Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Tirad ii Ugu Badnayd Ee Golaha Wasiirada Somaliland

 


Tuesday, 22 December 2009 Hargeysa (Timacade News):- Fadhigii maanta ee  Gol aha Wakiillada Somaliland ayaa waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen sagaal ka  m id ah Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliland, kuwaas oo isugu jiray  Wa siiro, Wasiir Kuxigeeno, iyo Wasiiru Dawlayaal, Kadib markii dhawaan loo   maga caa bay xilkaasi.


Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayey Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee  Gola ha Wakiillada Somaliland Cabadicasiis Maxamed Samaale waxa madasha ka soo  xad iray 46-mudane oo ka mid ah 82-ka mudane ee Golahaasi ka kooban-yahay.


Xubnihii Golaha Wasiirada ee maanta Golaha Horyimi si loo ansixiyo ayaa waxa uu  s hirgudoonka Golaha Wakiilladu u ogolaaday midkiiba inuu shan daqiiqo  mudanayaa asha hortooda ka hadlyo, kadibna waxay mudayaashu si gooni gooniya u  ansixiye en sagaalkii xubnood ee Golaha Wasiirada Xukuummada Madaxweyne Rayaale.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee la ansixiyey waxa ka mid ahaa:

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Mudane, Warsame Guuleed waxa  o golaaday 42-mudane, hal mudane uu diiday, hal mudanena uu ka  aamusa y, gudoo miyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay.


Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Mudane, Xuseen Caynaan Faarax waxa ogolaaday 41-mudane waxaana diiday hal mudane, guddoomiyuhuna muu codayn cid ka aamustay iyo cid diiday midna may jirin.

Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland, Mudane, Maxamed Yuusuf Cismaan waxa  ogolaa day 43-mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, guddoomiyuhuna m uu codeyn, sidaana uu ansaxay.

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Mudane, Muuse  Cab di Maxamuud cod gacantaaga oo ay xildhibaanadu u qaadeen waxa ogolaaday 39-mudane, 2-mudane way diideen hal mudanena uu ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay.

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane, Farxaan Maxamed Ismaaciil waxa ogolaaday 42-mudane, waxa ka aamusay hal mudane, hal mudanena uu diiday guddoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay.


Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Hidaja iyo dhaqanka Maxamed Axmed Faarax waxa ogolaaday 41-mudane, waxa diiday hal mudane, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaana uu ku ansaxay.


Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane, Ca bdi Yuusuf waxa ogolaaday 45-mudane cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin.


Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland, Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil [Keyse] waxa ogolaaday 45-mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin


Wasiiru dawlaha Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland, Mudane, Cabdi Xirsi Du’aale waxa ogoladay 38-Mudane 3-mudane way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaana uu ku ansaxay.
 


Source:SN