Guddoomiyaha
Guurtida oo Markii ugu Horreysay ka Hadlay
Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE
Guddoomiyaha Golaha Guurtidaa Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud
Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa markii u horreysay caddeeyey in aanay
jirin wax waanwaan oo uu ku dhexdhexaadinayo labada dhinac ee
xisbiga KULMIYE ee khilaafku u dhexeeyo, balse waxa uu xusay in
arrinta dhexdhexaadinta uu gali doono haddii dhinacyada KULMIYE ka
dalbadaan.
Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka
kula xidhiidhay si aannu wax uga waydiino qorshaha la sheegay inuu
ku damacsan yahay sidii uu waanwaan uga dhex bilaabi lahaa garabyada
is khilaafsan ee KULMIYE iyo hawshaas inuu galayo, waxa uu sheegay
in ilaa hadda aannu wax waanwaan ah bilaabin, haddiise laga codsado
uu diyaar u yahay in isu soo dhawayn ka dhex bilaabo xisbiga KULMIYE.
Isaga oo Guddoomiyuhu arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi;
“Waan-waan aan ka dhex wado KULMIYE dhexdiisu ma jirto, hawshaana
maan galin cidna iilamay iman qorshaha lagu dhexdhexaadinayo KULMIYE
oo marka wax laguula yimaaddo ayaa tallaabo la qaadaa, laakiin
haddii la iila yimaado waan galayaa, KULMIYE waa xisbi qaran, waanna
la dhexdhexaadin karaa oo waanwaan waa laga dhex bilaabi karaa.”
Khilaafka culus ee u dhexeeya labada dhinac ee xisbiga mucaaradka ah
ee KULMIYE oo ay kala hoggaaminayaan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaan ilaa hadda si rasmi ah
loo ogayn cid waanwaan lagu xallinayo khilaafka taagan ka dhex wada,
laakiin waxa jira wada hadalo xisbiga dhexdiisa ah oo socda, kaas oo
la doonayo in masuuliyiinta sare ee KULMIYE ku soo afjareen
khilaafka u dhexeeya oo haddii aan la soo gunaanadin dhaawac u
geysan kara sumcadda xisbiga.
Source:Jamhuuriya Online
|