Guddomiyaha
Komishankii Hore oo Walaac Xoo ggan ka Muujiyey Murugga iyo
Isqabqabsiga ka Dhex Aloosan Guddiga
Doorashooyinka

“Anigoon
dadka balaayada saadaaliyana ahayn cabsi weyn baa igaga jirta in
27ka September
ee la asteeyey doorashadu ku qabsoomayso”
“Doorasho waqtigeeda ku qabsoontaa waxay ku
xidhan tahay Komishankan dhisan oo ku fuliya”
“Caqli aqbali kara tirada Komishanka tiro kale
halagu kordhiyo ma jiro, meeshuna maaha xeer-beegteedii garta naqi
jiray oo kolba shan la korodhsan jiray… deeqbixiyeyaashuna komishan
hala kordhiyo inamay odhan”
Warasi khaas ah – Axmed X. Cali Cadami
Guddoomiyihii Komishankii Doorashooyinka ee hore Mr. Axmed X. Cali
Cadami, haddana ka tirsan guddiga fulinta xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE, ayaa walaac xooggan ka muujiyey murugga iyo is-qabqabsiga
ka dhextaagan xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaasoo uu
xusay in lagu lumiyey waqti badan oo lagu dhammayn lahaa hawlaha
doorashada Madaxtooyada.
Mr. Cadami ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya shalay siiyey,
waxa uu Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay in ficiltan dhexdooda
yaal meel iska dhigaan, una midoobaan fulinta masuuliyadda culus ee
dusha u saaran, haddii aanay taas ka soo bixi karayna is-casilaan oo
iska qabtaan kuwo uu ku tilmaamay habaar-qabayaal, intii wadashaqayn
karaysaana wada shaqeeyaan si ay dalka u gaadhsiiyaan doorasho xor
iyo xalaal ah oo waqtigeedii ku qabsoonta.
Su’aalihii lagu weydiiyey waraysigaas oo ah kuwo aad u xiiso badan
iyo jawaabihii Axmed X. Cali Cadami ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
Jamhuuriya: Axmed, bal marka hore faahfaahin ka bixi aragtidaa
waayo-aragnimo ee ku wajahan hawlaha doorashada iyo diyaargarowgeeda?
Cadami: Waxaan u arkaa in waqti badan la lumiyey; wuu taagan yahay
oo weli ma dhammaan murankii waqtiga lumiyey, waxaanan u arkaa in
aanay jirin cid dembigaa ka baaqsan karta, inkastoo adduunka uu jiro
dhaqan ah in wixii dembi ah ee dhaca lagala xisaabtamo cidda
hoggaanka haysa, lagalamana xisaabtamo axsaabta, markaa iyadoo eeddu
u badan tahay dhinaca dawladda iyo xisbiga xukunka haya oo aan
ummadduna ka cafiyeyn.”
“Waxaan welwel badan la qabaa ummadda, laakiin dareenka ii dheer
waxa weeye waxaan ogahay oo aan arkayaa in aanay jirin cid u
tudhaysa dimoqraadiyadda curdinka ah ee ka dhalatay Somaliland oo
cid waliba wadhafka xaggeeda kaga soo ridayso. Haddii aan axsaabta
iyo qarankaba laysla hinjin u diyaargarowga doorashada mugdi badan
baa muuqda.
Waxyaabaha qaarkood ee ku yaal jadwalka hawl-maalmeedka Komishanka
waxa loo baahan yahay in axsaabta lagu wargeliyo oo fulintiisa
lagala hawlgalo.
Anigu waxaan arkay qorshe-hawleedka Komishanka u dejisan, iyadoo
muddo badan laga cabanayey afar, saddex jeer oo dib-u-dhac yimi oo
dalku ku sigtay, maantana waxa khatar ku jira qorshe-hawleedka yaal
oo anigoo aan dadka rajada ka dilayn, dadka balaayada saadaaliyana
ahayn cabsi weyn baa igaga jirta in 27ka September ee la asteeyey
doorashadu ku qabsoomayso, haddaan guntiga dhiisha layskaga dhigin,
axsaabtu hurdada ka kicin, Komishanka cid si damiir leh u shaqaysa
laga helin oo inta gacmaha lays wada qabsado la odhan aan fadhiga ka
kacno oo maalmihii innaga tegay aan qallayno. Wax alla wixii faral
la tukanayey ee bisinka la qabsanayey way innaga tageen ee bal
qalluhu si aannu inoo dhaafin in lagu faro-adaygo ayaa loo baahan
yahay, maantana haddaan ganaska is-duqaynaya dhegaha loo furin oo
axsaabtu walaalahawga ka bixin oo aan loo badheedhin ka
midho-dhalinta waxyaabaha qorshe-hawleedka innoogu qoran waxaan ka
baqayaa in walaac badani jiro.
