Guddigii qabanqaabada xuskii18 May ee UK oo shir jaraaŽid
ku qabtay London




London (TNN):-Shirkan jaraa?id ee ay guddigu qabteen xalay (17/06/13) ayey si rasmi ah ugu soo bandhigeen xisaab-xidhkii munaasabaddii 18 May ee sandankan lagu qabtay Garoonka kooxda kub adda cagta ee Barnet ee ku yaalla woqooyiga London.

Guddoomiyihii guddiga qabanqaabada isla markaana ah Safiirka Somaliland mudane Cali Adan Cawa ale ayaa hadal uu madasha ka jeediyey ku iclaamiyey soona bandhigay cadayn (receipt) in guddig u lacag dhan $11,953 una dhiganta ?7,739 Giniga Sterling ah ugu direen Shiikha reer Somaliland ee caanka ah Sheekh Maxamed Cumar Dirir xafidahu LAAH. Safiirku waxa uu sheegay inay shiikha oo ay xidhiidh la sameeyeen u wakiisheen inuu lacagtaa gaadhsiiyo Agoomaha iyo derbi-jiifka Somaliland.

Waxa kale oo uu safiirku si weyn ugu mahad naqay guddigii qabanqaabada 18 May oo uu sheegay inay si qarannimo iyo sharafi ku dheehan tahay u guteen waajib qaran oo culus, dawlad iyo shici bna loo baahan yahay in loo mahadnaqo. Waxa kale oo uu safiirku u mahad naqay Jaalliyadda reer Somaliland sidii qiimaha lahayd ee ay u sharfeen maalinta qarankooda.

Waxa iyaguna goobtaa ka hadlay mudane Iimaan Maxamed Ciise, marwo Amaal Suleymaan Diriye, iyo mudane Maxamed Cumar Maygaag oo ka mid ahaa guddiga oo faahfaahin ka bixiyey hawshii cuslayd ee 18 May iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Iimaan Maxamed ayaa ku dheeraaday isku duubnidii iyo wada shaqayntii guddiga ee ay saacadaha badan isugu xilqaameen si ay u suura geliyaan munaasabad qurux badan oo laysla qiray inay ahayd tii dalalka dibedda ugu wacnayd, waxa uu hoosta ka xarriiqay inay markii u horreysay reer UK u suura gashay munaasbad carruur iyo cirroole laysku arkay oo dhallin yaradii reer Somaliland ee qurbaha ku dhashay maanta garanayaan 18 May waxa ay tahay. Arrintaas oo uu yidhi waxay noqtay himilo rumoday.

Amaal Diiriye ayaa iyana ku dheeraatay kaalinta ay jaalliyaddii Somaliland ee soo camirtay madashu ku lahaayeen quruxda munaasabaddii 18 May ee London, taas oo aanay la?aantood sidaa u dhacdeen, waxanay aad ugu mahad naqday dadweynihii iyo wufuuddii kala duwaneyd ee soo muuneeyey maalintaa qaaliga ah.

Maxamed Cumar Maygaag ayaa isna si ballaadhan uga hadlay dhinaca xisaabta, dakhligii iyo khara shkii baxay isaga oo soo bandhigay xisaab sar-go?an oo ka turjumaysa dhakhli iyo khyarash iyo xa asilkii soo baxay. Waxa uu Maxamed soo qaatay munaasabad hore oo ay qabanqaabiyeen oo khas aare badani soo raacay, isagoo xusay inay ALLA mahaddii tahay inaynu qabsannay munaasabad wanaagsan oo weliba dan-yarteenii ku caawinnay $12,000. Loona baahan yahay in la dhiirri geliyo inta hor alla ummadda ugu adeegaysa, lagana dhawro xanafta iyo xajiimaynta.





Allaa mahad leh,


Guddigii qabanqaabada 18