Goolaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku waxay nasteexo u yihiin Xukumadda Axmed "Siiraanyo"





Waxa aynu isku dayi doonnaa in jiho cusub aynu ka cabirno amma aynu ka sahmino oo ka duw an argtiyihii kalla duwan ay badiba inta af iyo waji ku macaashku ka bixiyeen "Goolah wada tash iga iyo toosinta qaranka". Doodaha laga daalay iska soo daba burqanaaye ay xukumaddu u arag tay dan amma awood ay kulla tacaali karto goolahan ay dantu keentay kunna soo beegmay wak hti loo baahna waxaa ka mid ah goolahani sharci maaha,waa goole wadda qalalaase,wixii aynu k a soo gudubnay ayay dib inoogu celinayaan iyo waxaan inntaas dhaamin, dhanka kale xukumadu waxay si qaab daran u adeegsatay wixii goolahan kalifey in uu abuurmo oo ah dalka oo qabyaal adii dib u soo noolaatay halkey ka sixi lahayd mise iyadiibaaba koofiyad baclayaashi aynu ka nas anay shaashadaha muqaal araga fog ay xukumadu gacanta ku hayso soo wadda tubtay

Doodahaas iyo kuwo kaloo badan ayaa lagu mashquulsanaa wixi ka dmbeeyay ku dhawaaqisti a y ku dhawaaqeyn goolahan siyaasiyiin dalkan iyo dadkanba magac ku leh waxaana la odhan ka ra siyaasiyiintan ku bahoobay goolahan waa kuwii dalkan iyo dadkan u ahaa ehelka.


Sidaa darteed qoraalkani wuxuu golaha keeni doonaa dood cusub oo mudan in si xilkasnimo ah looga qayb qaato. Dooda oo kooban waa in caqliga uu yahay meesha kaliya ee laga baadi goobi karo xalka dhibaato kasta oo nolosha la xidhiidha. Sidoo kale waxaan aaminsanahay in caqliga iyo talllada oo laga fogaado ay tahay isha dhibaato kasta oo nolosha laga dhaxlo.

Farsmo kasta iyo xeelad walba oo lagu maareeyo nolosha waxaa laga soo dhiraadhiriyay caqlig a. Tusaale ahaan cudurada iyo musiibooyinka dabeecada waxay halis ku ahaayeen jiritaanka aa danaha. Wixii ka horeeyay inta aanan caqliga laga qaan gaadhin, bani aadamku wuxuu xal uga baadi goobi jiray mashaakilka nolosha meel aan caqliga ahayn, waana taas sababta ay u bateen quraafaadka iyo baqdintu. Cuduro si sahal ah lagu daawayn karay, ayaa waxaa lagu fasiray ciq aab cirka laga soo dajiyay, balse mudo aan sii fogayn ayuu aadanahu ku baraarugay naxariista caqliga, waana markii la fahmay cudurada in la dawayn karo oo aysan ahayn ciqaab cirka ka soo dhacay,Sidoo kale waxaa si geesinimo ay ku dheehantahay lagu ogaaday in masiibooyinka dabe ecadda laga dhaxlo laga hortagi karo misna lala tacaali karo.

Adeegsiga caqliga waxaa laga dhaxlaa aqoon iy waayo aragnimo baxaali ah oo si fudud loogu maarayn karo caqabadaha nolosha.


Farsmada casriga ah iyo aqoonta cusub waxay sababeen in si fudud lagu xaliyo guud ahaan dar uufaha qalafsan ee nolosha ku lammaansan. Cuduro badan oo si ba'an u layn jiray aadanaha ay aa laga cidhib tiray dunida, sidoo kalena caqliga oo kaashanaaya dhashiisa cilmiga waxay sahle en in musiibooyin badan oo dabeecadda laga dhaxlay si fudud lagu maareeyo. Tusaale ahaan aa danahu wuxuu maanta awoodaa in uu sii ogaado musiibo dhul gariir ama duufaan oo ku soo fool leh dhulka , waana taas midda sababtay in laga sii gaashaanto si qasaaraha loo yareeyo.

