Guddoomiyaha KULMIYE oo la Filayo inuu Caddaysto Han kiisa Siyaasadeed iyo Duruufaha ku Xeeran Shirka u Furmaya Xisbigiisa
 

 



Culaysyo siyaasadeed oo haysta Muuse Biixi + fursadaha bannaan ee isha lagu hayo iyo mu staqbalka KULMIYE oo ku xidhan qabsoomidda shirkiisa golaha dhexe

 


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah hankiisa siyaasadeed uga caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe ee xisbigiisa oo dhowaan ku qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya, waxa uu Md. Muuse Biixi Ca bdi damacsan yahay inuu murrashaxnimadiisa jagada madaxweynenimo ee KULMIYE dhexd iisa kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbul-xaakimka oo la filayo in maalmaha soo socda la cayimo xilliga uu qabsoomayo, iyadoo ay jiraan loollanno kaloo siyaasiyiinta KULMIYE ku doonayaan in murrashaxa xisbiga lagu dhawaaqo marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka.

Xidhiidho kala duwan oo Jamhuuriya la sameeyey masuuliyiinta sare ee KULMIYE shalay ilaa xalay si wax looga weydiiyo arrimahan ayaanay noo suurtogelin in aannu telefoonnada ku helno.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in culays badan Muuse Biixi kaga yimi taageerayaasha xisbiga oo ku khasbaya inuu murrashaxnimadiisa ka caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe, halka qaar kalena aaminsan yihiin in shirweynaha gol aha dhexe lagaga doodo oo keliya dhismaha KULMIYE, isla markaana aanay xilligan habbo  onayn in la shaaciyo murrashaxooda jagada madaxweynaha, kuwaasoo ku doodaya in xisbi ga oo isku duubani u diyaar garoobo ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha degaa nka, murrshaxnimadana la cayimo haddii KULMIYE ku guulaysto inuu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee ka soo baxa tartanka goleyaasha degaanka.

Waxa kaloo ilahaasi tilmaameen in Guddoomiyaha KULMIYE ay haystaan culaysyo siyaasadee d oo kaga imanaya dhinaca taageerayaashiisa oo la sheegay inay ku cadaadinayaan inuu mu rrashaxnimadiisa madaxweynenimo kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbiga, kuwaa soo ku doodaya inay jiraan fursado bannaan oo Muuse Biixi u saamaxaya inuu xilligan ku dha waaqo hankiisa siyaasadeed, maadaama aanay jirin loollanno muuqda waqtigan ka horiman aya murrashaxnimadiisa, waxayna dadka arrintan dabada ka riixayaa qabaan in mustaqbalka KULMIYE ku xidhan yahay qabsoomidda shirka golaha dhexe iyo cayimidda murrashaxa jaga da madaxweynaha.

Inkasta oo aan weli la cayimin waqtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE, ha ddana waxa jira duruufo siyaasadeed oo ku xeeran shirkaas, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin laba qodob oo kala; in shirkaas lagaga dhawaaqo murrashaxa jagada madaxweynaha iyo in tartanka murrashaxnimadu noqoto kadib doorashooyinka goleyaasha degaanka, arrintaasoo KULMIYE ku noqon karta caqab adag oo halis gelin karta sidii uu uga mid noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee ka soo dhex bixi doona doorashooyinka dawladaha hoose ee la filay inay sannadkan gudihiisa dalka ka dhacaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo taageerayaal badan oo KULMIYE ka tirsan, ay aa aaminsan in murrashaxnimada xisbiga oo hadda la sii cayimo ay qayb ka qaatan doonto guul KULMIYE ka gaadho tartanka doorashooyinka degaanka oo ku baratami doonaan sadd exda xisbi qaran ee hadda jira iyo urur-siyaasadeedyada cusub ee dalka abuurmay
 

Source:Jamhuuriya