Guddomiyiihii
Ololaha Doorashada MadaxtooyadaGobolada Galbeedka Ee Kulmiye Oo
Sheegay In Musuqmaasuqa Xukuumadu Meel Fog Gaadhay
“Dadka Duubka Kuu Xidhey , Qaar Baan Dab Loo Shidin, Adna Wey Ku
Doorteen…” Eng. Baashe Cabdi Gaboobe
Hargeysa, April 26, 2012 (TNN) –Baashe Cabdi Gaboobe ayaa dhaliil
wayn gosha u galiyey xukuu madda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, kaas oo
tilmaamay inay ku fashilantay balanqaadadii iyo waxqabadkii ay
Kaambaynkii doorashadda Madaxwaynenimo ee ugu danbeeyey ay ku gashay.
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe waxa uu
sheegay inaanay xukuumadda talada dalka haysaa fulinin Barnaamijkii
Xisbiga Kulmiye uu ugu ololayn jiray wakhtigii doorashada, kaas oo
tibaaxay in Mas uuliyiinta xukuumadu ay caadaysteen inay ku faanaan
waxqabad aan u dhigmin faanka ay warb aahinta ka sheegaan.
Guddoomiyihii Ololaha doorashadii Madaxtooyadda ee ugu danbaysay ee
xisbiga Kulmiye ee saddexda gobo lee galbeedka Somailland ee Berbera,
Hargeysa iyo Boorama Eng. Baashe Cabdi Gaboobe waxa uu sidaas ku
sheegay Warsaxaafadeed uu shalay ku ahkriyey shirjiraa’id oo uu ku
qabtay Hutel Xaraf ee Magaalada Hargeys, Warsaxaafadeedkaas oo isaga
oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “waxaan ahaa guddoomiyihii ololaha
doorashada madaxtooyadda ee seddexd a gobol ee galbeed, waxaanan
ahaa ninkii ugu shaqa badnaa ee codka ugu badan u keeney Gu ushi
madaxweyne Silaanyo-na uu kursigan maanta ku fadhiyo. ’Soomaalidu
waxay ku maah ma ahda ‘Haddoi lagu sheelo waa la isa sheega, hadii
lagu sheegana wa la isa sheelaa’.
Waxanan guushaa u soo marney waddooyin adag oo shalfaafooyin badan
ka buuxaan, Muddo dheer kamaan hadal arrimaha siyaasadda oo waxa igu
dambeysey markii aan u doodaayey in la furo ururadda siyaasadda oo
balan qaadki Xisbiga kulmiye ee ololaha doorashada Madaxtooyad a ka
mid ahaa ‘annaga qoladayadii ururka Qaran, waa qodabadii aannu
Kulmiye kula heshiiney in la fuliyo ragna jeelka u galey. in kastoo
seddexdii xisbi qaran ee Ucid, Udub iyo Kulmiye ka hor yimaadeen in
la furo ururadda, hadana Illaahey waa nagu guuleeyey ololaha aniga
iyo dad faro ku tiris ah. Madaxweynuhuna wuu ku mahadsanna inu
fuliyo rabitaanka dadweynaha. Waxaan la yaabanahey halkay joogeen
dadkan ururadda wada furtey imika markay seddexda xisbi nala
dagaalamayeen.
Furista ururada Waxaa markiiba ka faa’ideystey garabkii Cabdiraxmaan
Cirro ee xisbiga Ucid oo markii laga xukumay, hoggaanki xisbiga,
ayay markiiba iska furteen ururka Waddani. Wixii intaa ka dambeysey
waan iska nastey waxaanan galey courska Peace and Conflict
Resolution.
Waxaan falanqeyn doona si kooban barnaamjki oloolaha doorashada si
taxana ahna u faaleyn doona qodob qodob, iyada oo qoraal ah mar
kale.
