Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland oo dhaariyay 9 Garsoore oo cusub si adagna ula dardaarmay

 



Gudoomiyaha Maxkamada Sare

Mudane Yuusuf Ismaaciil Cal
i



Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maa nta ku hor dhaariyay Gudida sare ee cadaalada 9 Garsoore oo loo kala magacaabay Maxkamadaha gobolada dalka.

Garsoorayaashan la dhaariyay ayaa ka hawl-galaya Maxkamadaha Gobolada Maroodi jeex, Awdal, Gebilay ,Saaxil, iyo Togdheer .


Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali , oo hadal kooban oo dardaaran ah u jeediyay xubnahan ayaa tilmaamay dariiqa ugu haboon ee lagu heli karo nidaam cadaaladeed oo toosan inay salka ku hayso sidii loo heli lahaa Garsoorayaal Alle ka cabsi iyo Wadaniyad leh, kuwaa s oo bedeli kara tabashadii bulshadu ka qabtay garsoorka.


Guddoomiyaha Maxkamaddu wuxuu ilaahay uga baryay garsooreyaashan inay noqdaan kuwo dha wrsan oo ka fogaada musuqmaasuqa iyo musuqmaasuqa.

Md. Yuusuf Ismaaciil Waxa uu eebe uga baryay inuu garsoorayaashan u fududeeyo shaqada adag ee ay ummadooda u qabanayaan. Gudida cadaaladda ee uu Guddoomiyaha u yahay Guddoomiyaha maxkamada sare waxay samayeen isku shaandheyn balaadhan oo ay ku sameeyeen maxkamada ha dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah barnaamijka xukuumadda ee la xidhiidha toosinta nidaamka gars oorka.

Source:Somaliland.Org