Guddida Sare ee Jaamacadda hargeysa oo Shaaciyay Gudoom iyaha ku Guulaystay Hogaaminta Jaamacadda Hargeysa.

 



Cabdi Xuseen Gaas waxa uu muujiyey aqoonta, waayo aragnimada iyo hogaaminta looga baahan yahay Guddoomiye Jaamacadeed......



Hargeysa (TNN)-Guddida Jaamacadda Hargeysa oo la magacaabay horraantii sanadkan si ay u gudo galaan horumarinta Jaamacadda , soo xulista guddomiyaha jaamacadda, iyo dib u eegista arrimaha dhaqaalaha jaamacadda ayaa waxay muddo dheer ku guda jirreen ka gun gaadhista arrimahaas.

Waxa xulashada Guddoomiyaha Jaamacadda lagu soo xayeysiiyey saxaafadda. Waxa soo doontay ja gadaas markii hore 21 qof. Waxa ay qaarkood noqdeen kuwo buuxin waayey shuruudihii laga doona yey.

Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo eegayesa danta jaamacaddu waxay go'ansatay inay mar labaad dib u xayeysiiso si ay dad kale fursad ugu helaan jagadaas.

Muddo ayaa guddidu ku jirtay kala shaandhaynta dadkaas jagada guddoomiyaha soo doontay. Waxa la sameeyey kala reebis, iyadoo waraysigii ugu dambeeyey laga qaaday shantii qof ee buuxisa y shuruudihii aqooneed, waayo aragnimo iyo farsamo ee looga baahnaa.

Sidaa daraddeed, waxa jagada guddomiyaha Jaamacadda Hargeysa tartankii loo galay ku guuleyst ay Dr. Cabdi Xuseen Gaas.

Dr. Cabdi Xuseen Gaas waxa uu muujiyey aqoonta, waayo aragnimada iyo hogaaminta looga baahan yahay Guddoomiye Jaamacadeed. Wuxuu haystaa shaqahaadadda Ph. D. in Education (Shahaadad da Bare ama waxbarasho ee ugu sarreeya), Masters in Management (Maamulka iyo Maareynta) iyo Accounting degree (Xisaabaadka) isagoo qaatay liisanka xisaabaadka ugu sarreeya ee loo yaqaan Certified Public Accountant (CPA).


Wuxuu in badan ka soo shaqeeyey xarumo waxbarasho oo kala duwan, isla markaana noqday ninkii keliya ahaa ee jinsiyada madow u dhashay, muslimka ah ee guddoomiye waxbarasho ka noqday qay b ka mid ah gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.


Isagoo dib u habayn ku sameeyey xarumo waxbarasho, waayo aragnimo badana u leh toosinta xar umaha waxbarashada. Mareeye sarena ka noqday hagidda waxbarashada iyo miisaanayadeeda qa yb ka mid ah gobolkaas.


Guddida oo ku qanacsan dhammaan arrimahaas la soo sheegay, isla markaana tartan siman u soo b andhigay aqoon yahankii jagadan soo doontay, waxay ogeysiinayaan bahda waxbarashada, gaar ahaan inta danaysa Jaamacadda Hargeysa in Dr. Cabdi Xuseen Gaas loo xushay jagada Guddoomiya ha Jaamacadda Hargeysa oo dhowaana xilka la wareegi doona



Wixii faahfaahin ah oo intaa dheer fadlan la xidhiidh

Magan Ibrahim

La taliyaha Arrimaha Shaqaalaha iyo Maamulka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

magannews@gmail.com