Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ku Baaqay In kooxaha Argagi xisada Ah Ka Hortagooda Loo Mideysnaado Dawl daha Deriskana Uga Digey In Wax Faro Gelin Ah Ay Ku Sameeyaan Doorashooyinka Somaliland

 


Haddii Adduunku Inagu Marti Qaado Shirweynayaasha Caalamku Iskugu Imanayo Haddii Dawladeenani Meelna Ina Gaadhsiin Weydaye Waa In Aynu Ka Qayb Galno Oo Aduunka Wax La Qabsano”
Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo

Hargeysa, December 3, 2009-(Timacade News)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ku baaqay in kooxaha argagixisada ee doonaya in nabadgelyada Somaliland ay burburiyaan wada jir looga hor tago qaran ahaan isla markaana loo midoobo difaaca dalka.isagoo intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya uu yahay mid daruuri ah balse ka digay in wax faro gelin ah ay ku soo sameeyaan arrimaha daakhiliga iyo doorashooyinka Somaliland kana digay in magaca Soomaali weyn lagaga qayb galo shirarka caalamku qabto kuna baaqay in shirarka caalamku ku marti qaado Somaliland ee aduun weynuhu isku imaanayo in Somaliland ay ka qayb gasho kana digay in gaashaanka lagu dhufto ka qayb galadooda.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Mujaahid Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu wargeyska Haatuf xalay ugu waramayay khadka tilifoonka, isagoo ugu horeyn ka hadlaya kooxaha argagixisada ah ee ka soo hor jeeda xasiloonida iyo jiritaanka Somaliland waxa uu yidhi “horta argagixisadu waa wax jira horena u jiray hadana jiri doona waxaynu kaga hortagi karnaa inagoo ka midaysnaana qaran ahaan axsaab ahaan shacbi iyo culimaba horena waa kuwii iskugu keen dayay, waxa keli ah ee aynu ka midaysanahay waa in ciddii nabadgelyadeena khatar gelinaysa inaynu iska jirno meel kaliyana uga soo wada jeedsanaa”. Wareysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu u dhacay sidan :

S : Xisbi ahaan siddee baad u aragtaa in shirarka Somali weyn cid Somaliland ka socotaa ka qayb gasho dhinac kasta ha ka tirsanaadaane?

J :horta shirarku waa laba nooc waa mid Somaliya khaas u ah iyo shir aduunweynuhu uu isugu yimaado, haddii ay midowga Afrika shirkooda inagu marti qaadaan ma waxaynu  odh anaynaa ka qayb geli meyno oo Soomaaliyaa ku jirto, waa halkii ay iyagu ka diidi lahaayeen ee ay odhan lahaayeen magaca Somaliya ha kaga soo qayb galeen haddii shirarkaasi  mag ac Soomaaliyeed lagaga qayb galo waa qalad haddii magaca Somaliland lagu marti qaado kaga qayb galaan waa sax oo aduunka wax lala qaybsado haddii dawladani aduunka  meel na inaga gaadhsiin weyday waa in shirarka aduunku iskugu imanayo ee lagu marti qaado aynu ka qayb galno si aynu aduunka uga qayb galno.

S : haddii magaca Somaliweyn lagaga marti qaado reer Somaliland shirarka caalamku isugu imanayo ma waxad ku talinaysaa in laga qayb galo?

J :maya, ku talin maayo ee waa in magaca Somaliland lagaga qayb galo.

S : dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ee Somaliland la dariska ah in xidhiidh wax wada qabsi lala yeesho, mawqifka xisbigiinu muxuu ka qabaa cilaaqaadka xukuumadda iyo dawladahaasi ka dhexeeya?

J : dalalka Itoobiya iyo Jabuuti waxanu u aragnaa dalal jaar ah oo loo baahan yahay in  xi dhiidh nabadgelyo, ganacsi iyo guud ahaanba mandaqada uu inaga dhexeeyo uu yahay lagama maarmaan oo aan qolana qolada kale arrimaheeda faro gelin siyaasadeedana ku qadariso ayaanu qabnaa inuu na dhex maro.

S :tan iyo intii ka dambeysay heshiiskii lagu soo af jaray khilaafaadkii siyaasiga ahaa waxad moodaa inuu soo laba kacleeyay khilaaf hor leh oo ku saabsan weedhaha kul kulul ee ay isku adeegsadaan xisbul xaakimka iyo xisbiyada mucaaridku , miyaanay arrimahaasi xagal daacin karin geedi socodka doorashada?

J :weerar iyo difaac anagu ma sameyno, ololayaasha ay taageerayaasha xisbiyadu  qabsa daan iyo khudbaduhu waa hawlihii xisbiyada laakiin wixii qaranimada dhaawacaya ee la isku eedeeyo ayaa khalad ah sida tii Cismaan Hindi sameeyay oo kale, waa arrimo dhaawac ku ah qaranimada oo xisbi keli ah aan wax yeelaynayn balse ololayaasha kale waa hawlo iska axsaabi ah.

S : agaasimihii idaacada Radio Horyaal ee magaalada Nairobi kaga qayb galay shirkii  suxu fiyiinta Somaliweyn loo qabtay ayaa warbaahinta Internet-ku waxay qortay in xisbigiina Kulmiye uu door ku lahaa ka qayb galka shirkaasi, arrimahaa maxaad ka leedahay?

J : Kulmiye ma dirin, Horyaala saxaafada madaxa banaan ayay ka mid tahay, sowtaynu  ma qalay in koox saxaafada ka mid ah shirkaasi laga soo celiyay, haddiise uu ka qay galay anagu xisbi ahaan maanu dirin.

S : Idaacada Horyaal waxa lagu tilmaamaa in xisbigiina Kulmiye uu maamulkeeda hago, aa saaskeediina aad laheydeen isla markaana idinku aad maal galisaan, arrimahaa maxaa ka jira?

J : Kulmiye ma maal geliyo ee Horyaal waa idaacad madax banaan, way dhici kartaa in  ta ageerayaasha xisbigu gacan weyn ku leeyihiin laakiinse taageero dhaqaale oo rasmi ah oo xisbigu siiyaa ma jirto.
 


Source:Haatuf