Guddi
U Adeegaysa Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba Oo
Bayaan Soo Saartay
Bayaan Taariikh: 27/6/2009
3/6/2009 waxa magaalada Hargeysa lagu aasaasay guddi u adeegi
doon ta dadka maskaxda ka jirran iyo kuwa la mid ka ah. Guddigan oo
ka kooban waxgaradka bulshada ayaa hawshan u qabandoona si iskaa-wax-u-q
abso ah.
Hawsha Guddiga Waa:
1. Inay ka abaabulaan gudaha dalka dhaqaale loogu dhisayo dadka
dhiman Isbitaallo qaran oo aan qof iyo urur midna lahayn.
2. Inay mideeyaan deeqaha debedda ka imanaya iyo kuwa gudaha.
3. Inay sameeyaan qorshayaal lagu gaadhayo ujeedada ah sidii looga
bixilahaa hoy la’aanta iyo daryeel la’aanta haysata dadka dhiman.
4. Inay lixda magaalo ee ugu waaweyn Somaliland ka hirgeliyaan lix
Isbitaal oo u dhigma ama ka wanaagsan kuwa dadka fayoobi leeyihiin
ee jira.
5. Inay sameeyaan wacyigelin buuxda oo gaadha gudaha dalka iyo
debeddaba.
6. Guddigu wuxuu ku dadaali doonaa siduu u midayn lahaa maskaxda,
maalka iyo muruqa cid kasta oo si togan ugu hawllan danaha dadka
xanuunka dhimirka qaba.
Hawsha Guddiga Dadka Dhimani:
1. Maaha mid Urur/ NGO iyo wixii la mid ah.
2. Maaha qorshe gaaban oo gacan siinaya urur, koox, magaalo ama
gobol gaar ah.
3. Maaha mid leh dano gaar ah oo ka baxsan kuwa guud ee qaranka.
Soojeedin
-Guddigu wuxuu masuuliyiinta saxaafadda dawliga ah iyo ta
madaxabannaan ba u soojeedinayaa kana codsanayaa inay hawshan
daryeelka dadka xanuunka dhimirka qaba ka qaataan kaalinta kaga
aaddan, isla markaana siiyaan mudnaanta ay leedahay arrintoodu.
-Guddigu wuxuu dadweynaha u soojeedinayaa inay xil buuxa iska
saaraan sidii looga saari lahaa dadka xiskoodu dhiman silica iyo
saxariirka haysta.
-Guddigu wuxuu dadweynaha ka dalbanayaa in lagu dadaalo sidii loo
joojin lahaa tacaddiyada lagu hayo dadka maskaxdoodu dhiman tahay.
Magacyada Guddiga
1. Dr. Maxamed Siciid Gees
2. Xasan Cumar Halas
3. C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)
4. Siciid Axmed Maxamed
5. Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg)
6. Xasan cabdi Madar
7. Sahra Maxamed Maxamuud
8. Ismahaan Cabdisalaan
9. Ifraax Maxamed Cabdi Galbeedi
10. Jacfar Maxamed Gaaddaweyne
11. Maxamed Yuusuf C/raxmaan (Keyse)
12. Cali Jibriil Xirsi
La-taliyaha Guddiga
Guddiga waxa la taliyayaal u noqon doona:
1. Maxamed Cismaan Fadal
2. Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
3. Aamina Maxamuud Warsame (Milgo)
Wixii faahfaahina kala xidhiidh
samofal.dhimir@gmail.com
Maal22000@yahoo.com
|