Guddiga Dhexdhexaadinta KULMIYE oo Markii ugu Horreysay isa soo Hor fadhiisiyey Labada Garab

 


Guddiga loo saaray xallinta khilaafka labada garab ee xisbiga KULMIYE, ayaa markii ugu horreysay si fool-ka-fool ah xalay isu soo horfadhiisiyey dhinacyada ismaandhaafku u dhexeeyo, kadib markii ay habeennadii la soo dhaafay kulamo goonni-goonni ah la labada geesood.

Ilo ku dhowdhow kulankaas ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in fadhigaasi ku dhacay jewi fiican, isla markaana dhinacyada ka muuqatay inay diyaar u yihiin xal dhexe oo lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya, iyadoo guddiga dhexdhexaadintu labada geesood ka dhegaysteen afkaarahooda iyo sida ay u arkaan xal-u-helidda ismaandhaafka hadheeyey xisbiga KULMIYE gudihiisa.

Dhinaca garabka uu hoggaamiyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa la sheegay in ay ku adkaysteen in dib loogu celiyo shirkii golaha dhexe KULMIYE ee ismaandhaafku ka unkamay, isla markaana la qabto shir kale oo khilaafka lagu xalliyo, halka dhinaca Guddoomiye Axmed-Siilaanyo horkacayaana ay fikraddaas diidan yihiin, soona jeediyeen inay aqbalayaan wixii aan ahayn shirkii golaha dhexe oo lagu celiyo.

Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay guddiga dhexdhexaadinta iyo labada dhinac toona, balse waxa la filayaa in xeer-beegtidu markay dhammaystaan wadatashiyada soo saari doonaan go'âaanka kama dambaysta ah ee ay ka gaadhaan xallinta khilaafka u dhexeeya labada garab ee xisbiga KULMIYE.

 




Source:Jamhuuriya Online