Guddidii Madaxweynuhu U Magacaabay Siyaasadda Miisaaniyadda 2013 Oo Shaqadoodii Bilaabay
 

 


Guddidan oo ka kooban sideed Wasiir, Guddoomiyana uu u yahay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicaiis............


Hargeysa (TNN) - Guddidii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyoka dhex magacaabay Golihiisa W asiiradda ee Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka 20130-ka loo saaray ayaa maalmihii ugu danb eeyay kulamo joogto ah oo ay ku Jaan-goynayaan Qorshaha Miisaaniyadda u fadhiya Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.

Guddidan oo ka kooban sideed Wasiir, Guddoomiyana uu u yahay Wasiirka wasaaradda Maaliy adda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirka Gana csiga, Duulista Hawada, Qorshaynta, Hawlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha ayaa maalintii sa dexaad galay, waxaanay kaga doodayaan sidii ay sanadka 2013-ka u soo saari lahaayeen qo rshe Miisaaniyadeed oo lagu saleeyo dhinaca Horumarka iyadoo aanay Miisaaniyadihii hore ka muuqan jirin.

Inkasta oo aan kulankaasi saxaafadda loo ogolay hadana ilo wareedyo Waaheen ka heshay Xog dheeraad ah ayaa u sheegay inay Wasiiraddu ka duulayaan sadex Arrimood oo kala ah in Siyaasad cad oo lagu dhaqmo loo sameeyo, in Dakhli soo saarka la xoojiyo iyo in Kharashaad ka lagu saleeyo bixintiisa waxyaabaha Daruuriga ah oo ay kow ka tahay in laga fuliyo Dalka M ashaariic Horumarineed, si dadweynaha loogu celiyo wax qabad.

Wallow aanay ilaa hada Xukuumadda Somaliland horgeynin Golaha Wakiiladda Odoroskii Miisaa niyadda sanadkan oo ay ahayd wakhti hore in la geeyo, hadana Wasaaradda Maaliyadda Som aliland waxa bishii u danbeeyayba u socday qorshayaashii lagu sar-goyn lahaa Dakhliga iyo Kh arashka.

Labadii sano ee ay Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo talada haysay waxa la kordhiyay Dakhliga Dalka, oo ay xukuumaddu ku faanto inay soo baxeen, bal se ilaa hada ma jirto Xisaab Xidh la geeyay Golaha Wakiiladda Somaliland oo isagu awood u leh Hubinta isticmaalka iyo Helitaanka Odoroska Miisaaniyad sanadeed kasta.

Iyada oo ay sidaas tahay, ayaa hadana waxa lagu wadaa sanadkan in ay korodh kale Xukuum adda Somaliland ku samayn doonto tiradii kal hore ay Mala awaaleen, waxaanay u muuqataa sida ay wasaaradda Maaliyaddu sanadkan gudihiisa ku dooday dhawr jeer in uu soo baxay Da khligii la filayay.

Balse ilaa hada ma jirto tafaasiil dheeraad ah oo laga bixiyay Dakhliga soo baxay halka uu ka yimi iyo Korodhsiimada la filayo sanadkan laftigiisu halka ay ka soo bixi doonto.

Source:Waaheen