G/Saaxil hadmay ka baxayaan Tacadiga  Maar eey aha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor)


Wakhtigan maamulka Somaliland ayaa waxa ka soo dhex mudhay  masuliyiin  no qday Badhasaabyo ka awood badan cid walba waxayna kaliftay in aanu jirin  qa nuun qaybta balse ay gaadhay in si aan la qiyaasi Karin ay qayb uga noqdaan tacadiga iyo gabood falka lagu hayo danyarta  masakii nta ah ee G/Saaxil  wax ayse sii damqaysaa uun bogta aan bogsiimaha  lah ayn ee Somaliland ka sii dhex qiiqaysa wali taas oo ah in aan xeerka  soma liland qaban dabri karin nin  masu ula maxaad u malayn….bal aynu dheeha no tusmada maanta

Akhristoow adoon mucarid iyo muxaafid midna u eegin malaga yaaba in sida ay wax u socdaan isbedel xukuumada riyaale lagu sameeyo aad u aragto mid  lag aga bixi karo waxaa ina haysta mase u muuqataa in awooda maanta ay is  bid iyaan Masuuliinta dabarka goostay tahay mid u baahan in dabar iyo hogaan  la gu xidho iyadoo ay qori doonta taariikhda ma guurtada ah balse tacadiyaada caynkan ahi aanay dalka dib ugu soo laaban, Somaliland meel looga dulqaato dulmigu way ka daashay Maanta.

Inta aanan gudogelin maqaalka kor ku xusan waxaan jeclaan lahaa in aan  maqa al kayga ku eego taariikhda G/Saaxil iyo halka uu asal ahaan xisaabsan yahay.

G/Saaxil waa gobol ka mida lixda gobol ee Jamhuuriyada Somaliland,waana gobol ku yaala cidhifka Waqooyi ee Badda Cas ,waana gobol ay dadkiisu la dhaqan  yih iin dadka kale ee ku nool gobolada jamhuuriyada Somaliland dulqaadkuna ku  ba dan yahay ,waana gobol ay ka soo baxdo Dhaqaalaha lagu hago Somaliland 90% ,waana gobol qiimo ugu fadhiya istaarijiyad ahaan Dunida gaar ahaana Geeska Afrika .

Hadaba hadaan intaa kaga gudbo G/Saaxil ,bal hada aynu dhugano faahfaahinta maqaal keena kor ku xusan, Sida aynu ognahayba G/Saaxil waxa ku  magaacab an xilalkiisa maamulo heer degmo iyo mid gobol masuuliyiin kale hadana waxaa  u u gacanta ugu jiraa maamulka G/Saaxil Mareeyaha Dekeda Berbera oo gacanta ku haya magaalo madaxda g/saaxil ee berbera iyo degmooyinkiisaba .

Maareeyaha Dekeda oo aad moodo Badhasaabka iyo maayarka Deg Berberaba ee idman ayaa Mareeyaha Dekeddu falalka tacadiga ee uu ku hayo shacab  wey naha reer saaxil ay yihiin wax laga naxo, Eng, Cali Xoorxoor ayaa u xuubsiibtay Hogaamiyaashii Muqdisho dhaqankoodii sida Maxamed Dheere iyo Maxamed  Qa nyare tan iyo intii maareeyaha dekada berbera uu gacanta ku hayay si toosa g/saaxil oo aan cidna ka qarsoonayn waxaa dadka reer saaxil haystay  dhiba atooyin farabadan,waxaana kamid ahaa dil layska dilo dad aan waxa galabsan kuwaas oo lagu khasbayo la shaqaynta maamulka taliye kooxeedka Cali  Xoor xoor .

Dadka marka la soo xidho awood uma laha cid kale inay ka hadlaan waxa lagu o dhanayaa waxuu uu u xidhanyahay Mareeyaha dekada ,, Booliska iyo  Maxkam aduhuna uma dhawaan karaan, aad ayeyna uga baqaan sidii hogaamiye  kooxe ed oo kale ,Waxaana iminka ku badan G/Saaxil dad aad u taageersan xisbiyada mucaaradka oo ay ku keliftay dhibaatada iyo tacadiyada uu u geysto  Mareey aha dekada Berbera , Shacabka Saaxil ayaa mar uun jecel in uu dhaafo  mareey aha dekada berbera.


