Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay eriga Dhakhaatiirta iyo Shir
Saxaafadda laga horjoogsaday
Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed
Maxamed Maxam uud (Siilaanyo), ayaa cambaareeyay tallaabada uu
Wasiirka Caafimaadku xilkii ay hayeen kaga eryay 11 Dhakhtar oo ka
mid ah kuwa ugu caansan dalka, waxaanu sheegay in shaki ku gedaaman
yahay Shir Saxaafadda loo diiday oo dhex maray Qaadhaan-bixiyayaasha
Caalam iga ah iyo Xukuumadda.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay
Xarunta Xisbigaas ka akhriyay Qoraal uu ku saxeexan yahay
Guddoomiyuhu, ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabo ay Ciidamada
Degmada Tog-wajaale ee Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya kula kaceen
Wiil Curyaan ah oo la sheegay in uu Xisbiga KULMIYE taageero.
Qoraalkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Maanta waxaanu doonaynaa inuu halkan dareenkayaga iyo mawqifkayaga
kaga dhiibo arimo dhawr ah oo maalmihii u dambeeyey dalka ka dhacay,
arimahaas oo ah talaabooyin ama falal ay xukuumaddu ku kacday oo
aanu u aragno gef, tacadi iyo dhibaato loo geysanayo nolosha iyo
karaamada ummadda.
Arimahaa waxa ka mid ah kooxo dhakhaatiir ah oo shaqada laga eryey
horaantii toddobaadkan, kuwaas oo ay mid yihiin 11 dhakhtar oo ka
hawl-geli jiray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo weliba qaar kale oo
badan oo ka hawl-geli jiray cusbitaallo kala duwan oo dalka ah,
waxaana ka mid ah dhakhaatiirta hore loo eryey maamulihii
cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab oo la ogyahay waxa uu
ka qabtay cusbitaalka guud ee Hargeysa. Waxa kale oo xusid muddan in
dhakhaatiirta la eryey ay ahaayeen kuwo muddo dheer ummadda ugu soo
adeegayey si mutadawacnimo ah.
Sida aanu rumaysanahay ama ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo aanu
haynaa dhakhaatiirtaa erigooda waxa Aj-buray sababo ay ka mid yihiin
inaanay dhakhaatiirtaasi la aragti ahayn wasiirka caafimaadka iyo
madaxda kale ee xukuumadda madaxweyne Rayaale, sidaa darteedna
erigooda la qallin daraareeyey, iyadoo aan erigooda loo cuskan wax
sharci ah iyo wax qiimayn ah oo shaqadooda la xidhiidha, waana
xaaraan in dhakhaatiirta iyo dadka ka shaqeeya goobaha hal-bawlaha
ah in aragti siyaasadeed ama waxa uu aaminsan yahay lagu eryo.
Gefka iyo tacadiga loo geystay xuquuqda shaqo ee kooxaha
dhakhaatiirta ah waxa ka sii darran baahida caafimaad ee taala
meelihii ay ka shaqayn jireen, meelahaas oo ay ku sugan yihiin
boqolaal bukaan jiif ahi, iyadoo la ogyahay baahida ay ummaddu guud
ahaan u qabto daryeel caafimaad. Taasi waxay muujinaysaa inaanay
xukuumadda dalka ka jirtaa wax iyo muraad ah ka lahayn ummadda ee ay
qofkii ummadda wax u tari lahaa ka door-biddayso qofka taageera
xisbiga UDUB. Sidaa awgeed hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE waanu
canbaaraynaynaa, aadna way noo damaq-day, talaabooyinka ay
xukuumaddu kula kacday adeegaayaashii caafimaadka dalka, waxaanuna
ugu baaqaynaa xukuumadda madaxweyne Rayaale inay dib uga noqdaan
talaabada caynkaas ah.
Waxa kale oo aanu halkan ku xusaynaa inuu xisbiga KULMIYE siyaasad
cad ka leeyahay tayeynta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadida
daryeelka adeegayaasha caafimaadka, taasna waxaanu ku soo
bandhigaynaa barnaamijkayaga.
Waxa kale oo ka mid ah arimaha maalmahan u dambeeyey dhacay, shir la
sheegay inuu ka socdo Hotelka Ambassaddor ee magaalada Hargeysa,
shirkaasna sida ay jaraa’idku qoreen ay xukuumaddu daadihinayso, ugu
yaraan laba dareen ama arimood ayaa ka dhashay oo ay ummaddu
iswaydiinaysaa.
