Guddiga doorashada Somaliland

 


 

Hargeysa (Timacade News)-Guddiga doorashooyinka somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay heshiis la galeen sharikad caalami ah oo Britain deggan si ay u saxdo liiska diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada ee mudada dheer  muran ku ka taagnaa .

Shir jaraa'id oo maanta ay ku qabteen Hargeysa gudigaasi kadib markii shalay ay ka soo laabtay magaalada Adis-ababa ayaa waxa Afhayeenka gudigaasi caddeeyay in sharikadda magaceedu yahay {Electrol reform services  internati onal}.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed saciid Cige ayaa wareystay afhayeenka guddiga doorashooyinka somaliland Maaxamed Axmed Xirsi.

Afhayeenka Maxamed Axmed Xirsi Geelle wuxuu sheegay in markii ay eegeen CV-yada dhawr sharikadood ay doorteen sharikaddan oo dhakhso u imaneysa ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in shaqada sharikaddani noqoneyso inay deristo oo kala  shaan dheyso liiskii diiwaangelinta codbixiyaasha oo wixii khalad ah ay ka saarto. Afh ayeenka oo aan weydiiyay hay'addii hore ee Interpeace ee wakiilkeedii  hargey sa hore looga eryayay ? wuxuu sheegay in interpeace ay ku heshiiyeen inay xagga logistikada ka taageerto guddiga doorashooyinka .

Wuxuu kaloo sheegay in intii ay joogeen Adis-Ababa ay la kulmeen deeq-bixiya asha doorashada somaliland , isla markaana ay soo qaateen tababar ku saabsan siyaabaha doorasho xor ah oo xalaal ah loo qabto.

Sida laga warqabo , hore ayaa xisbiyada somaliland ugu heshiiyeen in la keeno khubaro caalami ah oo saxa liiska diiwaangelinta codbixiyaasha , kadibna guddiga doorashooyinka ee cusubi ku dhawaaqaan maalinta doorashada madaxtooyada .



Source:BBC