Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay In Rayaale Xa
ga Afkaarta Ay Ku Kala Duwanaan Karaan, Kana
Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada
Madaxtooyada

Hargeysa (Longlivesomaliland
News) - Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa
sheegay in madaxweyne Rayaale ay xaga afkaarta ku kala duwanaan
karaan, balse ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo isagoo intaa ku
da ray in komishanka doorashooyinku ay si dhakhso ah u cayimaan
maalinta ay dooa shada madaxtooyadu qabsoomayso, kana digay
dibu dhac dambe oo ku yimaada doorashada.
Gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan oo xalay
wargeyska Haatuf ugu waramayey guriisa magaalada Hargeysa ayaa
xog-waran kala yeela nay ujeeddada safarkiisa maanta uu ugu
baxayo dalka UK oo uu sheegay in safar kiisu yahay isaga u
gaara ayaa ugu horayn gudoomiye Saleebaan oo aanu wax ka weydiinay
khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Rayaale isaga in khilaafkaasi
sa amayn ku yeelan karo hawlaha qaranka, isaga oo arrinkaas ka
hadalayana wa xa uu yidhi “Kolay aaraada waa lagu kala
duwanaanayaa laakiinse waxa muhiim ah oo waajiba in la wada shaqeeyo,
madaxda qarankana waxa ku waajib qaran wada shaqayntoodu”
S. Komishanka doorashooyinka ee
dhaartoodii xilkaasi loo dhaariyey ee labadiina gudoomiye baarlamaan
aan madaxweyne Rayaale idinku martiqaadin, sideed u ar agtaa?
J. Komishanka doorashooyinka waxaan ugu
baaqayaa inay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay doorashada
madaxtooyadu qabanayaan, iyadoo dhawr jeerna ay doorashayoonku ay
dib u dhaceen, waa inay ka feejignaadaan dibu dhac dambe oo dalka
gayeysiin kara khilaafaad sababi kara burbur, waxaanan kula
dardaarmayaa inay xaq-soor iyo cadaalad ku gutaan waajibaadkooda
iskana ilaawaan hay’adihii iyo axsaaabtii soo kala magacawdayna,
xubnaha hogaamintoodana aanay ku dooranin sidii loo soo kala
magacaabay, balse ay u doortaan inay u doortaan qofkii ay u arkaan
inuu ka soo bixi karo hogaamintooda.
Source:Haatuf
|