Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada
Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdil aahi (Cirro) ayaa sheegay in
marxalada taagan ee dalku marayo lagaga badbaadi karo doorashada oo
dhacda iyo in distoorka xeerarka dalka u yaala shuruucda lagu dhaqmo
loona hogaansamo, isagoo intaa ku daray in maaraynta khilaafaadka
dalka ka oogani uu yahay arrin u taala goleyaasha baarlamaanka,
waxaanu dhinaca kale madaxweyne Rayaale iyo labada musharax ee
jagada madaxweynaha uga sharaxan xisbiyada kulmiye iyo UCID ugu
baaqay in kulan toosa ay iskugu yimaadaan.
Waxaanu guddoomiyaha golaha
wakiiladu Md: Cabdiraxmaan Cirro uu sidaas ku sheegay waraysi khaasa
oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada,
kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay go’aankii golaha wakiiladu ay ka
soo saareen fadhiyada wada jirka iyo fadhiyada gaar gaarka ahba.
Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayo xaalada
guud ee uu dalku marayo iyo xidhiidhka ka dhexeeya madaxweyne
Rayaale iyo golaha waxa uu u dhacay sidan:
S: Sideed u aragtaa xaalada guud ee dhinacyada siyaasada ee uu
xilligan dalku marayo iyo duruufaha ku gadaaman dib u dhaca
doorashada madaxtooyada ?
J: Runtii waxaynu ku jirnaa maraxalad loo diyaargaroobayo
doorashooyin caalamkuna rumaysanyahay inaynu ka gudbi doono geedi
socodka haddii aynu ka gudubno maraxlada doorasho ee inagu soo
foolehna caalamku waxa u qaba in geedi socodkeenii dawladnimo u
dhimaystiri doono insha allaahu khilaafaadka jirana waa laga gudbi
doonaa.
S: Go’aankii golaha wakiiladu ka soo saareen 21 kii February in
golayaashu ay fadhi wada jira ka gaasheen cida sababta xilgudasho
la’aanta dibu dhaca doorashada madaxtooyada leh, taas oo la sheegay
in shirgudoonka golaha Guurtida u gudbiseen go’aankaasi wax daba
gala ma ku samayseen halkeebuuse ku dambeeyey ?
J: Wixii goluhu go’aan ku gaadho go’aan gole ayuu noqonayaa, runtii
inkasta oo aan xilliga safar ugu maqnaa dibadahana go’aankaasi
goluhu gaadhay meelihii ku haboonaa ayaa loo gudbiyey, arrinkaasina
wakhtiga uu ku haboon yahay iyo daba galkiisana golaha ayaa iska leh,
waxaanse hadda kuu sheegayaa uun in go’aaankaasi meelihii ku
haboonaa loo gudbiyey fadhiyada wada jirka ee labada gole ee
baarlamaankana distoorka qaranka ayaa tilmaamaya.
S: Asxaabta mucaaridku dhamaadka mudadii sharciyada ee sanadka ahaa
ee xilka loogu kordhiyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku
eeg 6-da april waxay soo jeediyeen in labada gole ee baarlamaanku ay
fadhi gole ee baarlamaanku ay wada jira ka yeeshaan cidii mudadaasi
dalka doorasho gaadhsiin lahayd arrinkaasi sideed u aragtaa ?
J: Horta distoorka qaranku wuxuu qeexayaa in fadhiyo wada jira ay
goleyaasha baarlamaanku wada yeelan karaan, wada tashigana ama
golaha guurtida ha noqdaan ama wakiilada iyo gole kale hanoqotee
distoorka qaranku wuxuu tilmaamayaa in arimaha qaranka wada tashi
laga yeesho in xaalada dalku ku jiro wada tashi qaran laga yeeshaana
golayaasha kale ee qaran laga yeeshana goleyaasha kala ee qaranka
ayaanu kala mid nahay
S: Shirguddoonka golaha Guurtida ma kala hadasheen go;aankii fadhiga
wada jirka ee labada gole xaalada dalkana maysaga timaadeen labadiin
shirgudoon ?
J: Maya si gaara isgana maanu arag labadayada shirgudoon.
J: Bal tilmaan qaabka aad leedahay wada tashi qaran ah ha looga
yeesho khilaafka cakiran ee dalka ka aloosan ?
J: Xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro ee aad tilmaantay waxaan
qabaa in wada tashi qaran lagaga bixi karo waxaynu hore usoo aragnay
in saddexda xisbi qaran ay wada tashi ka yeeshaan xaaladii hore oo
wax ay isla soo meel dhigeen iskana soo raaceen heshiis waxan qabaa
in asxaabtu wada tashi isugu iman karaan, haddii laga balaadhinayana
qaranku ka tashan karo, haddii goleyaashiisa hala isticmaalo ama
dariiqooyinkii kale ee Somaliland ka soo caana maashay ha la
isticmaalee.
