Guddoomiyaha
Guurtida Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo
Magacaabeen Xubnahoodii Komishanka Cusub Iyo Dare emo Sas Leh Oo Ka
Dhashay Labada Xubnood Oo Ka Tirsanaan
Jiray Nss-Tii Siyaad Barre

Shirgudoon Ahaan Waanu Isku Raacsanahay
Magacaabista Xubnaha Komishanka Cusub, Madaxweynaha Iyo Axsaabta
Mucaaridkana Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Soo Xulaan Xubno Tayo Leh”
Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha golaha
guurtida Somaliland Saleeb aan Maxamuud Aadan ayaa shaaca ka
qaday in labadoodii xubnood ee Komishanka doora shooyinka
cusub ay si rasmiya umagacaabeen, islamarkaana ay xalay u gudbiyeen
Mada xweynaha, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Rayaale iyo
hogaamiyeyaasha labada xi sbi Mucaarid ugu baaqay inay soo
magacaabaan xubno tayo leh oo dalka ka hirgeliya doo rashadii
Madaxtooyada.
Waxaanu sidoo kale meesha ka saaray in xubnahooda shirguddoonku
aanay isku khilaafin xulistii magacaabista xubnahaasi oo uu sheegay
in shirguddoonkoodu ay si wadajir ah u wada saxeexeen magacaabista
xubnaha ay u igmadeen komishanka doorashooyinka.
Guddoomiye Saleebaan oo aanu xalay khadka Telephone-ka wax kaga
weydiinay magaca abista xubnahoodii komishanka waxa ka jira in
shirguddoonkoodu ay isu khilaafeen iyo w a xa hortaagan soo
magaabistooda, isagoo guddoomiyuhu arrinkaasi ka hadlayana waxa uu
yidhi “Waxa khilaafa oo shirguddoonkayagu ama is qabada oo aanu isku
qabanay mag acaabista komishanka cusub haba yaraatee ma jirto,
labadii xubnood ee aanu u soo mag a caabi jirnay komishankaana
maanta ayaanu maanta (shalay) ayaanu magacawnay, ma gacaabistoodana
shirguddoon ahaan waanu u dhamayn si wadajira ayaanu u wada
saxe exnay arrinkaasina waa naga dhamaaday oo wax ka qabyo ahi ma
jiro”
S. Madaxweynaha miyaad u gudbiseen
xubnaha Komishanka aad magacawdeen?
J. Caawa (xalay) ayaanu u gudbinaynaa
madaxweynaha xubnaha cusub ee komishanka
S. Ma noo sheegi kartaa magacyada
labada xubnood ee aad magacawdeen?
J. Maya ma magac dhabayo.
S. Magacaabista xubnaha loo dooranayo
komishanka waxa dhaliilo badan laydiinka soo jeedinayaa hay’adihiina
soo magacaaba inaydaan ka fiirsanin xubnaha aad u magaabaysaan,
taasina ay tahay arrimaha fashilyey komishankii hore ee
guuldaraysatay ka dibna la kala diray, arrimahaasi sideed u aragtaa?
j. Hay’adahayaga soo magacaaba xubnaha
komishanka sida madaxweynaha iyo axsaabta mucaaridka waxa muhiima
inaanu soo magacawno komishan qaranka u adeega oo dalka iyo dadkana
gadhsiin kara xilka doorashooyinkana ka fogaano in loo eego qabiil
qof jeclasi iyo maslaxad gaar ah, balse ay muhiim tahay inaanu u
eegno u adeega iyo u tudhista dal ka iyo dadka waxaanan
rajaynayaa inaanu ku wada camal fali doono xilka qaranka ee na
ga saaran soo magacaabida komishan doorasho oo dalka gaadhsiiya
doorasho ku hirgas ha xor iyo xalaal iyo xasilooni. Anagu
umaanu eegin xubnahan aanu soo magacawnay beel iyo deegaano gaara,
balse waxaanu u eegnay aqoon, ammaano xafid iyo xil gudashada
wajibaadka hirgelinta doorashooyinka, hadaan si weyn looga fiirsan
xulashada xubnaha komishanka doorashooyinka oo lo xil sarayo
gudashada waajibaad qaran ma soo baxayo komishan xilkiisa ka soo
baxa.
