Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada oo Sheegay in aanu
Madaxweyne Rayaale Xaq u Lahayn Kala
Shaandhaynta Komishanka

Hargeysa (Longlivesomaliland
News)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Som aliland Md.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanu
Madaxweyne Rayaale xaq u lahayn kala shaandhaynta iyo dib-u-celinta
xub naha loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka ee cusub, balse uu
arrintaasi sharcigu awood u siiyey Golaha Wakiillada.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Idaacadda Horyaal waraysi la
yeelatay, waxa uu tilmaamay in Xeerka Doorashooyinka Somaliland uu
Golaha Wakiilla da oo keliya xaq u siiyey inay kala
shaandheeyaan, isla markaana dib-u-celin karaan xubnaha loo soo
magacaabo inay ka mid noqdaan Guddiga Doorasho oyinka Qaranka.
Waxaannu dhinacyada siyaasadada ee arrinta komishanku khusayso inay
si degdeg ah u soo magacaabaan komishanka cusub ee bedd elaya
xubnihii hore ee is casilay.
“Sidaynu ka warqabno waxa dhacay heshiis, kaas oo ay wada saxeexeen
axsaabta qaranku. Heshiiskaa markii la saxeexay kadib sidaad ka
warqabtaan xaaladii siyaasadeed ee taagnayd hoos bay u dhacday
xaraaradeedii, waxaa na la gudo-galay uun sidii heshiiskaas loo
fulin lahaa, waddankuna ugu hadh uub qaadan lahaa in doorasho
xor iyo xalaal ah la helo. Qodobkii ugu horre eyey ee
hesiiskaasi waxay ahayd in la sameeyo komishan cusub, markaa
tall aabo ayaa hore loo qaaday oo komishankii hore xubnihiisii
dhammaantood iya gaa is casilay. Muddo laba toddobaad ah
waxaanu sugaynay in arrinta komishanku soo dhamaato, gole ahaana
waxaanu qiyaasaynay inay saddex maalmood ama afar maalmood qaadato,
laakiin weli waanu sugaynaa wax naloo soo gudbiyey ma jiraan,
waxaanu goluhu heegan u yahay inuu waaji bkiisa ka guto
arrintaas, mudanayaasha waanu ku wargelinay markii goluhu fasaxa
tagayey, waanuna sugaynaa in arrintaa Komishanku golaha timaado.
Waxaanuna ugu baaqaynaa dhinacyada ay khusayso in la dedejiyo
komisha nka, si aan waqti dambe inooga lumen,” ayuu yidhi Md.
Cabdiraxmaan Max amed Cabdillaahi oo waraysiga Idaacadu la
yeelatay hadalkaa kooban laga sii daayey.
Source:
Jamhuuriya Online
|