Xukumaddan faanka badan ee masuu’lkeedi hadlaba u leeyahey wax badan
baanu qabaney wax qabadkeedu ma u dhigma faankeeda?. Bal aynu eegno
hadalka Madaxweynaha oo hordhac u ah barnaamijkan:- ‘’Barnaamijka
kulmiye wa mid si cad oo banyaal ah u qeexaya jidkii loo mari lah aa
bad baadinta iyo soo nooleynta SL, waa jidkii aynu noolosha iyo
barwaaqada iyo xukun wana agga u mari laheyn.
Somaliland waa dal weyn oo kheyraad dabiica ah Eabbe ku manneystey (Macdan
iyo Shidaal ba dan) lamana manaafacadsan oo waa laga gaajeysan yahay.
Waxa taas sabab u ah hoggaankii ayaa ka xumaadey dalka, dariiqii
saxda ahaa ee horumar iyo barwaaqo lagu gaadhi lahaa ayaa laga
leexiyey dalka”. Axmad Silaanyo Hadalkani waa duul mar ee bal aynu
eegno isago qodobey san waxa ka qabsoomey.
Waxa la furey ururadii siyaasadda Waxa Burco laga baddaley lacagtii
giimbaarka, laakiin lacagtii Puntland ayaa weli ka socota Sool iyo
Sanaag, Waxa lacag la’aan laga dhigey dugsiyadii hoose /dhexe.
Ballanqaadyadi beenowdey.
Waxa la kordhiyey mushuharkii shaqaalaha 100% laakin waxa lagu
fashilmey in la kordhiyo 300% gaar ahaan mucalimiinta, ciidamada
qalabka sida iyo booliska oo barnaamijka ku qoran sannadka ugu
horeya ee Kulmiye xukunka qabto in loo kordhiyo 300% . Waxana
xukuumaddan u dhamaanaya sannadki labaad ee bal aynu eegno
miisaaniyaddan cusub 2012 in lagu saxo arrinka oo la kordhiyo 300% .
Dawlad wanaagi koobneyd ee 26 wasiir iyo wasiir kuxigeen waxey
mareysa 33 wasiir, wasiir dawle iyo wasiir ku xigeen.
Musuq maasuqii oo meel fog gaadhey (wasiiraddi oo xisaab gaar ah u
furanaya lacagihii mashaa ricda, lacagihi safaaraddaha debadda oo
lala baxaayo sida u soo bandhigey agaasimihi guud ee Wasaarada
arrimaha dibada Maxamuud Raage. Safiirkii Somaliland ee South Sudan
loo magacaa bey oo weli dalka u jooga lacag la’aan.
Dawladda oo ku faanta in ay u sameysey Hay’adda la dagaalanka musuq
maasuqa, laakiin ha y’addaas oo ila Imika meelna ka hawl galin
sabato ah shuruucddii ay ku shaqeyn laheyd oo aanu Baarlamaanku
ansixin waayo dawladdi ayaan dabada ka riixayn (sida kuwa ay rabto
ee maaliin qudha lagu ansixiyo. Hantidhawrkiina wuxu ku kobanyahey
Dawladaha hoose,
Saxaafadda oo ah tiirka afraad ee dawladdnimo kaalin mug lehna ka
qaadatey soo bandhigiddi maamul xumaddi Riyaale sabab weynna u aheyd
guushi Madaxweyne Siilaanyo, kulmiye-na ba lanqaadey inuu dhirigelin
doono kuna dhaqmi doono Xeerkii Saxaafadda Somaliland haddii u xu
kunka qabto, markey saxaafaddu shaqadoodi halkii ka sii wadey ayey
xukumadda Madaxweyne Siilaanyo u geysatey tacadiyo badan sida,
cabudhin, xadhig, jidh dil iyo caga jugleyn joogta ah(Sida, xadhigii
Xuuto, Albaab u laabisti Horn Cable Tv iyo xadhigi 21 saxafi, jidh
dilki saxafiga re er Boorama ee imika lagu daweynayo Addis Ababa iyo
qaar kale oo badan) iyado baal mareysa Xeerkii Saxaafadda
Somaliland, adeegsaneysana xeerki ciqaabta.
