Guddidii Loo Magacaabay Xaaqiiqo Raadinta Dhacdadii Ciidamadii ONLF
Kaga Soo Degeen Xeebaha Somaliland Oo Warbixintoodii U Gudbisay
Madaxweynaha Iyo Talooyin Ay Soo Jeediyeen
Hargaysa (TNN)- Guddoomiyaha Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u
magacaabay inay xaqiiqo raadin ku soo sameeyaan sidii ay ciidamaddii
ONLF tu uga soo degeen xeebaha galbeed ee Somaliland Axmed X Cali
Cad ami oo ah wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo xubnaha
guddidaasi ayaa warsaxaafadeed ay caawa si wadajir ah u qabteen ku
cadeeyay inay warbixintii ay ka soo ururiyeen deegaankaasi u
gudbiyeen Madax weynaha isla markaana ay u raaciyeen
Talooyinka ay u arkaan inay daruuri tahay in la qaado
Wasiirka Gaashaandhiga Mr: Cadami ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay inay
ahayd mid Sir ah oo ay ciidama dda ONLF tu adkeeyeen isla
markaana ay adkayd sida loo ogaadaa, isagoo intaa raaciyay inay u
sii fudud aysay koox reer Somaliland ah oo uu ku tilmaamay
inay ahaayeen Bidhiidh-qaatayaal sharaftii dalkooda siistay lacag ay
ugu adeegayaan Ciidamadaas cadawga ah, kuwaasoo uu sheegay inay u
diyaariyeen Sah an adag iyo Isgaadhsiin Qarsoon
Mr: Cadami waxa kale oo uu sheegay fursada ugu weyn inay ka heleen
Tayada iyo Tirada Ciiddamadda So maliland ee degen labada Gobo
lee Awdal iyo Selel oo uu sheegay inaanay ahayn Ciidan ahaan kuwo
leh a wood ay ku horjoogsan karaan cadaw sidaas u foojigan,
isagoo intaa ku daray inay kooban tahay gooba ha ay ka
kantaroolaan dalku
Sidoo kale waxa uu sheegay in la majara habaabiyay Ciiddamadda
Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba oo goo baha loogu sheegay inay
joogaan maahee meelo kale la geeyay, tusaale ahaan goobta laga
dajiyay waxa y ahayd meel 70 KM u jirta Saylac, waxaanay
galeen meel Buuralay ah oo ay sadex cisho kaga nasan aye en
daalkii tababarka iyo kii Safarka ay soo galeen ee dhinaca badda
ahaa
Arrimahaasi oo dhan marka la isku daro waxa uu sheegay guddi ahaan
maadaama waajibaadkoodu ahaa uun in ay soo xaqiijiyaan sida ay wax u
dhaceen waxa uu sheegay inay u gudbiyeen Madaxweynaha, una raaciyeen
Talooyin muhiim ah oo ay ugu weyn tahay dhismaha Ciidamadda
Somaliland ee jiidahaasi si ay u ga feejignaadaan cadawga
Source: Waaheen
|