awoodna u siin
doonta gaadhitaanka inay noqoto xarun ganacsi iyo xarun khidmad
goboleed. Mashruucan oo lagu maalgelinayo dhaqaale gaadhaya $ 442
milyan dollar ayaa wejiyo yeelan doona, kuna xidhnaan doona shaqada
dekedu qabato. Wax a kale oo ku jiri doona goob ganacsiga (free
zone), si loo caawiyo inay taageeraan horuma rinta wadooyinka
ganacsiga Berbera (Berbera corridor).
Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa yidhi “Geeska
Afrika iskaashi gan acsi soo-jireen ah ayaa u dhexeeyey Dubai. Waxaan
ku faraxsanahay inay taageerno heshiis iskaashi balaadhan imaarada
Dubai la saxeexatay Somaliland, oo dhinacyo kala duwan
yeela naya.Maalgashiga dekedda Berbera oo biyo gun-dheer oo dabiici
ah leh ayaa soo jiidan doon ta khadadka maraakiibta dheeraad ah ee
Bariga Africa, taasoo casriyeynta abuuri doonto koritaanka
dhaqaalaha Somaliland helitaanka boqolaal fursado shaqooyin cusub
dhalinyar rada xilligan iyo jiilasha dambe.”
Heshiiska ayaa qeyb ka isfaham laba dawladood dhex-maray Imaarada
dubai iyo xukuumada Somaliland, oo kobcinaya xidhiidhkooda istiraaji.Maalgelinta shirkada DP World ayaa sidoo k ale qeyb ka yihiin wada
shaqeyn laga yeesho dhinacyada beeraha, warshadaha, wadooyinka iyo
dalxiiska.
|