Anigu waxaan ogahay 23 June 2009 shaqo weyn ayaa ku qornayd
hawl-maalmeedka oo ahaa saxeexa xeerkii anshaxa doorashooyinka lagu
hoggaamin lahaa ee waxna lagu xalaalaynayey, waxna xaaraantimaynayey
isaga laftiisa taariikhdu way ka dhacday maanta, ka daba-tag buu u
baahan yahay, cid hadal-haysa arki maysid, waxana meesha ka muuqata
in aan dadkuba garanayn muhiimadda uu leeyahay qorshe-hawleedku,
markaa waxa weeye welwelka iyo walbahaarka ayaan ummadda la qabaa,
shaki weyn baana igu jira oo aan furdaamin kale u baahnayn
doorashada oo waqtigeeda ku qabsoonta mooyaane.
Jamhuuriya: Waxa jira qodobo badan oo ilaa hadda xisbiyadu ku
muransan yihiin sida; samaynta guddi xeer-beegti oo khubaro caalami
ah ku jiraan, xeerkii anshaxa, khilaafka weli taagan ee arrinta
Komishanka, iyadoo waqtiguna cidhiidhiga yahay, markaa sidee
doorashadu ku qabsoomi kartaa?
Cadami: Doorasho waqtigeeda ku qabsoontaa waxay ku xidhan tahay
Komishankan dhisan oo ku fuliya. Salaaddu haddaanay iimaam lahayn oo
aanad iimaamka ku xidhanayn waxba ma qabsoomayaan, kaalintaasina
maanta si kastaba ha noqotee ma jirto, waxna way ka maqan yihiin,
waxna way jiraan, rayigayga shaqsiga ahna waxaan qabaa Komishanka
komishan kale halagu kordhiyo cid soo jeedisay oo aan axsaabta ahayn
ma jirto, gaalo [deeqbixiyeyaasha] tidhi Komishanka hala kordhiyana
ma jirto. Toddoba qof ayaa wadashaqayn kari la’, toddoba amma shan
kale markaad ku soo kordhisana xisaabtii waad murgisay oo laba
kooxood oo wada ciyaaraya ayaad magacowday iyadoo doorashadii taagan
tahay, caqli aqbali kara tirada Komishanka tiro kale halagu kordhiyo
ma jiro, meeshuna maaha xeer-beegteedii garta naqi jiray oo kolba
shan la korodhsan jiray. Komishanka adduunka iyo Afrikaba ugu fiican
waa shan xubnood oo ah dalka Koonfur Afrika. Shantaas xubnood ayaa
wada qabsaday oo shaqooyinkii wada qaybsaday oo doorashooyinkii hore
hoggaaminayey, ilaa haddana gacanta ku haya.
Toddoba xubnood waa Alxamdu-lillaahi Rabbul-caalamiin, tiro looma
buko, cudurka ina hayaana ma aha tirada Komishanka oo aynu badino,
deeqbixiyeyaashuna komishan hala kordhiyo inamay odhan oo
amarkoodiiba maaha, laakiin waxay ku leeyihiin hawsha komishanka
isla eega axsaabta, xukuumad iyo kuligiinba, waynu fahmaynaa luqadda
sidaa u qorani waxay doonaysaa komishan komishankii hore lagu soo
daro oo labadii isku murgaan. Iminka toddoba xubnood ayeynu leenahay
oo khaati bay kala joogaan, toddoba kale oo lagu kordhiyaana waxay
keenaysaa in aan markaa saamiba la kala helin.
Anigu waxaan qabaa haddii saddexda xisbi ka midaysan yihiin rayiguu
doonaba ha noqdee oo komishankaa ku saabsan cidna dhibi mayso.
Saddexda xisbi ee tartamaya mid lacag haysta iyo mid soo
urursanayaba inta aan wax kale waqtigii ka lumin waxa la gudboon in
waqtigu kaga lumo wixii daruuri u ahaa qabsoomidda doorashada,
taasina waxay ku imanaysaa isla garasho aan meel-jeclaysi lahayn.
