Guddoomiyaha Gudida Diwaangalinta Oo Siyaasinta Ugu Baaqay Inay Faraha Kala Baxaan Hawsha Diwaangali
 

Gudoomiyaha Guddida Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland isla markaana ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Md.Ismaaciil Muuse Nuur ayaa maanta siyaasiyiinta dalka ugu baaqay inay faraha kala baxaan hawsha diwaangalinta Cod-bixiyeyaasha.
Isla markaana ugu baaqay in aan la siyaasadayn howsha diiwaangalinta ee laga Fulinayo gobolada dalka.

Ismaaciil Muuse Nuur waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu galabta u waramayay qaar ka mids Saxaafada dalka waxaanu tilmaamay in howsha diiwaangalintu aanay u baahnayn in la siyaasadeeyo waxaanuu yidhi “Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta dalka inay faraha kala baxaan howsha diiwaangalinta, sidoo kalena Salaadiinta Somaliland waxaan ka codsanaynaa inaanay soo faro galin howshan”.

Gudoomiyaha Guddida Diiwaangalintu waxa uu sheegay in ay waayo aragnimo ka heleen qaabkii diiwaangalintu uga qabsoontay Gobolka Saaxil isagoo xusay in ay wax ka badaleen dhaliilihii dhinaca farsamada oo ay si ka fiican sidii hore ay uga fulin doonaan diiwaangalinta G/Awdal oo ay jicmaha fooda inagu soo haysa ka bilaabi doonaan.


Dhawaaqan kasoo yeedhay Guddoomiyaha Gudida diwaangalinta ayaa kusoo beegmay xilli uu madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu ka dalbaday inay maalin dib udhigaan wakhtigii loogu tallogallay inay diwaangalintu ka bilaabmato gobolka Awdal oo ku beegan maalinta bari 23/10/2008.

 

 

 


Hormood