Guddida
Doorashada oo ka hadlay Kaadhadhka codaynta ee cusub iyo sababta
keentay in la sameeyo
Hargeysa March 9th,2010 (TNN)-Guddida
Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka h adlay Kaadhadhka cusub ee
la sheegay inay dhawaan u samayn doonaan in lagu galo Doorashada la
filayo inay dalka ka dhacdo.
Afhayeenka Guddida Doorashada Somaliland Axmed Maxamed Xirsi (Geelle)
oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in muddo
laba toddoba ad ah ay ku mashquulsanaayeen dhismaha Guddiyada
gobollada ee Komishanka Doorashooyinka, isla markaana ay hadda
dhammeeyeen dhismahooda. “IInkasta oo ay soo baxeen khaladaadyo
yar-yar oo aan badnayn, haddana guddiyada aa nu dhisnay waanu
isla qaadanay Axsaabta Siyaasadda oo waanu isku waafaqn ay.”
Ayuu yidhi Afhayeenka Guddida Doorashooyinku.
Afhayeenku wuxuu sheegay in Kaadhadhka cusub ee ay samaynayaan ay
iyagu xaq u leeyihiin samayntooda, isla markaana ay kala tashadeen
Axsaabta iyo Wa saaradda arrimaha gudaha Somaliland. waxaanu
xusay in Kaadhadhkaas la siin doono dadka ku soo baxa Liiska saxda
ah ee kala-shaandhaynta dadkii isdiiwaa ngeliyey. “Waxaanu
Kaadhadhkan u samaynaynaa si loo helo Doorasho xor iyo xalaal ah
waxa daruuri noqotay in la helo Kaadhadh cusub, waxaana samaynta
Kaadhadhka u tartamay Shirkado kala duwan oo ay ku jiraan kuwo
Somaliland laga leeyahay, hase ahaatee waxa ku guulaystay Shirkad
Ajaanib ah.” ayuu yid hi Afhayeenku.
Mar la waydiiyay Afhayeenka Magaca Shirkadda ku guulaysatay samaynta
Kaa dhadhka iyo dalka laga leeyahay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu
yidhi, “Shirka dda waxa la yidhaahdaa Face Technology, waxaana laga
leeyahay dalka Koonfur Afrika.”
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayay waqtiga ay qaadan doonto
kaadh-samayntu, wuxuu sheegay inay qaadan doonto muddo bil ah, isla
markaana aanay dib u dhigi doonin Doorashada.
Source:Somaliland.Org
|