Maanta waxay ahayd haddii komishanku hawshiisii gabo in ay saddexda
xisbi isu tagaan oo ka shaqeeyaan sidii doorasho fiican dalka uga
qabsoomi lahayd. Xeerka anshaxu waa ka ugu fudud dhammantiisu, mid
aynu ku soo caano-maalay oo guul dhaliyey baynu haysanaa, laba amma
saddex qodob ayaa laga beddeli karaa haddii loo fadhiisto, laba
is-hayana loo fadhiisan maayo, dabadeedna laysla eego oo wax la isla
meel dhigo. Waqtigii la asaraartami jiray waa la soo dhaafay,
waqtigii la kas-ciyaarayey waa la soo dhaafay, waqtigii ololaha laga
dhiganayey khilaafka waa la soo dhaafay, waxana la joogaa
saacatul-ijaabihii doorasho ku qabsoomi lahayd amma doorasho la’aan
aad dalka kaga tegi lahayd oo wax aan ummaddu ku riyoon oo ku
talogelin ay dhici karaan, Ilaahay innaguma keenaa.
Markaa waxaan leeyahay waan arkayaa murugga, isku dhaca, is-qabsiga
iyo isku meeraysiga Komishanka, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inay
ka baxaan muruggaas oo gartaan masuuliyadda saarani in aanay maanta
oggolayn inay dhexdooda fas-ciyaaraan. Maanta waxay ahayd maalintii
ay iscasili lahaayeen oo inta habaar-qabayaasha la leeyahay iyagoon
cidna dhibin, isna dacwayn uu ninkii aan la socon Karin si hawl
yaraan ah uga baxo komishanka, intii wadashaqayn karaysaana wada
shaqeeyaan, dabadeedna hawshii la qabto, laakiin sida hadda lagu
jiro oo axsaabtu ku jirto, oo komishanku ku jiro shaki weyn baan
qabaa, wax badanina halkaas ayuu ku baaqanayaa oo iyadoo aan waxba
la qaban ay daf ina soo tidhaa 27 September.
Jamhuuriya: Waxa jira arrinta seerfarka kala shaandhaynaya dadka
isdiiwaangeliyey oo aan ilaa hadda natiijo laga soo saarin, muddadii
madaxweynuhu u qabtay la dhaafay, tii deeqbixiyeyaasha iyo guddiga
dhexdhexaadintuna gebogebo tahay, markaa ma u malaynaysaa in taasina
sii kordhiso culayska iyo cidhiidhiga ku gudban qabsoomidda
doorashada?
Cadami: Horta in diiwaangelinta laga hormariyo doorashada waa
adduunku soo maray, faa’iido ayaana laga gartay, waxayna qurxisaa
nooca doorashada oo ay tayadeeda kor u qaaddaa, laakiin tii ugu
adkayd ee aan inala tartanka ahayn ayeynu qaadanay ee
kombiyuurakeenna iyo korantadeenna marna hagaagta marna bakhtida la
shaqayn karaysay innagaa diidnay oo xataa wax ka iman doona la isma
weydiin oo waynagaa maanta dhex fadhina.
Diiwaangelintii nabad bay innoogu dhammaatay, khaladaad yaryarina
wuu jiraa, waana la saxayaa oo kombiyuutarka iyo dadkaa farsamadeeda
yaqaan ayeynu u daynaynaa, aniguna waxaan aaminsanahay weli waqti
badan baynu haysanaa uu liisku ku soo bixi karo, kaasaana ugu taako
iyo xatooyo yar, inuu fashilmana cidi yeeli mayso oo
deeqbixiyeyaashii 11ka milyan ee dollar ku bixiyey ayaa daba taagan,
arrintuna waxay gaadhaysaa ilaa xarunta Midowga Yurub ee Brussels,
xataa in talo laga yeesho oo la yidhaa bilaa diiwaangelin baannu
iskaga qabsanaynaa may dhicin, walaaca badanina waqtiga wuu kaa
lumiyaa, waxbana kuuma soo kordhinayo, waana ta maanta ina haysata,
talada habboonna ma heli kartid mar haddaad walaacdo.
La soco qaybo aad u xiiso badan oo Axmed Xaaji Cali kaga warami
doono qaabka loo maali karo goobaha codbixinta, sirta komishankii
hore u sahashay guulihii taariikhiga ahaa ee guddo iyo dibadba lagu
ammaanay iyo qodobo kale oo nuxur badan xambaarsan.
Jamhuuriya Online
|