Guddoomiyaha KULMIYE oo
Mar Kale ku Celiyey in Aanay Aqbalayn Muddo-kordhin loo Sameeyo
Xukuumadda Madaxweyne Rayaale
 
Guddoomiyaha xisbiga mucaarka ah
ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale ku
celiyey in aannu xisbigiisu aq bali doonin muddo-kordhin dambe oo
loo sameeyo Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana
mowqifkoodu yahay kii hore ay u sheegeen.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sidan ka sheegay hadal dheer oo uu ma
anta ka jeediyey xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka xafiis
taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka fureen Degmada 26-ka June ee
magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin badan oo ka
tirsan xisbigaasi iyo dad weyne tiro badan oo halkaasi isugu soo
baxay.
Guddoomiye Siilaanyo waxa hadal uu xafladaasi ka jeediyey kaga had
lay xaalada dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo doora sh
ooyinka waqtigoodu dib-u-dhacu ku yimi. Waxaannu xukuummada Ma
daxweyne Rayaale ku eedeeyey inay ka soo bixiwayday waajibaad kii ay
u xilsaarnayd ee ay ka mid ahayd inay doorashada ku qabato wa qtigii
loo cayimay ee shanta sanno ahayd oo mar iyo laba jeerba loo
kordhiyay.
Md. Siilaanyo waxa uu ku adkaystay mawqifka xisbigiisa KULMIYE hore
u sheegay, isla markaana aannu aqbali doonin wax muddo kordhin ah
loo sameeyo xukuumadda, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawac weyn u
geysanaysay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland.
Sidaa daraadeedna xukuumadda Madaxwayne Riyaale waqtigeedii ho re
loogu kordhiyey kaga dhan tahay 6-da bisha April, wixii intaa ka da
mbeeya arrintaasi u taalo qaranka iyo hay’addaha sharcidejinta sidii
loo samayn lahaa cid dalka gaadhsiisa doorasho.
Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE heegan u
yahay ilaalinta nabadgeliyada, isla markaana si sharci ah ay ku
doonayaan in xilka iyo hogaaminta dalka ay ku gaadhaan.
Jamhuuriya Online
|