Guddoomiyaha Guurtida Oo Lix Bilood Dalka Dibadiisa Ku Maqan Iyo Dareenada Lala Xidhiidhinayo Maqnaanshihiisa Muddo Dhaafay
 

 


Hargeysa  (TNN) - Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo socdaal di bad eed dalka kaga baxay 2-dii April 2011-ka markii kalfadhigii 43aad ee goluhu xidhmay, isla mark aana fasaxii kalfadhigaasi goluhu galay ayaa muddadaasi waxa si weyn mudanayaashu ay su’aal o iskaga waydiinayeen asababaha muddada lixda bilood gaadhaysa ee uu dalka uga maqan yah ay guddoomiyuhu, maadaama kalfadhigii 45aad ee gole weynuhuna la filayo inuu dhawaan furmo.

Ilaa hadda ma cada asbaabaha guddoomiyaha golaha guurtidu dalka dibadiisa ugu maqan yahay muddada intaa leeg iyo arrimaha keenay inuu muddadaasi dalka ka maqnaado, kaas oo xilliga sha rciyada ee xeer hoosaadka golaha guurtidu u cayimayo shirgudoonka iyo mudanayaasha fasaxo oda labada kalfadhi dhexdooda inaanu ka badanin muddada ay golaha ka maqnaan karaan, kaas oo sida qaalibka ah gudoomiye Saleebaan inta badan uu dibadaha u bixi jiray sanadkiiba saddex goor muddada fasaxyada kalfadhiyada u dhaxaysa, hase yeeshee muddo dhaafka badan ee gud doomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan dalka dibadiisa ku sugan yahay ayaa noqona ya gudoomiyihii ugu horeeyay ee abid gudoomiyayaasha labada gole ee Baarlamaanka ee muddo intaa leeg dalka ka maqnaada.

Inkasta oo socdaalka gudoomiyaha golaha guurtida ee dibada ugu maqan yahay ay xubnaha golahaasi qaarkood ku sababaynayaan inuu arrimo Caafimaad ugu baxay dalka UK xilligii la galay fasaxa kalfadhigii 43aad oo dhamaaday dabayaaqadii bishii February ee 2011-ka, hase yeeshee ilaa hadana ma jirto war rasmiya oo shirgudoonka golaha guurtidu ka bixiyay socdaalka gudoomiyuhu ku maqan yahay dalka dibadiisa, iyadoo todobaadii u dambeeyay golaha guurtida dhexdiisa laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo si weyn wax la iskaga waydiinayay maqnaanshaha dibada ee gudoomiyaha, iyagoo qaar ka mid ah mudanayaasha golahaasi ay ku xanshashaqayeen maalmihii ugu dambeeyay in la gaadhay muddadii sharciyada u xadidaysay in gudoomiyuhu safar dibadeed dalka kaga maqnaado muddo intaa leeg iyo gole weynaha oo wakhtigan xaadirka ah la filayo inuu furmo kalfadhigii 45aad, taas oo ka dhigaysa in gudoomiyuhu ka maqnaado laba kalfadhi golaha, taas oo xeer hoosaadka golaha guurtiduna sharci daro ku tilmaamayo muddo ka badan fasaxa hal kalfadhi inuu gudoomiyuhu dalka ka maqnaan karo.

Mid ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida ee iyagu su’aalaha iska waydiinayay maqnaanshaha muddo dhaafka ah ee gudoomiyaha golahooda oo ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa isagu Haatuf u sheegay in golaha dhexdiisa ay ka socdaan wada tashi iyo shirar doceedyo ay wax iska waydiinayaan arrimo la xidhiidha safarka dibadeed ee muddada dheer gudoomiyihii guurtidu kaga maqan yahay dalka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ilaa hada goluhu wuu fahmi laayahay sababta gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan dalka kaga maqan yahay muddada lixda bilood gaadhaysa, waxase socda shirar doceedyo arrinkaasi xildhibaanadu wax iskaga waydiinayaan, shirgudoonkuna wax warbixin ah oo uu golaha ka siiyayna ma jirto”

Dhinaca kale ilaa hada si rasmiya looma oga wakhtiga uu gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan uu dalka ku soo guryo noqon doono iyo muddada uu ku sii sugnaan doono dalka dibadiisa.

 


Source:Haatuf