Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafka Siyaasadeed Oo Hog gaamiyeyaasha Axsaabta U Soo Bandhigay Qodobo La Filayo Inay Gundhig U Noqdaan Go’aankooda

 

Hoggaamiyeyaasha Mucaaridka Oo Ka Biyo Diiday Qodobada Loo Soo Bandhigay Iyo Guddida Oo Sheegtay Inay Dib Isugu Noqonayaan

Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ee Somaliland ka taagan ayaa shalay kulan ay isugu yeedheen hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaranka UDUB, Daahir Riyaale Kaahin, UCID, Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxay u qaybiyeen qoraal ka kooban 18 qodob oo loo filayo inay gundhig u noqon doonaan go’aanka ay guddidani ka gaadhayso khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Ma jiro war rasmi ah oo ay guddidani ka soo saartay kulankaas shalay, sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada Axsaabta ee ay guddidu qoraalka u soo bandhigtay, hase yeeshee sida ay tibaaxeen ilo ku dhowdhow kulankaasi hoggaamiyeyaasha mucaaridka ayaa markiiba ka biyo-diidday nuxurka qodobada qoraalkaasi xambaarsanaa, taas oo keentay in kulanku soo geba-gaboobo kadib markii uu gudoomiyaha guddida dhexdhexaadintu sheegay in aanay guddi ahaan isku wada-waafaqsanayn qaabka loo soo dhigay qoraalkan, sidaas darteedna ay dib isugu noqonayaan guddi ahaan, waxaana loo balamay kulan dambe oo maalinta Salaasadda ah laysugu iman doono.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ah Haatuf heshay ayaa waxa qodobadiisa ka muuqda in qodobadii salka u ahaa khilaafka siyaasadeed ay sidoodii u sharciyeynayaan, isla markaana uu go’aankoodu noqon doonin mid ay ku qancaan mucaaridka.

Sida ku cad qoraalka guddidu u qaybisay axsaabta waxaa lagu sheegay in muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay sharci siddeeda ku ahaato. Hase yeeshee qodobada qoraalkan kama muuqato in isbedel lagu sameeyo muddada komishanku u cayimay inay dhacdo doorashada Madaxtooyadu. Waxa kale oo qodobadan qoraalkan ku xisan inaan muddo dambe loo kordhin xukuumadda si looga baxsado khilaaf dambe oo dalka ka dhaca.

Qaar ka mid ah xubnaha Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafaadka oo aanu xalay Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan nuxurka qoraalka ay hoggaamiyeyaasha axsaabta u qaybiyeen, balse waxay xaqiijiyeen inuu jiro qoraalkaasi, waxaanay sheegeen inuu yahay qoraal raf ah oo ay ugu talo-galeen inay muddo 24 saacadood ah ku soo dersaan dhinacyada ay dhexdhexaadinayaan.

Qodobada qoraalkan oo 18 qodob ka koobani waxay iyagoo dhammaystirani u dhignaayeen sidan:

“Go’aano

1-In kordhinta muddada golaha guurtidu u kordhiyey Xukuumaddu tahay mid sharci ah oo lagu dhaqmayo ilaa October 2009

2-Inaan muddo dambe loo kordhin xukuumadda si aan khilaaf dambe dalka uga dhicin

3-Madaxwyenaha dawladda Somaliland isagoo adeegsanaya awoodiisa sharci waa inuu komishanka qaran ku riixaa sidii doorasho xor iyo xalaal ahi dalka uga dhici lahayd

4-Iyadoo dhinacyo badan walaac ka muujiyeen waxqabadka komishanka qaranka waxaanu soo jeedinaynaa inay Madaxweynaha, labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaridka iyo golaha Guurtidu dib u qiimeeyaan sidii loo toosin lahaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

5-In xilalka qaranka iyo awoodaha dawladda si siman loo isticmaalo, sida: a) xilalka qaranka, b) Maaliyadda, c) Gaadiidka iyo d) Awoodda ciidanka, e) Qodobada ka tirsan shanaad looma diidayo wixii dawladda sharci u siinaya adeegsigeeda, laakiin waa wixii u adeegaya xisbi gaar ah mid kalena lidi ku ah.

6-Waa in axsaabta mucaaridku ay ku ixtiraamaan masuuliyiinta qaranka xilka ay ummadda u hayaan.

7-Waa inay Saddex xisbi u madax banaanadaan hawl-maalmeedkooda xisbi, una madax banaanaadaan qabashada kulamada iyo banaanbaxyada iyadoo loo raacayo xuquuqda distoorku siinayo iyo xeerarka dalku.

8-in qof kasta oo muwaadin ah la dhawro xuquuqda aasaasiga ah ee uu siinayo dastuurku oo aan lagu xadgudbin

9-Cidda u tartamaysa jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenka waa inay dhawrto xurmada, sharafta iyo karaamada xilka ay u tartamayaan.

10-Curfiga dawliga ah ee lagu dhaqmo wuxuu ina farayaa in cidda u tartamaysa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen ay yeeshaan xasaanad iyo xurmo in la ilaaliyo ah.

11-Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah waa in si buuxda loo adeegsado bulshada rayidka ah (civil society), la marti-qaado goob-joogayaal caalami ah, ilaaliyaasha axsaabta la xulo isla markaana kor loo qaado awoodda waxqabad ee guddida ilaalinta iyo anshaxa doorashooyinka.

12-Natiijada ugu dambaysa ee serverka waa inay soo baxdaa wakhti siinaya Komishanka Qaranka, axsaabta iyo cidii kale ee ku lug leh doorashooyinka inay hawlahooda si buuxda ugu gudan karaan muddo ku filan.

13-Hab-dhaqanka Guddida Doorashooyinka waa inuu muujiyaa dhexdhexaadnimo, wada-tashi iyo wada shaqaynta axsaabta qaranka.

14-Guddida Doorashooyinku Qaranku waa inuu soo saaro qorshe-hawleedka uu doorashada ugu talo-galay si loola socdo hawlaha doorashooyinka.

15-Heshiisyada saddexda xisbi gaadhaan waa inay ahaadaan kuwo si buuxda loo ixtiraamo looguna dhaqmo, xisbi kastaana aanu noqon mid ka baxa marka uu danahiisa arki waayo.

16-In la sameeyo code of conduct

17-In la sii daayo dhammaan dadka la xidhay loona xidhay arrimo siyaasadeed intii uu khilaafka siyaasadeed taagnaa.

18-Heshiiskan waa inay wada saxeexaan saddexda xisbi qaran.

Magacyada guddida dhexdhexaadinta

1. Aadan Baxnaan Xirsi, Gudoomiye

2. Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), Afhayeen

3. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), Xubin

4. C/Qaadir Cali Xasan

5. Xuseen Cali Nuur

6. Aadan Xirsi Suge

7. Dr. Aadan Yuusuf Abokor
 




Source: Haatuf