S: Sidee buu xidhiidhka idinka dhexeeyo madaweyne Rayaale oo marar
dhawra qardoofoyin idin dhexmareen adiga iyo golahaba sidee buu hada
yahay xidhiidhka xukuumaddu?
J: (Qosol dhoola cadayna ka dib), hadaad aniga iyo madaxweyneha
shakhsiyan u tilmaamaysana ma xuma xidhiidhkayagu, hadaad golaha iyo
madaxweynaha wadashaqayntooda tilmaamaysana wada shaqayn fiican ayey
madaxweynaha iyo goluhuba wada leeyihiin.
S: Maadaama ay asxaabtii mucaaradkuna taagan yihiin marka la gaadho
6-da april in madaxweynaha mudadii ka dhamaatay madaxweyne Rayaalena
uu u taagan yahay madaxweyne lasoo doorto ayuun baa I bedeli kara
arinkaasi miyaanu qaranka xaalad halis galin Karin sideedse u
aragtaa xalka kaliya ee lagaga badbaadi karo dibu dhacan doorashada
mawqifyadaa adag ee ay kala taagan yihiin?
J: Horta komishanka doorashooyinka ayuu xilka ugu wayni saaran yahay
in doorasho qabsoonto, waxaan qabaa in komishanka doorashooyinku uu
dadaal muujiyo goleyaasha qaranka dhamaantoodna ay gacan ka siiyaan
Komishanka madaxweynaha iyo labada musharax ee asxaabta mucaaradkana
waxan usoo jeedinaya inay kulan toosa oo is arag ah oo wada hadala
ay yeeshaan, golayaasha baarlamankana waxaan ku guubaabinayaa in
waajibaadka inaga saaran xalinta khilaafaadkaa iyo badbaadinta
qarankuba uu yahay arrinkaasi ama golaha wakiilada ee ay ogaadaan in
xeeladaasi ay tahay arin iyaga u taala waxa kaloon qabaa in qaranku
ku badbaadayo in doorasho dhacdo, waxa kale oo qabaa inqaranku ku
badbaadi karo distoorka xeerarka dalka u yala iyo shuruucda inoo
degsan inaynu ku dhaqano oo aynu tixgelino.
S: Ma waxaad leedahay xaalada uu dalku ku jiro ee ay asxaabta
mucaaridku usoo riixeen goleyaasha baarlamaanku inay go’aan ka
qataan marxalada dalku ku jiro, ha la sal balaadhiyo ?
J: Arrintaasi talo soo jeedin qaranka u yaala ayey ka mid tahay
balse hadba talaabadii lays yidhaa qaran ku wuu ku badbaadayaa ayuun
baa la qaadi doonaa.
S: masuuliyiinta komishanka doorashooyinka wax kulana ma kala
yeelateen hawlaha doorashooyinku hal ka ay u maraayaan ?
J: Guddoomiyaha komishanku xafiiska ayuu noogu yimid had iyo jeerna
waxaanu jecelnahay inaanu macluumaadka ka helno halka ay hawsha
diyaargarowga doorashadu u marayo komishanka iyo hay’ada interpeace
waxay noo sheegeen in hawlihii diyaargarowgu meel fiican u marayaan.
S: Sideed u aragtaa xidhiidhka baryahan dambe dhexmaray
masuuliyiinta xukuumada Somaliland iyo madaxweynaha jabuuti ismaacil
Cumar Geelle ?
J: Horta arrintaasi waxay ku haboonayd wasaarada arrimaha dibada
balse waxaan qabaa in xidhiidhka Somaliland iyo dalalka la dariska
ahi uu wanaagsanaado oo aan u arko in danta Somaliland ay ku jirto
in xidhiidhka dawladaha dariska la xoojiyo.
S: Wasiirka Maaliyadu waa kii ka baaqday fadhigii daraad ee golaha
inoo horyimaado goluhuna waa kii go’aan gole ku horjoogsaday in wax
su’aalo ah la waydiyo wasiir ku xigeenka iyo saraakishii kale ee la
socotay ee golaha hor yimid wasiirka maaliyada wax jawaaba ma ka soo
bixiyey dalabkii golaha ?
J: Wasiirka maaliyadu fadhiga maanta ayuu golaha hor imanayaa
arinkaa go’aan gole ayuu goluhu ku ansixiyey
Haatuf
|