S. Labadii xubnood ee aad hore ugu
magacawdeen komisahnka doorashooyinka la kala diray oo ka soo kala
jeeday gobolada Awdal iyo bariga Sanaag hada labadan xubnood ee aad
magacawdeen ma waxay ka soo jeedaan Awadal iyo Sanaag bari mise
gobollada kale ee dalka ayay ka soo jeedaan?
J. (qosol)
anagu beel iyo gobol gaara toona umaanu eegin xubnaha aanu
magacawnay, balse waxaanu u eegnay xilka u adeega qaranka ee ka
saaran xilka komishan ee aanu u magacawnay oo aanu u aragnay inay
yihiin xubno ku haboon oo xilkaasi ka soo bixi kara. Gudoomiyaha
golaha guurida Saleebaan Maxmuud Aadan oo ka cudur daartay inuu
magac dhabo magacyada labada xubnood ee ay magacaabeen ayaa hadana
waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in musharaxiin badan oo iyagu
CV-yadooda u gudbiyey golaha guurtida maalmihii ugu danbeeyay ayaa
waxa ka mid ah xubnahaasi loolanka ugu jiray labadaas jago xubno ka
soo kala jeeday deegaanda Sanaag bari, Sool, Awdal, Saylac iyo
gobolka Hargeysa waxana ka mid ahaa xubnahaasi codsiga musharaxnimo
soo gudbistay sida wararka ku dhowdhow golaha guurtida ay tibaaxeen
C/raxmaan Siciid Xuubay, Cali Cali, Cismaan Cabdi Cilmi, Axmed Xasan
Coofle, Cabdi Siciid Faahiye, Cabdill aahi Xasan, Xasan Siciid
Yuusuf iyo Cabdi Cali .
waxaanay ilo u dhowdhow
shirgudoonka guurtidu ay noo tiba axeen in
labada xubnood ee shirgudoonka guurtidu ay magacaab een
ayaa ilo wareedyadu ay sheegayaan inay yihiin nin lagu
magacaabo Xasan Siciid Yu usuf iyo Maxamed
Cadaan weyne, waxaanay dad badani magacaabista xubnahan ay u
arkeen mid baalmarsan heshiiskii lagu galay in komishan doorashooyin
oo tayo leh la soo magacaabo, iyadoo ay dad badani u arkaan in
magacaabista xubnahan ay ka soo horje edo heshiiskii la iskula
gaadhay in saddexda xisbi ay soo magacaabaan xubno dhex
dhex aad ah oo gudan kara waajibaadka hirgelinta doorasho si xor oo
xalaala dalka uga dhacda waxaanay dadka qaarkii ay
dureen aqoonta iyo dhexdhexaadnimada
labadan xubnood ee guurtidu
magacowday, oo iyaga la sheegay inay ka
tirsanaayeen ciidamadii NSS-tii Siyaad
Barre laguna tilmaamay inaanay aqoon
iyo waayo aragnimada ku xidhan shuruudaha qabashada xilka
komishan ee loo magacaabay, iyadoo xubinta Mr. Cismaan Cabdi Cilmi (Raabbi)
lagu shee gay inuu ka tirsan yahay xisbiga Udub ee talada
dalka haya taasina ay baalmarsan tahay shuruudaha uu xeerka
komishanku uu ku waajibinayo in qofka loo dooranayo komishanka
doorashooyinka uu noqdo mid dhexdhexaad ka ah xisbiyada siyaasada,
kana mid ahayn saddexda xisbi qaran isla haysto shahaado aqoon heer
jaamacadeed ah.
Source:Haatuf
|