Dadka dhibta ugu badani ka soo gaadho mareeyaha dekada waxaa u fuliya  ade egaha Taliyaha Saldhiga Dekeda Berbera Maxamuud Jibriil Cabsiiye oo isagu  sa meystay oo aqoon ka madhan oo aan lagu soo magacaabin sifo sharci ah(Taliska G/Booliska JSL)ahna nin uu jahligu ku dulburburay oo ah sababta kaliftay inuu adeego noqdo ,iyadoo ay sii kordhayso tacadiyada ka socda G/Saaxil waxaana sanad kii dhawaaa keliya ka dhacay dilal iyo dhaawacyo fool xun oo ay gaysteen maamulka dekada una gaysteen shacabka Saaxil , waxaana dhibta badan ee gaadha shacab ka Shacabka Saaxil u gaysta taliyihiisa malayshiyo kooxeedka ka amarqaata isaga hadaba malayshiyada dekeda ayaa si naxariis daro ah ula  dh aqanta shacabka Saaxil ku nool.

Waxaa jira xadhig joogta oo markasta ka dhaca iyo dhibaatooyin ay qabaan  sh acabka saaxil shaqaale , arday iyo dhaliyaro ay ku xidh xidhan yihiin xabsiyada maamulka Saaxil ,kuwaas oo aan waxba gaysan oo loo taxaabay uun  jeelas ha,iyadoo lagu eedaynayo sifo sharcidaro ah iyo waxbay ka sheegeen .

Waxaa kaloo ka mida dhibaatooyinka laxaadka leh ee haysta shacabka Saaxil in aan loo ogolayn in saxaafadu ay runta ka sheegto waxaa ka dhacaaya Berbera iyo guud ahaan G/Saaxil oo uu ku haysto xafiiskiisa kuna guneeeyo mareeyuhu (Taliye Kooxeedka Saaxil) xili kasta oo uu u baahdo sida weriyaha maandeeq tv qaranka ee saaxil oo aan loo ogolanyn in wax ka soo horjeeda maamulka in ay baahiyaan taas oo ay u soo tebiyaan waxii raaligelinaya isaga isla markaana aan ogolayn wax ka soo horjeeda maamulkiisa in ay baahiyaan .

Waxaa xusid mudan in shacab saaxil ay jecelyihiin Somaliland ayna awood u  le eyihiin inay ka jawabaan tacadiyada uu ku hayo maamulka Cali xoorxoor , balse ay u af-duuban yihiin awood sheegashada awooda qaranka ee uu gacantiisa ku fushanaayo, dadka Saaxil ayaa hadaba waxaa ay sugayaan goorta ay ka  baxay aan gacanta Taliye Kooxeedka G/Saaxil Eng, Cali Xoorxoor.

Waxaana dhici karta in maalin maalmaha kamid ahna ay soo gaadhi doonto cid ka dulqaada dulmigaas fircooniga ah uuna yimaado mid wanaagasn oo aan  og olayn in shacabka saaxil tacadiga intaa leeg lagu sameeyo, una soo celiya sh araftoodii , xuquuqdoodii ,karaamadoodii iyo xoriyadoodii, hadaba waxaan intaa ku soo gunaanudayaa maqaalkaygii ahaa dadka reer saaxil hadmay ka  baxa yaan tacadiga maamulka maareeyaha Dekedda ????, halkan Kuma soo koobi karno xad gudubka iyo tacadiga ka socda G/Saaxil.

Waxaan ognahay in dad badan ay ciil la duuduubanyihiin sugayaana xili xiliyada ka mida lakiin iminka ay dibnaha qaniinsan yihiin , sugayaana waqtigeeda uu mareeyuhu noqdo qof caadiya .

By Written,Jama Ahmed Dirir Iyo Sead Farah Khalaf.Berbera Somaliland