Guddigii Xeerbeegtiga ee Xallinta Khilaafka Kulmiye oo soo Saaray Qoddobo ay Xal u Arkeen

 


Ergadii dhexdhexaadinta garabyada is khilaafsan ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa soo saaray go,aamo ay u arkeen inay xal keeni doonaan, isla markaana lagu soo afjari karo khilaafka muddada soo taagnaa.

Guddigan dhexdhexaadinta oo uu hoggaaminayo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo labadii toddobaad ee u dambeeyey ku hawlanaayeen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka hadheeyay xidbiga KULMIYE, ayaa soo saaray go,aamo ay hordhigeen labada dhinac ee is haya, kuwaas oo ergadu markii ay muddo ka baarandageen, isla markaana ay dhegaysteen doodaha labada dhinac waxay soo saareen qoddobo, kuwaas sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijieen ilo xog-ogaal ahi ay ka mid yihiin;


- In raaligelin la siiyo garabka uu hoggaaminayo Cabdiraxamaan Aw Cali Faarax ee ka cadhooday natiijada ka soo baxday shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga ugu qobsoomay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.


- In barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiga wax laga beddelo


- In la dheellitir lagu sameeyo Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE.


Qoddobadan oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn mowqifyada ay ka qaateen labada garab ee xisbiga KULMIYE, ayaa haddana sida ay wararku sheegayaan waxay guddigu wadaan kulamo gooni-gooni ah oo ay damacsan yihiin sida ay dhinac kasta ugu qancin lahaayeen qoddobada ay soo saareen. Waxaanay Guddiga Dhexdhexaadintu xalay kulan gaar ah la yeesheen garabka uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kaas oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii loogu qancin lahaa qoddobada guddigu soo jeedisay.






Jamhuuriya Online