Xorriyatal qawlkii iyo xuquuq al insaa’nkii oo dastuurka Somaliland
damaanad qaadey ayaa ma rar badan la jabiyaa oo muwaadininta lagu
xidha ra’yigooda ama dhaliil ay u soo jeediyeen Ma daxweynaha iyo
xukumaddisa, sida Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdilqaadir oo ku
dhaawacmey 8-dii sannadood ee u la soo halgamay Madaxweyne Siilaanyo
si u kursiga u fuulo aya loogu abaal gudey in si sharci darro’ah oo
arxan darro’ ah oo kali talisnimo ah, iyada oo la adeegsanayoo
awooddi qaranka looga saarey shirki Kulmiye ee ka dhacey hotel
Maansoor iyo Boqor buur mad ow oo hadda u xidhan muxu u dhaliilay
madaxweyne Silaanyo, Somalidu waxey ku maah ma ahda ‘waa ley caayey
ceeb baa kaa raacda’ in bila shuruud lagu si daaya.
Darajaddi ciidamada oo barnaamjka ku qoran in la hirgelinaayo,
Madaxweyne Siilaanyo balan qaadey inu hirgelanaayo sannadka 3 August
2011 marki uu ka qeyb galey 3 August 2010 sann ad guuradii lix iyo
tobnaad ee ciidamada Police-ka laakin nasiib darro markey soo dhaw
aatey ayuu u baxey fasax bil ah London.
Shaqo la’aanta Dhalinyarada Somaliland ee baahdey oo sannad walba
tobanaan kun ka soo qalin jabisa Jaamicadaha dalka, Iskuuladda
Secondariga, dhexe, hoose oo awoodi kari waayey iney hore u si
wadaan taclintooda iyo qaar aan school ba gelin ayaa ku soo bira
boqolaalka kun ee qof ee bilaa shaqo ah (shaqo doon ah ). Muxuu
kulmiye ka qabtey, maxaase barnaamijka ku qoran ?Tahriibtii
dhalinyaradu ma istaagtey mise way ka si dartey?.
Arrimaha gudaha; Ammaanka waddanku ma ka wanaagsanyahey waqtigi
Riyaale mise wuu ka sii darey? sidee loo maareeyey shirki taleex ee
lagu ‘unkey Khaatuma State oo liddi ku ah midni madda iyo
qaranimadda Somaliland.
Arrimaha dibedda; Sidey loo maareeyey shirki London ? Goorma lagu
dhawaaqaya guddidi talo qaran ee wada hadalka Somaliland iyo
Somalia, Muxuu Wasiirka arrimaha dibaddu uga faa’ideys an waayay
shakhsiyaadka muhimka ah ee taageersan Somaliland sida Faarax
Macallin guddoo miye ku xigeen Baarlamaanka Kenya si ula kulmo
Madaxda dawladda Kenya.
Arrinta Warshadda sibidka, Madaxweynihi hore Riyaale qolo siiyey
waraaqo, Madaxweyne Sil aanyo-na dad kale ayuu siiyey, markaa sidan
horeba qoraaladeyda ku sheegeyey waa in Mad axweynuhu magacaaba
guddi khubara ah oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh in la kiciyo
warsh addan iyo kuwa kale oo saami laga iibiyaa dadka oo an labada
dhinac ee waraaqaha sita la isku sii dayn.
Gu’gi ayeynu ku jirna oo roobkii baa da’ya, abaar dheerna waynu ka
soo baxney, maxeynu biy aha roobka u qaban weyney, Maxaase
barnaamjku ka yidhi arrinta Iyo mawaadic kale oo badan ayaan si
taxana’ ah idinku soo qori doona.
Madaxwayne Dardaarankii fanaanada Ubax Fahmo
marki lagu doortey Waxey tidhi
’’Dadka duubka ku xidhey,
Qaar baan dab loo shidin,
Adna wey ku doorteen,
Dhalintii iyo barbaartii,
Badahey ku daateen,
Dibjirkoodii-ba Wadhan ,
Darbiyada Habeenkii”.
,
Source:Haatuf
|