Guddoomiyaha Guurtida
Somaliland oo Maanta soo jeediyay in la
dadajiyo Magacaabida Xubnaha Komishanka
Doorashooyinka

Hargeysa(Longlivesomaliland News)
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somalila nd Saleebaan maxamuud
Aaden oo Maanta Xafiiskiisa ugu waramayay ayaa waxa uu sheegay in ay
Gole ahaan Madaxwaynaha hore ugu gudbiyeen laba doodii
Xubnahood ee Komishanka Cusub uga qayb gali lahaa, Madaxwaynaha ay
ka rajaynayaan in uu dhaqso ugu sii gudbiyo Golaha Sharci dajinta si
loo ansixiyo, “mana jiraan” ayuu yidhi “ wax dhib ah oo ka soo
noqday xubnaha Golaha Guurtida ee ay Madaxwaynaha u gudbiyeen”
waxaanu dhinacyada ay arintani khusayso u soo jeediyay in ay soo
xulida xubnahan dadajiyaan si aa nay dhib u dhac ugu iman
Doorashada.
Guddoomiyuhu isaga oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ ama
Madaxway naha ha noqoto ama ha noqoto Axsaabta ama ha noqoto
anagayagan wax soo magacaabayna’e waxa weeyi, in aanu dadajino
isaguna dhaqso u sheego waqtiga Doorashada si Doorashada dhaqso
loogu galo ayaan soo jeedinaya a. Nuxurkii Heshiiskuna waxa uu
ahaa in aanu heshiino oo wixii hore ilawno oo wada jir aanu u qabano
Doorashada”
Hadalkan Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib waqti
uu Madaxwayne Rayaale uu Markii Seddexaad dib u soo celiyay Xubintii
Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye uu u soo xulay in ay buuxiso Jagada
uu Xisbigu ku leeyahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Heshiiskii ay dhawaan wada jir u saxeexdeen Seddexda Hogaamiye Qaran
ee Somaliland oo kala ah: Madaxwaynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha
Xisbi ga Talada Somaliland haya ee UDUB, Guddoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali
Waraabe oo ah Hogaamiy aha Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee
UCID. Heshiiskaasi oo soo afjaray Khila af siyaasi ah oo Muddo
wadanka ka jiray. Waxana heshiiskaasi oo ka koobn aa Lix qodob
ugu horeeyay in la soo dhiso Komishan Cusub. Hasa ahaatee, w axa aad
moodaa in dib u dhac uu ku imanayo Fullinta heshiiskaasi oo loogu
ta lo galay in dhaqso loo dhamaystiro. Waxana taasi sabab u ah
markii Madaxw aynaha Rayaale ilaa imika laga la’yahay in soo
Magacaabo Seddex Xubnood oo uu ku leeyaha Xubnaha Komishanka
Doorashooyinka. Sidoo kale uu dib u celiyay seddex jeer Gabadh uu
Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye uu soo Mag acaabay, isaga oo
Madaxwaynaha soo celintiisa ku sababeeyay in ay ka mid tahay
Masuuliyiinta Xisbiga inkasto oo ay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiyena
uu sheegay in gabadhaasi ay mar hore Xisbigiisa ka baxday.
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Somaliland
|