Guddida Caddaalada Oo Isku Shaandhayn Ku Samaysay Guddoomiyayaasha
Maxkamadaha Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka

Guddida Caddaalada Somaliland ayaa qoraal ay maanta soo saareen,
waxay ku sheegeen isku shaandhaynta..............
Hargeysa (TNN) - Guddida Caddaalada Somaliland, ayaa isku shaandhayn
ku samaysay Gudd oomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada dalka qaarkood,
waxayna isku badashay Guddoom iyayaasha Maxkamadaha.
Guddida Caddaalada Somaliland ayaa qoraal ay maanta soo saareen,
waxay ku sheegeen is ku shaandhaynta lagu sameeyay Guddoomiyayaasha
Maxkamadaha dalka, gaar ahaan Gob olada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil
iyo Gabiley.
Qoraal uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaarada Caddaalada
Somaliland, ayaa u dhignayd sidan:
1. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda
Rafcaanka Gobolka Ma roodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.
2. Guddoomiyihii rafcaanka Saaxil Cali Suudi waxa laga dhigay
garsooraha maxkamadda rafca anka Hargeysa.
3. Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Maxamed
Xirsi (Beer-geel) waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda
Gabilay.
4. Guddoomiyaha maxkamada Degmada Hargeysa loo Magacaabay
Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid
5. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal
Cabdilaahi (Dhaga-dhago) waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda
gobolka Maroodi-jeex
6. Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex Cabdirashiid
Maxamed Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka
Gobolka Maroodijeex
7. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin
waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal
8. Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal waxa la geeyay Guddoomiyaha
Maxkamadda Gobolka Saaxil.
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|