Guddida Doorashooyinka Ee Cusub Oo Doortay Guddoomiye Iyo Ku Xigeen
 

Hargaysa(Longlivesomaliland News)-Kulan ay maalmahanba lahaayeen  xub naha cusub ee guddida Doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah ugu  dhaw aaqay inay guddoomiye u doorteen Eng: Ciise Yuusuf Maxamed,guddoomiye ku xigeena waxay ugu doorteen Cali- Khadar Xasan Cismaan sidoo kale  wa xay u doorteen Raabi Shariif Cabdi Maxamed iyo Cabdifataax Ibraahim  Xas an inay noqdaan guddoomiyaha iyo ku xigeenka Diiwaangalinta oo ah  Mash ruuca ugu balaadhan ee laga sugayo inay wax ka qabtaan.

Warsaxaafadeed ay ka soo saareen go'aanka ay gaadheen ayaa u dhignaa sidan:

Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyaga oo dhawraya Shuruucda u degsan gudida oorashooyinka Qaranka,isla markaana wada tashi balaadhan ka yeeshay hab dhismeedka, Gudida ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 1 November 2009, Go'aan wadareed oo ay ku dheehan tahay niyad sami iyo isu tanaasul ku gaadheen inay iska dhex Magacaabaan Gudoomiyaha, Gudoomiye Xigeenka Gudida Doorashooyinka


Xilalkan waxa loo igmaday:

1. Gudoomiye: Ciise Yuusuf Maxamed

2. Gudoomiye ku Xigeen: Cali-khadar Xasan Cismaan



Gudidada Doorashooyinka Qaranka

1. C/fataax Ibraahim Xasan

2. Raabi Shariif Cabdi Maxamed

3. Faarax Abiib Aadan Faarax

4. C/raxnmaan Maxmed Ismaaciil ( Dixood)

5. Maxamed Axmed Xirsi Geele

6. Ciise Yuusuf Maxamed

7. Cali Khadar Xasan Cismaan

 


Source:Waaheen