Dhibaatooyinka laga dhaxlay nolosha casriga ah waxaa ugu tolmoon, mashaakilka siyaasaddeed, dhaqaale iyo waliba dhaqan ee dunida casriga ah ka aloosan. Inta badan dunida waxaa ka jira is maandhaaf baahsan oo halis ku ah guud ahaan nolosha aadanaha. Colaado badan oo sababay dagaalo ay ku nafwaayeen malaayiin ilma aadan ah ka dib, waxaa la garowsaday in caqliga lagu xaliyo ismaandhaaf kasta oo ka dhasha danaha kala duwan ee bani aadamka ee la xidhiidha siya asadda, dhaqaalaha iyo waliba dhaqanka. Wixii ka danbeeyay dagaaladii waawaynaa ee dunida waxaa la isku afgartay in la xushmeeyo xoriyadda iyo xuquuqda shaqsiga iyo wadda noolaash aha si loo helo nabad buuxda.


Xaalku markuu sidaas yahay miyaan loo baahnayn in aynu iska waydiino dhowr su`aalood si ay nu xal iyo is afgarad amma ogaansho uga helno arinta Goolahan iyo Xukumada, maxay noqon ka raan su`aalaha aynu iska waydiin karno.

Maqaal sidan u kooban loogama bogan karo marxaladihii uu caqligu u soo maray xal u helidda ma shaakilka siyaasaddeed, dhaqaale iyo dhaqan ee dunidan casriga ah, balse waxaa haboon in aan si guud u ogaano qaacidada uu caqligu dajiyay xalinta ismaandhaafka aadanaha. Caqligu wuxuu ku baaqayaa in meelo badan xalka laga raadiyo oo aan lagu xiiqin hal jiho oo kaliya. Sidoo kale caqligu wuxuu ina barayaa in daruufaha nolosha ay marwalba is badalaan oo ay haboontahay in garasho cusub lagu xaliyo mashaakilada curdunka ah.

Daruufaha kala duwan ee dunida ka jira, ayaa waxay sababeen in siyaabo kala duwan ay umm ad walba xal ugu raadiso dhibaatada u gaarka ah, ayadoo adeegsanaysa caqliga. Qaran walba waxaa waajiba ku ah in ay xaliyaan dhibaatada nololeed ee haysata, ayagoo mudnaanta siinaya caqliga iyo dhaqankooda u gaarka ah. Sidoo kale guud ahaan bani aadamka waxaa saaran ma s’uuliyad guud oo lagu ilaalinaayo danaha guud ee ka wada dhaxeeya Ummad dal wada dagan.


Adeegsiga caqligaagu wuxuu kuu sahlayaa in dhibaatooyinka kuu gaarka ah aad u xalisid si dan taadu ku jirto. Dhibaatooyinka dunida ka jira waa kuwo guud iyo qaar lagu kala duwan yahay. Dhibaatada siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee wadanka waxaa xalin kara garashada,fakarka ,aqlig iyo danta caamka oo laga eego ayaa xalin kara jahawareerka siyaasadeed ee haysta dalkeyn mid gudo mid dibadeedba.


Haddaba waxaa haboon in ay dawladdu u dhago nuglaato Goolahan, sababto ah waa danta iyo nasteexada xukumadan maanta jirta, tallo kuguma noole adda ku nool,wax is weydiin ma xuma wax is waydiin la`aan ayaa xun, nin tallo diidayna waa nin danno kale leh,laylligu biyaha kashk iisa ku jira ayuu ka dida maaha in nasteexada iyo toosinta ay xukumadu diido,waa loo jeedda oo dalku meel xunbu afka saaray markaa tallo qaran waa laga maarmaan.


waxaan ku soo gunaanadi maqaalkan tuduc ka midda gabaygii ERGO waxaana tiriyay abwaanki, mujaahidkii macalinkii qaranka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye"
 

 



Waxaan ahay nin arkaaya

ayaankaygii shi`dhaafay

markii loo injireystay

oo madow daba keeniyo

*****

isagoo ducanayaa dirqiga

weysha ku ooftayoo

idinkoo qof maqnaynoo

indhihiinu shan yihiin

*****

mar labaad ambanaaya

waxaan ahay nin arkaaya

ulajeedo habowday

ididiilo hungowday

*****

ooda geel laga qaadayoo

hal taal gundhihiisa

ayaanlow naxdin joogta

aayatiinkaba saaran

*****

aheey way iyo ciil

umalkeyga higdeyda

calool oyga nafteyda

ilmada iga da`aysiyo

imtixaanka i haysta

*****


NB: Ninkii duuf ku nooloow alle doori-baad tahay
 

 

Qore: Abdifatah O. Abdi (Abdi Kling-King)
Tromsø,Norge
kling-king@hotmail.com