GUDDIGA AFDUUBTAY SHIRWEYNAHA KULMIYE WAXAY KU TUSAYSAA...

 



Waxa soo ifbaxaysa arrimo hoosta ka socday oo fariid mooye aan dadweyne fahmin. Waxa mu u qata balan laga baxaayo oo sidii gashanti wiil balan la gashay laga warwareegayo. Waxa ka ma qan MNadaxtooyada ku dhac iyo geesinimo. WAxsa se ka daran sida ay kolba u halaan mid maq iiqan oon wax arag bal se ku hawl gala wax qayrkii u sheego oon miisamin siyaasadda iyo kolka ruux balan lala galay la bshi furayo isgana balan kii oo kale ah loo dhiibaayo.

Aan caddeyo. Waa ayo Abuukar Xaamud Jibriil...waa wiil ay walaalo yihiin Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Tacliinta, waana qurbo joog. Haye ma yahay nin kala saari kara oo soo xuli kara 801 xubnood oo degmo, reer iyo jilib loo eegaayo. Ma yahay nin kala yaqaan xisbiyah anka iyo afmiinshaarka ma yahay nin oday dhaqmeedka yaaqan ooy u soo joogsanayaan. Waa maya/ Waxa loo keenay waa boo dh ku qarin cidda habeenkii wax u sheegaysa, Waxuu noqona yaa xaalka Madaxweynaha oo kale oo dhab aan u ogaaday inuu yahay nin xataa musharaxnima diisa u madax banaanayn oo cidi dabada ka riixeyso. Waxa ley sheegay inuu habeenkii xataa ilmo ka timaado oo uu naftiisa hiifo, sida caruurtana ilmada laga biiyo.

Maxa u diidan in la helo cid ku haboon shaqada loo dhiibo, maxaa loo magacabi waayey kuwa ha lka dambe fadhiya. Waa nuqul ka turjumaayo dhalnteedka ay Soomaliland gashay.
Doqonniimo waxa ka daran hunguri weyne kaa dhigta ruux aan arag wax kale oon ahayn hilib geed saaran oo qodax, misbaaro iyo hadardaamo badan ka sokeyso.. Xataa iska gur ma garana ayo ee waxuu ku haliilayaa hunguri aanu calaf doonin.

Sheekh Samaale waxuu taariikhda u galay ninkii isagoo imaam masjid ah ka doortay siyaasad. Waa wanaag laakiin waxu noqday nin qowlka Alle u isticmala siyaasad been ka sheega oo isag oo musuq gacmaha kula jira isku marag fura. Waxa ku dhacay hunguri aan dhergeyn ilaa uu god galo. Waxa uu ku keenay Beesha Sacad Muuse dhib ayna ka soo bogan karin boqol sano. Nin 30 sano hawl iyo dhib kasta ummadda la soo maray oo beeshu ku raacday inuu noqdo tarta maha madaxtooyada sida ku cad codbixintii reerka ee Golaha deeganka, nin dhib iyo dheefba la wadaagay bulshada Soomaliland muddo sodon sano ah, ayaa laga horkeenay sidii Madaxweyne Siilanyo uu uga bixi laha balankii uu galay. Ayaan darro waxay tahay balanka Samaale LA GALA Y OO AH MID DOQON MOOYE AAN CID KALE QAADATEEN

Samaale waxa la yidhi Muuse Bixi meesha ka saar oo hoganka xisbiga noqo  musharaxnimadana Siilanyo iyo Saylici mar labaad ha noqdaan..adna shanta sano cusub dabadeed noqo mushara xa. Waa sida Samaale u sheegay inta ugu dhow. Dil inaadeerka oo balankan mid la mid ah loo sheegay mar hore kolkay bislaatayna adiga Saamle ahaan laguu adeegsaday.

Waa halka uu Ina Xaamud Jibriil ka soo galay oo ah inuu Siilanyo iyo Saylici soo noqdaan. Xulist ana waa mid laga soo xuli doono Madaxtooyada oo wiilkan reer Kanada (Canada) waxba soo xuleen. Waa waraabe u taag. Bal eeg cidda ku-XIGEEN U AH. Wa Bukhaariye oon Kulmiye marna ku abtirsan. Hadda guddiga waxa ka buuxa ruug cadda xildhibaano la soo doortay magaca Kulmiye ah.

Waxa cad in Siilanyo yahay nin dimuquraadiyada ka aradan, nin waxuu xalaal ku heli lahaa ka jecel xaaraan, nin dhaqan xuma uu lahaa ku soo noqonayso aakhira cumrigiisam. Nin qas iyo qalalaase bulshada dhex dhiga, laaluush iyo xadhig ummadda ku hogaamiya. Nin aan balan ka xidhmin, abaal lahayn, saaxibka ka jecel cadowga. Ninba nin cunsiiya.

Muran aan dhammaanayn iyo balaayo iyo barkhad lagu murmo. Habar Jeclo kheyr uma hayo, waxuu ku mashquuliya difaac ay ka galaan kuwa uu isago maalgaliyo ee reeraha kale ah ee uu ku yidhaahdo Habar Jeclo caaya, qaladkeyga reer ka dhiga. Waxaan mar dambe sheegi inuu isagu maal siiyo kuwa Habar Jeclo caaya.

Ku habaarimaayo Madaxweyne oo xumantada ma jecli wee is dabo qabo oo xalaasha ku doono waxaad rabto. Macaansiga xumanta iyo xaaranta Alle ha kaa reebo.

 

 


Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com