Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, ayaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Soma liland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa Mudaneyaasha  Go laha Wakiilada ugu baaqay inay maalinta sabtida ee 24-ka bishan inay isugu yimaadaan fadhi degdeg ah oo lagu ansixiyo xubaha cusub ee Komishanka  do orashooyinka. Gudoomiyuhu waxa uu sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu  ma anta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku soo bandhigay magacyada xubnaha cusub ee loo soo gudbiyey.


Waxaana hadaladii Gudoomiyaha ka mid ahaa oo uu yidhi, “Waraaqdii  Madax weynuhu noo soo qoray way na soo gaadhay, waxaana ku xusan waraaqda 7dii xubnood ee cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Magacyada xubnaha ayaa kala ah; saddexda xubnood ee Madaxweynuhu soo xulay waxa ay kala yihiin Maxamed Axmed Xirsi Geele, Yuusuf Xaaji Maxamed iyo Faarax Abiib Aadan. Labada xubnood ee Golaha soo xuleen waxa ay kala yihiin;Shaafi Shariif Cabdi Maxamed, Cabdiramxaan Maxamed Ismaaciil [Dixood].

Labada xubnood ee xisbiyada mucaaradku soo kala xuleen waxa ay kala  yih iin; Cabdifataax Ibraahim Xasan [xubita UCID] iyo Cali-khadar Xasan Cismaan” Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in maalinta sabtida ah uu Goluhu isugu iman doono fadhi aan caadi ahayn, inta ka horaysana xubnaha cusub loo gudbin doono guddida aarimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada si ay qiimayn iyo fanashaad ugu sii sameeyaan ka hor intaan la horgayn fadhiga Golaha.

“Annaga oo raacayna dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha waxaanu isugu yeedhaynaa Golaha kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka loo soo xulay maalinta sabtida ah ee bishu 24-ka October si loo ansixiyo xubnahaas.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro,

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Hasayeeshee ka hor sida uu xeerku tilmaamayo waxa aanu maanta u gudbinaynaa Guddida arrimamah gudaha ee Golaha oo xeerku tilmaamayo inay iyagu xaq u leeyihiin hubinta in xubnahaasi buuxiyeen xeerka. Waxaanu siin doonaa laba maalmood haddii ilaahay ka dhigo
 


Source: OodweyneNews