Guddoomiyaha
Golaha Wakiillada oo Saluug ka Muujiyey
Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti
“Anigu ma dareemayo isbeddel
badan oo xidhiidhkii Somaliland iyo Jabuuti ku yimi, Waayo gacan
dawladeed oo kaalmo muuqato ah iyo taageero siyaasadeed midna kama
helno Jabuuti”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro), ayaa saluug ka muujiyey xidhiidhka somaliland
iyo dalka jamhuuriyadda Jabuuti oo uu sheegay in aan Jabuuti
kaalintii looga baahnaa ee siyaasadeed iyo caawimaba ka qaadan
Somaliland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro oo xalay u
waramayey weriye Maxamed Cabdi Ilig oo ka tirsan telefishanka
madaxabannaan ee HCTV, waxa uu sheegay inuu aad u soo dhaweynayo,
isla markaana arrin lagama maarmaan ah ay tahay in Somaliland
xidhiidh wanaagsan la yeelato waddamada jaarka ah, balse xidhiidhka
Jabuuti aannu ugu muuqan mid heerkii la doonayey gaadhay.
“Kolayba waddamada aynu jaarka nahay ee Jabuuti ka mid tahay in aynu
xidhiidh wanaagsan la yeelano waan qabaa, inuu meel fiican gaadhana
waan jecelahay, laakiin anigu ma dareemayo isbeddel badan oo
xidhiidhkii Somaliland iyo Jabuuti ku yimi, waxaan jeclaan lahaa
xidhiidhkaasi inuu noqdo mid sii xoogaysata. Waxaad moodaa gacan
dawladeed oo kaalmo muuqato ahna kama helno Jabuuti, taageero
siyaasadeed oo muuqatana kamaynu helin, laakiin in xidhiidhku dee
laba dal oo walaalo ah oo jaar ah oo aad isugu sii dhaw inuu noqdo
way fiican tahay, welise iima muuqato isbeddel ilaa hadda muuqda oo
yimi,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa kale oo uu sheegay in looga
baahan yahay xisbiyada iyo xukuumaddaba inay dhaqangeliyaan
go’aamadii guddiga dhexdhexaadintu ka soo saartay khilaafkii
siyaasadeed ee dalka ka jiray.
Md. Cirro waxa uu xusay in aan ilaa hadda Golaha Wakiillada loo soo
gudbin go’aamada guddigu soo saartay si uu u meelmariyo, balse uu
soo dhaweynayo go’aamadaasi.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu nasiib-darro ku tilmaamay in aan
xukuumadda Somaliland ilaa haatan Golaha Wakiillada horkeenin
heshiisyo shisheeye oo ay la gashay shirkado, kuwaas oo shirguddoon
ahaan marar badan ka codsadeen soo gudbintooda.
“Heshiisyo intii aannu Golaha Wakiillada joognay xukuumaddu gashay
oo golaha loo keenay ma jiraan, mararka qaarkoodna way jireen
qoraalo aannu xukuumadda u qornay ama codsiyo aanu u gudbinay,
laakiin ilaa hadda wax arrintaasi nooga yimi ma jiraan.
Xukuumadda waxa dastuurku ku waajibinayaa arrintaas inay keento,
kolay markii ugu damaysay arrintaas fadhi ayey ka yeesheen
xukuumadda iyo Shirguddoonka goluhu, arrintaas in aannu fadhi kale
oo gaar ah ka yeelano ayaa noo qorshaysan, si aannu arrintaas isula
eegno,” ayuu yidhi Md. Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu qiray inay ku
guul-darraysteen in fadhiyada goluhu shaqeeyo maalintii 6 ilaa 8
saacadood.
Jamhuuriya Online
|