Golahani Laba Garab Wuu Ka Weyn Yahay

"Golahani
laba garab wuu ka weyn yahay khilaafkii soo kala dhex gala yna waala
turxaan saaray, waxaanala iskuraacay in si siman loogu sh
aqeeyo Qaranka” Guddoomiyaha Guurtida
Saleebaan Maxamud Aadan
Guddoomiye golaha Guurtida Md;Saleebaan Maxamuud Aadan (Sale
ebaan Gaal) ayaa sheegay in fadhigii albaabadu u xidhnaayeen ee
goluhu shalay ka yeeshay xalinta khilaafaadka kasoo laba kacleeyey
golaha dhexdiisa uu gebi ahaanba gole waynuhu iska turxaan bixiyey
wixii isqabada ee ka dhex jiray isagoo intaa ku daray in golaha
Guurtidu is fahan guud ka gaadhay sidii qaranka oo wada jira loogu
adeegi lahaa, tilmaamayna in ajandayaasha golaha hor yimaada ee lagu
kale aragti duwanaadaana tahay dhaqanada Baarlamaanada, balse aanay
ahayn buu yidhi in goluhu ku kala tago kale duwaaans haha xaga
aragtida ee danaha guud ee qaranka.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu
sidaasi ku sheegay mar uu shalay Haatuf xafiiskiisa ugaga xog
waramayey kulan albaabadu u xidhan yihin oo goluhu shalay ka yeeshay
khilaafaad cakiran oo ka dhashay fadhigii axadii oo goluhu dood
xasaasiya ka yeeshay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, taas oo
mudanayaasha muxaafidka ahi ay doodaasi uga faa’iidaysteen durista
go’aanadii guddida golaha Guurtidu ay ka soo saareen shaqaaqadii
deegaanka Ceelbardaale, taas oo mudanayaashu carrabka ku dhufteen,
islamarkaana ku difaacaan sharciyada go’aanadaasi taas oo fadhigii
isniintii uu guddoomiye Saleebaan gole waynaha usoo jeediyey in
fadhi xidhan oo turxaan bixina goluhu iskugu yimaado maalintii
salaasadii shalay.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Gaal oo guddoominayey fadhiga
albaabadu u xidhnaayeen ee goluhu shalay ka yeeshay khilaafaadkaasi
oo wargeyska Haatuf kulankaa ka dib uga xogwaramay natiijada uu ku
dhamaaday kulankii turxaan bixinta iyo waxyaabaha u goluhu kaga wada
hadlay fadhiga albaabadu u xidhnaayeen ayaa isagu nuxurka kulankaasi
ku sheegay in gole waynuhu ku soo afjaray khilaafaadkii soo laba
kacleeyey gabi ahaana ay ku guulaysteen inay soo afjaran wixii
ismaandhaaf ah ee jiray isagoo guddoomiyuhu arimahaa ka hadlayana
waxa uu yidhi “ fadhigii doraad uu goluhu yeeshay ayaa waxoogaa
ismaandhaaf ahi golaha ka dhex abuurmay, dabadeeto si khilaafkaasi
loo damiyo ayaan golaha usoo jeediyey in goluhu fadhi xidhan oo
turxaan bixina uu ka yeesho arrimahaasi, sidaa darteed gole waynuhu
waxa uu fadhigiisa ku turxaan bixiyey wixii khilaafka ama curfisa ee
jitay, waxaanu ku guulaysanay inaanu soo afjaro wixii ismaandhaafa
ee dhex yimid waxaanu isku raacay iskuna waa faqay in si mudaysan
qaranka loogu adeego, hadal iyo murti goluhu wuu ka midoobay waanu
turxaan saaray wixii isqabada ee jiray”ayuu yidhi guddoomiye
Saleebaan Maxamuud Aadan.
S: maadaama goluhu laba garab ugu kala qaybsamay go’aankii muddo
kordhinta madaxweynaha ilaa hadana kala qaybsanaantii qadiyadaasi ay
golaha kasii dhex muuqato sidee goluhu xilkiisa u gudankara hadii
kale qaybsanaani jirto?
ta kale goluhu ma xaliyey khilaafkii ka dhashay fadhigii axadii mise
waxa uu turxaan bixiyey khilaafaadkii jiray?
J: Horta golaha Guurtidu waa gole baarlamaan in aragtida
ajandayaasha laysku qabto ansixintooda oo lagu kala aragti
duwanaadaa waa dhaqanada baarlamaanada, aakhirkana waxa lagu kala
baxaa cod, waxaanse kuu sheegayaa goloha guurtidu laba garab iyo
saddex garab uu ka weyn yahay oo waa gole baarlamaan, guud ahaana
goluhu wuu ku guulaystay inuu xal u helo waxaanu ku midoobay inuu
qaranka wada jir ugu adeego.
Fadhigan ay alaababdu u xidhan yihiin oo uu shalay yeeshay golaha
guurtidu ayaa waxa uu ka dhashay fadhigii axadii oo lagaga hadlayey
nabadgelyada oo golaha xiisad ka kiciyey, markii la soo hadal-qaaday
shaqaaqadii Ceelbardaale ee dhex martay dadka dega deegaanada
Gebilay iyo Dila, iyada oo ay golaha guurtida ka muuqatay kala
qaybsanaan ka dhalatay muddo kordhintii madaxweynaha iyo ku
xigeenkiisa, kaas oo uu goluhu si weyn ugu kala aragti noqday.
Haatuf
|