Guddoomiyaha
Kulmiye & Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Kulan Ku Yeeshay Addis Ababa
Iyo Nuxurka Qodobada Ay Isla Soo Qaadeen

“Waxa Kale Oo Aanu Kulan La Yeelanay Ganacsadaha
Al-Camuudi Oo
Aanu Ku Casuunay Inuu Somalil and Yimaado Oo Aanu U Sheegnay In
Xukuumaddii Hore Meesha Ka Baxday” Axmed Cilmi Yare Oo Ka Mid Ah
Weftiga Xisbiga Kulmiye
Hargeysa, May 6, 2011 (TNN ) – Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah ee
Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya
Malas Zanawi, isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga EPRDF ee dalka
Ethiopia ayaa maalintii shalay kulan ku yeeshay Magaalada Addis
Ababa ee dalka Ethiopia.
Kulankan ayay labada Masuul kaga wada hadleen arimo ku saabsan
xidhiidhka qotoda dheer ee u dhe xeeya Somaliland iyo Ethiopia ee
muddada dheer soo jiray iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka labada
dal la iskagana kaashan lahaa guud ahaan wixii khatar ku ah
mandaqada iyo xasiloonida labada dal.
Weftigan uu hogaaminayo Muuse Biixi oo Arbacadii todobaadkii hore u
socdaalay dalka Itoobiya oo ay ka heleen Martiqaad Rasmi ah oo ay u
soo direen masuuliyiinta xisbiga EPRDF ee dalka Itoobiya hoga amiya
ayaa waxa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi C/raxmaan
Maxamed Tal yanle iyo Axmed Cilmi Yare oo ka mid ah guddida fulinta
ee xisbigaasi Kulmiye, ayaa mudadii ay jooge en waxa ay kulamo gaar
gaar ah la yeesheen Masuuliyiinta Xisbiga EPRDF, xubno ka tirsan
golaha wa siirada iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradaha Shisheeye
ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.
Wetigan uu horkacayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa maalintii
shalay ka qayb galay mid ka mid ah xusaska loo samaynayo 20 guuradii
ka soo wareegtay markii uu xisbigaasi EPRDF ka tuuray xukun ka
dawladii Dergiga.
Waxaana sidaasi Haatuf u xaqiijiyey Axmed Cilmi Yare oo ka mid ah
weftiga Kulmiye ee booqashada ku jooga dalka Itoobia oo aanu xalay
khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga Addis Ababa, wax
aana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Socdaalkayaga aanu ku
joogno dalka Itoobiya intiisii badna yd way noo soo gabogabowday,
waxaanu saaka (shalay) kasoo noqonay gobolka Awasa oo aanu boo qasho
ku tagnay, maanta oo Sabti ahna (shalay) waxaanu ka qaybgalay shir
lagu qabtay xarunta Mili niyamka oo uu kasoo qaybgalay Raysal
Wasaare Malas Zanawi iyo madax kale oo ka kala socotay daw lada iyo
xisbiga talada haya dalkaasi ee EPRDF, shirkaasi ka dibna waxaanu
kulan gaar ah la yeelanay Raysal Wasaaraha dalkaasi Malas Zanawi oo
runtii sifiican noo soo dhaweeyey, isla markaana aanu ka wada
hadalay xidhiidhka labada dal iyo iskaashi dhex mara labada xisbi
iyo guud ahaanba xaaladaha Mandaqada Geeska Afrika”.
Axmed Cilmi yare isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray
“Waxa kale oo aanu kulan la yee lanay ganacsadaha Al-camuudi oo aanu
ku casuunay inuu Somaliland yimaado oo aanu u sheegnay in
xukuumaddii hore meesha ka baxday, safaaradaha dawladaha Africa iyo
America u jooga magaalada Addis Ababa intooda badan waanu la kulanay,
waxa kaliya ee noo hadhay waa safaarada dalka UK oo aanu Isniinta
casuumad wada leenahay, maalinta Salaasadana waxaanu ku
rajo-weynahay inaanu dal ka kusoo laabano runtiina safarkayagii
Itoobiya si wanaagsan ayuu noogu hirgalay”.
Source:(Haatuf
|