Guddiga Dhaqaalaha
Wakiilada Oo Wasiirka Duulista Wax Ka Waydiiyay Sharciyada U
Fasaxday Lacagaha Sharci Darada Ah Ee Lagu Qaado Madaarada
Kulanka guddiga dhaqaaluhu la yeesheen wasiirka duulista iyo hawada
oo ka qabsoom ay xarunta golaha wakiilada, isla..........
Hargeysa (TNN) - Guddiga dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa
shalay wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi kulan
xogwaraysiya kala yeeshay sharciya da u fasaxday lacagaha Madaarada
dalka dadka ka dhoofaya lagaga qaado iyo halka ay ku baxdo, taas oo
ilo wareedyadu sheegeen in wasiirka duulistu lacagaha $10 ee laga
qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo dagaya uu sheegay inaanu
garanaynin halka lagu isticmaalo.
Kulanka guddiga dhaqaaluhu la yeesheen wasiirka duulista iyo hawada
oo ka qabsooma y xarunta golaha wakiilada, isla markaana ay
albaabadu u xidhnaayeen ayaa ilo wareed yo u dhuun-daloola
kulankaasi ayaa Haatuf u xaqiijiyay in wasiirka duulistu uu dhinac
isk aga leexiyay qaadista lacagta $10 iyo halka ay ku dhacdo, taas
darteedna ilo wareedya du tibaaxeen in wasiirku guddiga dhaqaalaha
wakiilada u sheegay in cidda qaada lacagt aasi uu todobaadkan usoo
gudbin doono, golahana hor keeni doono si loo sharciyeeyo lacagtaasi
$10-ka dollor ah.
Waxa kale oo wararku intaasi ku dareen in wasiirka duulistu sidoo
kale guddiga dhaqaal aha u balanqaaday in lacagaha $1 dollar ee laga
qaado gaadiidka galaya Madaarka uu golaha horkeeni doono maalinta
Salaasada si goluhu go’aan uga gaadho xalaalaynta lac agahaa qayrul
sharciga ah ee uu ku soo rogay Madaarada Berbera iyo Hargeysa.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|