Guddoomiyaha Kulmiye
Oo Ka Digay In Faro-Gelin La g u Sameeyo
Doorashada Hogaanka Komishanka Cusub

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Digay
In Faro-Gelin Lagu Sameeyo Doorashada Hogaanka Komishanka Cusub,
Saluug Weyna Ka Muujiyey Marti Qaadka Rayaale U Fidin Waayey
Shirgudoonada Baarlamaanka
“Waxaan U Arkayey
In Madaxweynuhu Shirguddoonada Baarlamaanka Iyo Madaxda Kale Ee
Xisbiyada Uu Ku Marti Qaado Xaflada Dhaarinta Komishanka, Mana
Garanayo Waxa Uu Anaga Noogu Koobay”
“Waxaan Qabaa In
Xubnaha Komishanka La Isku Daayo, Xilkaasina Iyaga Laftooda Ayuu
Saaran Yahay”Axmed Siillaanyo
Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha xisbiga
Kulmiye Axmed Maxa med Maxamuud Siillaanyo ayaa sheegay in
aanay xisbi ahaan wax faro-gelin ah aan ay ku samaynin xubnaha
komishanka doorashooyinku ay u dooran doonaan gudoom iyaha iyo
gudoomiye ku xigeenka, kana digay in wax faro-gelina lagu sameeyo
komis hanka cusub, isagoo intaa ku daray in uu saluug weyn ka
muujiyey marti qaadka uu madaxweyne Rayaale labadooda gudoomiye
xisbi mucaarid ugu fidiyey xaflada dhaa rinta ee komishanka
cusub ee maanta ku qabsoomi doonto qasriga madaxtooyada, taasoo
dareenka uu ka qabo sheegay, inay haboonayd in madaxweyne Rayaale
shir gudoonada baarlamaanka iyo madaxda kale ee axsaabtana ku marti
qaado .
Gudoomiye Axmed Siillaanyo waxa uu sidoo kale beeniyey loolanka
saddexda xisbi iyo guurtidu iska dhex wadaan xubnaha ay soo kala
magacaabeen in iyagu ay bari ka yihiin.
Axmed Siillaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay xog-waraysi khaasa oo
wargeyska Ha atuf khadka Telephone-ka xalay kula yeeshay,
waraysigaas oo Su’aalo iyo jawaabihii ka bixiyayna waxay u dhaceen
sidan:
S. Madaxweyne Rayaale labadiina
gudoomiye xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid ayuu idinku martiqaaday
xaflada lagu dhaarin doono maanta xubnaha komishanka dooras
hooyinka ee cusub oo ku qabsoomi doonta qasriga madaxtooyada, taas
oo gudoomi yaha maxkamada sare dhaarta distooriga ah eek u
waajibtay xubnaha komishanka uu kaga gudan doono, taas oo
madaxweynuhuna goob-joog ka noqon doono martiq aadkaa
madaxweynaha sideed u aragtaa oo ma ka qaybgalaysaa?
J. kolay
waa xaflad dhaarina oo waan tagaynaa waxaanse u arkaayay maadaama ay
xaflad dhaarina ay tahay inaanu madaxweynuhu ku koobin marti qaadka
labadayada gudoomiye ee qudha’e ay haboonayd inuu iyagana marti qaad
u fidiyo shirgudoon ada labada aqal ee baarlamaanka iyo
madaxda kale ee xisbiyada-ba, mana garanayo sababaha uu anaga oo
kaliya noogu koobay martiqaadka xafladaasi manta lagu dha
arinayo xubnaha komishanka oo loo baahnaa in la ballaadhiyo ka soo
qaybgalkeeda/
S. waxa saddexdiina hogaamiye xisbi iyo
gudoomiyaha guurtida eedayn la idiinka soo jeedinayaa shirar
doceedyo aad la kala yeelanayseen maalmahan u dambeeyay xub
nihii komishanka aad u soo kala magacawdeen, oo la sheegay in loolan
xoogan aad ka dhex bilawdeen sidii gudoomiyaha iyo ku xigeenka cusub
ee ay iska dhex dooran doonaan komishanku ay u noqon lahaayeen xubno
aad saamayn idin ku yeesha arim ahaasi maxaa ka jira?
J. waxay ila tahay hawshaasi rag baa
loo doortay wixii imika ka dambeeyana hawsh aasi xilkeedu waxa
uu saaran yahay oo u yaalaa xubnaha komishanka ee la soo doo
rtay inay wax is weydiiyaan gudahoodana waxaan filayaa inay meesha
ku jirto, wax aanse qabaa in doorashada hogaanka komishanku ay u
taalo todobada xubnood ee la soo doortay anaguna waanu ku
tixgelinaynaa waananu ku ixtiraamaynaa xilkood aasi
S. ma waxaad leedahay anagu xisbi ahaan
bari baanu ka nahay kulanada xubnaha k omishanka ee ku saabsan
kaambaynka xubnaha hogaaminta noqon doona ee wakhti gan
xaadirka ah ololuhu ka aloosan yahay
J. Runtii dadku way iska sheekaytaan
dadkeenuna way iska hadalo badan yihiin laak iinse anagu xisbi
ahaan wax official ah oo faro-gelin ah oo aanu ku samaynay
komis hankaa doorashooyinka haba yaraatee ma jirto
S. Haddii xubnaha komishanka
doorashooyinka axsaabtiina siyaasada ee soo kala m agacawday
aad durba ku kala jiidataan xubnaha komishanka loolan ku saabsan
lool an ku saabsan xaga awooda hogaaminta, miyaanay taasi todobada
xubnood ee ko mishanka kala qaybinayn?
J Ma qabo umana arko in cidina wax faro
galin ah ku samayso xubnaha komishanka waxaana haboon in iyaga la
isku daayo gudahooda xil baa wada saran oo masuuliyid qaran oo qudha
ayay wada hayaan, oo ay ku wada dhaaranayaan xilkeeda loona baahan
yahay in laga fogaado waxkasta oo faro gelina in haba yaraatee
cidina ku samayso.
Source:Haatuf
|