Golihii deegaanka Gabiley oo isku badalay Baarlamaankii Soomaliya


 

 


Dhamaan bahda saxafada madaxa banan ee Somaliland waan salamayaa. Waxaan maanta wax yar inan ka hadlo doonay dhaqankan cusub ee ay ku kaceen Golaha deegaanka Gabiley, oo ku gacay f al fool xun markii ay dawlada dhexe ama Wasaarada Arimaha Guduhu xayirtay inay buuxiyaan jag ada Gudoomiyaha Golaha ,oo mudo siddeed bilood ah ay ku meel gaadh u haysay marwo Khadra X aaji Gaydh ,oo hore u ahayd Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha deeganka Gabilay ,taasi oo ay ka cadhoodeen xil dhibanada Golaha deeganka Gabiley sidii uu ula dhaqmay Wasiirka Arimaha Gud uhu, isaga oo ku soo yidhi warqadii ogalaansha Badhasaabka ayaan idinku soo dhibayaa, ee is ka taga.

 

Ka dib markii ay wax warqad ah ka wayeen Badhasaabkii Gobolka Gabiley, ayay go'aan ku qateen inay tagaan xaruntii Dawlada Hoose ee Gabiley, halkaasi oo ay donayeen inay kal fadhi ku yeesha an ,kaasi oo ay ku dooranayeen Gudoomiye cusub, laakiin may suura galin oo waxaa markiiba ka soo daba galay Booliska oo kala diray dhamaan fadhigoodi ,kadib ayay kacan ka hadal bilabeen ta asi oo sababtay inay dhamaan dhulka dhigaan muraayadihii iyo dhamaan qalabakii Dawlada Hoose ee Gabiley.

 

Dhacdooyinka noocan ee kacan ka hadalka ah , laguma aqoon dhamaan Golayasha Xildhibanada Soomaliland, lakiin gacan ka hadalka waxaa caan ku ama ku caano maalay xildhabanada Wadanka jaarkeena ee Soomaliya, oo mar kasta oo ay fadhi yeeshaan dhiig ku daadin jiray goobta aqalka Barlamaanka,taasina waxay sharaf xumo ku tahay inay ku khaatumaystaan Golihii deegaanka Ga biley ,madama ay sameeyeen dhacdadan foosha xun ee ay ku kaceen malintii shalay ahayd,
 

 

 

 

 

Cabdisamad Sheekh Cabdilaahi
Cairo , Egypt