Marka hore waxa la sheegay in shirkaa lagaga hadlayo caawimooyinka
ay beesha caalamku siinayso Somaliland, taas oo la sheegay in
labadii sannadood ee ina dhaafay ee 2008 iyo 2009 ay beeshu caalamku
Somaliland soo gaadhsiisay dhaqaale gaadhaya 216 Milyan oo dollarka
Maraykanka ah, dhaqaalaha intaa le’eg-na waxay ummaddu
iswaydiinaysaa halka uu galay iyo waxa ummadda loogu qabtay, iyadoo
ay xukuumaddu hore u sheegtay markii dhaqaalahaa la qoondaynayey
sannadkii 2008 in dhaqaalahaa la gelin doono dhinacyada horumarinta
iyo adeegyada bulshada, loona maamuli doono si waadaxa oo xisaabtan
leh (Transparency). Hase yeeshee waxaynu ognahay baahida adeeg,
dayaca nololeed iyo horumar la’aanta haysa bulshada reer Somaliland,
dhaqaalaha intaa le’egna waxaanu u aragnaa inuu wax badan dabooli
lahaa hadii uu yahay wax waddanka galay, sidaa darteed xukuumadda
madaxweyne Rayaale waa inay ummadda ka qanciso meesha uu
dhaqaalahaasi galay iyo sida loo maamulay, iyadoo uu xisbiga KULMIYE
si weyn diiradda ugu hayo, siyaasad cad-na ka leeyahay kob-cinta
dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadida heerka nololeed ee bulshada,
taasna waxaanu ku soo bandhigi doonaa barnaamijka wax-qabad ee
xisbiga. .
Sida ay qoreen jaraa’idka qaarkood waxa kale oo ka mid ah wararka
soo baxaya shirkaa in lagaga hadlay arimo dareen iyo guux dhaliyey
oo ku saabsan qaddiyadda madax-banaanida Somaliland, taas oo la
sheegay in madasha shirka lagaga tiraabay inay Somaliland tahay
gobol ka mid ah Somaliya, taasna xukuumaddu ilaa hadda wax jawaab ah
kama bixin. Mana caddayn mawqifka ay ka taagan tahay aragtida
caynkaas ah, sidaa darteed xukuumadda madaxweyne Rayaale ee shirka
daadihinaysa waxa looga fadhiyaa inay caddayso mawqifkeeda arintaa
ku saabsan.
Waxa kale oo ka mid ah arimaha maalmahan dhacay ee sida weyn noo
dam-qay arin Axaddii doraad ka dhacday magaalada Tog-wajaale, taas
oo ah inay boolisku si xun u garaaceen, ka dibna xabsiga u taxaabeen
nin laxaadla’ oo curyaan ah, ninkaas oo ah nin dhalinyaro ah,
magaciisana la yidhaahdo Faarax Axmed Maxamed, waxa la sheegay in
saababta loo garaacay, xabsigana loogu taxaabay tahay laba arimood,
ta hore maqaal uu ku qoray wargeyska Geeska Afrika oo uu kaga
cabanayo tacadiyo ay hore bilaysku ugu geysteen iyo ta labaad oo ah
inuu ka mid yahay taageerayaasha xisbiga KULMIYE. Sidaa darteed aad
iyo aad baanu xisbi ahaan u canbaaraynaynaa falkaa tacadiga ah ee
bilaysku kula kacay ninkaa curyaanka ah, waxaanuna taliyaha bilayska
Somaliland uga fadhinnaa inuu ummadda u sheego sababta ay waxaasi u
dhaceen, waana ka digaynaa inay falal caynkaas oo kale ahi dib u
dhacaan, iyadoo ay had iyo goor taageerayaasha xisbiyada mucaaradka
iyo guud ahaan-ba dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland kala
kulmaan maamulayaasha xukuumadda Ina Rayaale falal tacadiya oo ay ka
mid yihiin: hadidaad, xadhig, cabudhin iyo dhibaatooyin kale,
waxyaalahaasna hadii ay xukuumaddu ka waantoobi waydo, waxay keeni
doontaa cawaaqib-xun, mana aha wax loo dul-qaaddan karo.”
Source:Somaliland.Org
|